Agaasimaha Taleefishin-ka Somsat ee Qaaradda Europe ,ahna Mas'uul ka tirsan Jaaliyadda Sports-ka Manchester City ahna aasaasihii koxda walaalaha horumarinta isboortiska UK ee WPSC Fu'aad Cusmaan ayaa soo gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Fu'aad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee C/llaahi Yusuf Axmed ku soo dhoweeyay Saxafiyiin, dhalinyaro Sports,Gudoomiyaha Naadiga Kubadda Cagta Comsed C/qani Carabeey iyo Gudoomiyaha Ciyaaraha ee Gobalka Mudug C/Hodan Dayax-leef.
Ugu horayntii waxaa soo dhoweyn ka dib hadalo jeediyay Madaxa-qaban qaabadda C/qani Khaliif Carabeey,ayaa sheegay innay aad ugu faraxsanyihiin soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen Fu'aad Cusmaan ayna u tahay maalin aad ugu qaaliya.
Gudoomiyaha Sports-ka C/hodan Dayax-leef oo isna hadlay ayaa sina sheegay innuu sidaas si la mid ah uu ugu faraxsanyahay imaanshiyaha Fu'aad maadaama uu yahay shaqsi ka shaqeeya Sports-ka.
Mudane Fu'aad Cusmaan oo Garoonka diyaaradaha ee C/llaahi Yusuf Axmed kula hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyay boqolaalkii ee soo dhowaysay isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay qaabka qurxoon ee loo soo dhoweeyay.
Fu'aad ayaa sheegay in soo dhoweynta Gaalkacyo loogu sameeyay ay tahay middii ugu balaarnayd intii uu Safar ku marayay Qaaradda Africa uuna aad ugu Mahacelinayo dadkii xilka iska saaray ee soo qaban-qaabiyay.
Ugu dambeyntii Agaasimaha Somsat ee Qaaradda Africa Fu'aad Cusmaan oo taageera dhalinta xiisaysa Ciyaaraha noocyadooda kala duwan ayaa intuu joogo Gaalkacyo lafilayaa in uu kulamo la yeesho Guddiyadda Sports ee ka dhisan Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com
--