Xiriirka Cayaaraha Fudud oo Tababar ka furay Magaalada Muqdisho (Sawirro)
Posted by shiikha on 25/01/2013 16:14:07

Xiriirka Cayaaraha Fudud oo Tababar ka furay Magaalada Muqdisho (Sawirro)


Seminaar dhinaca horumarinta Ciyaaraha fudud ayaa waxaa uu ka furmay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan ilaa 50 ruux oo isugu jirta Tababarayaal, garsoorayaal iyo Ciyaartoyda ciyaaraha Fudud.


Extended News

Seminaar dhinaca horumarinta Ciyaaraha fudud ayaa waxaa uu ka furmay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan ilaa 50 ruux oo isugu jirta Tababarayaal, garsoorayaal iyo Ciyaartoyda ciyaaraha Fudud.

Xafladdii furitaanka Seminaarka oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan xiriirada K.Kolyga, K/cagta, Ciyaaraha Fudud, Laliska, Agaasimayaal, madax ka tirsan GOS iyo bahda saxaafadda.

Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo ah ku xigeenadda xiriirka ciyaaraha Fudud ayaa ugu horeyntii Sharaxaad ka bixisay Muhiimadda Seminaarkaasi oo ay casharada ka bixin doonaan Ciyaaryahannadii hore ee Ciyaaraha Fudud iminkana ka tirsan Somali Run Cabdi Warsame Isaaq iyo C/qaadir Caraalle oo dalka Mareykanka ka yimid.

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Prof Maxamed Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xiriirka ciyaaraha fudud uu doonayo in dhinacyo badan laga dhiso si buu yiri Ciyaaraha Caalamiga ah ee laga qeyb geli doona looga keeno Guul weyn.

“Waxaa maanta farxad ii ah inaan arko bahdii caanka ahayd ee ciyaaraha berisamaadkii, waxaana iminka wixii ka dambeeya aan balan qaadeynaa inaan soo saarno Jiil cusub oo difaaci doona calanka Soomaaliya” ayuu raaciyey.

Agaasimaha wasaaradda Arrimaha Bulshada oo Ciyaaraha qeyb ka ah Aweys Sheekh Xadaad oo si rasmi ah u furay tababarkaasi ayaa sheegay in xiriirka ciyaaraha fudud uu yahay kan kaliya ee tababarro qabsanaya oo ugu dadaalka badan xiriirarrada jira sida uu yiri, wuxuuna balan qaaday isagoo ka wakiil ah wasiirka iyo ku xigeennada inay garab istaagi doonaan xiriirrada dadaalka sameeynaya.


W/Q: C/xafiid C/samad zaciimka
zaciimka02@hotmail.com