Xulka Soomaaliya oo Kenya uga adkaaday 81-78 dhibcood.
Posted by shiikha on 22/01/2013 12:12:06

Xulka Soomaaliya oo Kenya uga adkaaday 81-78 dhibcood.

Xulka kubadda kolayga ee dalkeena Soomaaliya ayaa maanta cayaartii ugu adkayd ee ka tirsanayd tartanka Zone v Basketball Championship waxa ay 81-78 ku suuldaareen xulka dalka aan deriska nahay ee Kenya.


Extended News

Xulka kubadda kolayga ee dalkeena Soomaaliya ayaa maanta cayaartii ugu adkayd ee ka tirsanayd tartanka Zone v Basketball Championship waxa ay 81-78 ku suuldaareen xulka dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Wiilasha da’yarta Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay cayaar aad loogu riyaaqay isla markaana u dirtay fariin culus dalalka kale ee ka qaybgalaya tartanka ayagoo intii aan cayaartu bilaabanba ka naxsaday dadkii daawanayey cayaarta iyo waliba qabanqaabiyayaashii ka dib markii ay goolkii garoonka oo ka samaysnaa dhalo ay jabiyeen ayagoo gacanta la galinaya kubadda goolka.


Xulka Soomaaliya ayaa cayaarta hogaaminayey bilowgii ilaa dhamaadkii inkastoo dhamaadkii cayaarta qaybteedii dambe ay cayaartoyda Soomaaliyeed daaleen maadaama uu garoonku aad u kululaa isla markaana xiliga la cayaarayey uu ahaa xili kulul.

Macalinka kooxda xulka qaranka oo aan la xariiray ayaa ku tilmaamay guushan mid taariikhi ah isla markaana fariin u diraysa dalalka carabta iyo Africa taasoo ah in aan dib ugu soo laabanay garoomada cayaaraha anagoo waliba guul doon ah.

“Guushani waxa ay ka mid tahay kuwa aanan si fudud ku iloobi doonin, cayaartoydeenuna waxa ay muujiyeen cayaar aad u farsamo badnayd waxayna iskula shaqeeyeen si wadjir ah, waxaanan hubaa haddii ay sidaan oo kale u cayaaraan in ay adkaan doonto in si fudud nalooga adkaado” ayuu yiri macalin Baarajab oo ay codkiisa ka muuqatay farxad aad u badan.

Gud-kuxigeenka XSK Kolayga Maxamed Xaaji ayaa dhinaciisa hambalyo u diray cayaartoyda, macalimiinta iyo taageerayaasha Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in cayaarta maanta ay soo bandhigeen xulkeenu ay muujinaysay wadaninimo iyo isku duubnaan.

Habeen dambe ayey cayaarta labaad ee tartankan xulkeenu uga hortagi doonaan xulka dalka Burundi ayadoo haddii ay cayaartaasi ku adkaadaana ku soo bixi doona kaalinta koowaad taasoo macnaheedu yahay in ay ka badbaadaan kooxda ku soo baxda kaalinta koowaad ee qaybta kale.

Xigasho: cayaaraha.com