Guddiga Jaaliyadda Iyo Kan Isboortiga ee Atlanta oo Madax Hore Casuumay.‏
Posted by shiikha on 29/12/2012 12:19:00

Guddiga Jaaliyadda Iyo Kan Isboortiga ee Atlanta oo Madax Hore Casuumay.

Atlanta:Waxaa habeenimadii Axada oo ay taarikhdu ku beegneyd December 23,2012 Casuumad heer sare ah lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka,waxaana Casuumaadaasi si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Soomali-America Center iyo Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta,waxaana Xafladaasi lagu soo dhaweenaayey Dr. Cabdisalaam Shekh Xusen oo hore jagooyin kala duwan uga soo qabtay Qaranka Soomaaliyeed oo kala ahaa Wasiirka wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare,Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Wasaaradda garsoorka iyo Diinta,waxa kaloo lagu soo dhaweenaayey Mudane Maxamed Xaaji Cali oo ka tirsanaa saraakiisha Bangiga Dhexe isla markaasna ahaa aasaasihii Kooxdii Kubadda cagta oo ku ciyaari jirtay magaca Bankiga.


Extended News

Atlanta:Waxaa habeenimadii Axada oo ay taarikhdu ku beegneyd December 23,2012 Casuumad heer sare ah lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka,waxaana Casuumaadaasi si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Soomali-America Center iyo Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta,waxaana Xafladaasi lagu soo dhaweenaayey Dr. Cabdisalaam Shekh Xusen oo hore jagooyin kala duwan uga soo qabtay Qaranka Soomaaliyeed oo kala ahaa Wasiirka wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare,Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Wasaaradda garsoorka iyo Diinta,waxa kaloo lagu soo dhaweenaayey Mudane Maxamed Xaaji Cali oo ka tirsanaa saraakiisha Bangiga Dhexe isla markaasna ahaa aasaasihii Kooxdii Kubadda cagta oo ku ciyaari jirtay magaca Bankiga.


Waxaana Xafladaasi furitaankii khudbad ka jeediyey Aaden Sunbul oo ka tirsan Madaxda sare ee Jaaliyadda Somali_American Center, waxaana uu ka hadlay marxaladihii kala duwaneyd ee uu soo maray Guddiga Jaaliyadda iyo guulaha uu ku talaabsaday,waxaana uu sheegay in maanta ay sharaf u tahay in ay Atlanta ku soo dhaweeyaan Madaxdaan oo runtii ay xurmad u hayso dhamaan Ummadda Soomaaliyeed shaqadii ay u soo qabteen dalkooda awgeed,waxaana uu u sheegay in abaalkii ay Ummadda Soomaaliyeed gashteen ay tahay mid aan la iloobi doonin.


Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Mudane Inj. Cumar Shekhey oo cadeeyey in booqashadda Madaxdani ay tahay mid Atlanta u geli doonta Taarikhda ,waayo Magaaladaan waa markii ugu horeysay Madax darajadaan leh ay soo booqdaan,waxaana uu Gudoomiye Cumarey ka sheekeeyey waxyaabihii u qabsoomay iyo halka uu Guddiga Jaaliyadda Tiigsanaayo,waxaana uu u mahad celiyey Wasiirka Mudane Cabdisalaam iyo Mudane Maxamed Xaaji,isagoo ka rajeeyey in ay mar kastoo ay waqti helaan na soo booqdaan,waayo waxii aad Qaranka Soomaaliyeed u qabateen ma aha mid Taarikhda iloobi doonto,waxaana halkaa Gudoomiyaha loogu tumaday Sacab aad iyo aad u balaarnaa.




Ka bilow bidix: Maxamed Xaaji(Aasaasihii Naadigii Bangiga dhexe),Dr. Cali Cusmaan(Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta),Dr. Cabdisalaam Xaaji Xusen(Wasiirkii Hore ee Taclinta sare),Aweys Muse Arbow "Aweys Fundi"(Gudoomiyaha Farsamadda ee Guddiga Isboortiga) ,Cabdulqaadir X. Cadde"Caydiid Jeenyo"(Xoghayaha Guddiga Isboortiga iyo tababaraha Kooxda).

 

Waxa kaloo halkaa in uu ka hadlo lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Magaaladda Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali,waxaana uu ka sheekeeyey Marxaladii uu soo maray Guddigaani oo ah kan saldhigga u ah  dhamaan guddiyadda Atlanta ka dhisan,waxaana uu ka warbixiyey Tartamadii ay qabteen 12kii sano ay jireen iyo kuwii ay ka qeyb galeen,isagoo carabka ku dhuftay in Isboortiga uu yahay halka la iskugu keeni karo dhamaan dhalinyaradda,iyadoo lagala dagaalamaayo waxyaabaha xun xunka ah oo mustaqbalkooda waxyeeleenaayo,waxa kaloo si gaar ah ugu mahad celiyey Wasiirka Mudane Cabdisalaam isagoo u sheegay in uu ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay waqtiyaddiii uu wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare ahaa.isagoo uga mahadceliyey Fursadaa qaaliga aheyd uu ka helay Dawladdi wadanka ka talineysay,waxa kaloo aad iyo aad uga Mahadceliyey Maxamed Xaaji Cali oo  ka mid ahaa Aasaasiyayaashii Kooxdii Kubadda cagta ee Bankiga Dhexe Horaantii Todobaatameyadii,taa oo markastaba taarikhda ay xusi doonto.



Waxaana lagu soo dhaweeyey in ay ka hadlaan Xafladaasi Mudane Cabdisalaam Shekh Xusen,waxaana uu marka hore ka mahadceliyey sida xushmadda leh ee loo soo dhaweeyey,taa oo maanta Taariikh igu reebtay,waxaana uu cadeeyey in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta ay tahay mid isku duuban oo la doonaayo in looga daydo,waxayna isku duubnaantooda keeni doonta in jiilalka soo koraayo ay kaga daydaan,waxaana uu ugu hambalyeye Dadweynaha reer Atlanta sida ay iskugu duuban yihini isagoo ballanqaaday in uu gaarsiin doono Soomaalida meel kastoo ay ku nooshahay.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Mudane Maxamed Xaaji Cali oo ka tirsanaa Saraakiisha sarsare ee Bangiga Dhexe isla markaana ahaa Guddigii Isboortiga ee Bangiga Dhexe,isagoo sheegay in Reer Atlanta ay Maanta khushuuc ay geliyeen taa oo ugu wacneyd Soomalinimadda ay muujiyeen iyagoo runti wadiiqo wanagsan u furay Jiilalka soo koraayo,waxaana uu ka codsaday reer Atlanta jidka ay hayaan in aysan ka leexan,waxaana aan huba in ay ku heli doonaan sharaf iyo qadarin,waxa kaloo aan hambalyo u gudbinayaa Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Reer Atlanta oo runti waxqabadkooda uu yahay mid Muuqda,anigoo rajeeynaayo in ay halkaa ka sii wadaan Abaabulka Isboortiga oo ay soo wadeen Mudda dheer.



Marwo Nafiiso Cali oo ah Gudoomiyaha Haweenka Atlanta ayaa waxa ay ku soo dhaweeysay Maqaayadda DAALO RESTAURANT iyo Magaaladda Atlanta,waxaana ay martida u sheegtay in Reer Atlanta ay Rag iyo Haweenba ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dhalinyaradda soo koreysa,waxaan nahay sida ul iyo diirkeed,shaqada waxaan u qabanna si wadajir ah,waa taa midda guusha noo horseeday,waxayna u mahadcelisay dadkii ka soo shaqeeyey in Madaxdaan ay halkaan noogu timaado.


Ugu dambeyntii waxaa shirkii soo gabagabeeyey Mudane Dr. Maxamed Cali Nuur oo ka mid ah Aqoonyahanadda Soomaaliyeed,horeyna u soo noqday Wasiirka Wasaaradda caafimaadka ee Qaranka Soomaaliyeed,waxana uu marka hore u mahadceliyey marti sharafka Atlanta noogu timid,isagoo sheegay in ay sharaf iyo qiimo aan la qiyaasi karin ay u tahay dadweynaha reer Atlanta in ay soo dhaweeyaan marti runtii qiimahaan leh,waxaana uu Dr. Maxamed Cali Nuur ka sheekeeyey dadaalkii ay u soo galeen in reer Atlanta noqoto da isku duuban kana shaqeeyo danaha dhalaanka soo koraayo iyo dhamaan dadweynaha ku nool reer Atlanta,waxaana ku dadaali doonaa inta karaankeenna ah in aan shaqadda si wadajir ah u sameyno.isagoo mar kale ku soo dhaweeyey Atlanta Mudane Dr. Cabdisalaam iyo Maxamed Xaaji,waxaana halkaa loogu tumay sacab aad u qiimo badan,waxaana ay xafladii ku soo dhamaatay si aad iyo aad u qurux badan oo ay dhamaan raali ka noqdaan.


Diyaariye:

Dr. Cali Cusmaan cali