Ciyaartooyda Qaranka Minnesota oo u ambabaxay Ugandha
Posted by shiikha on 12/11/2012 16:03:01

Ciyaartooyda Qaranka Minnesota oo u ambabaxay Ugandha

Qaar ka tirsan cayaartooyda xiddigaha kubadda cagta ee TC stars ayaa maanta oo ay bishu tahay 09/11/2012 ka duulay garoonka dayuuradaha caalamiga ee MPLS/SaintPaul airport , iyaga oo ku sii jeeda dalka Ugandha caasimaddiisa Kampala, halkaasi oo ay kaga biiri doonaan ciyaartooyda Xulka qaranka kubadda cagta oo diyaargarow ugu jira cayaaraha bariga iyo bartamaha Africa oo halkaasi ka dhici doona inta u dhaxaysa 24ka Novembar ilaa iyo 8da December2012.

Extended News

Kooxda qaranka kubadda cagta ee loogu magac daray Ocean stars, ayaa waxay garoonka kubadda cagta ee Namboole kula ciyaari doonaan kooxaha Suudaan, Burundi, iyoTanzania.

Isku dubaridaha dhallinyaradan ciyaartooyda macallin/Coach Abdi Shukri oo aan ka waraystay qaabka diyaargarowga cayaartooydan ayaa ii sheegay in ay hawl culus soo qabteen si dhallinyaradaasi ay uga qaybgalaan cayaarahaasi una muujiyaan xirfadda iyo aqoonta ay u leeyihiin kubadda Cagta.

ugu horrentii waxaa uu u mahadceliyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagta gaar ahaan Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Abdiqani Arab iyo macallinka xulka qaranka Macallin Geela.

Sidoo kale waxaa uu mahadcelin aan la soo koobi karin u diray dhammaan dadkii hawshan gacanta ku siiyay ha noqoto talo iyo dhaqaale intuba sida Abdiaziz Mahdi oo ka tirsanaa cayaartooydii barisadka oo Tennessee jooga,marka xigana Coach J.Blue oo isna dadaal badan muujiyay iyo dhamaan akhyaartii isboortiga ee barisamaadka iyo dadka ku hawlan horumarinta isboortiga oo ay ka mid yihiin: Khalif riiko iyo Faysal Qaldaan.oo jooga Washington. Dr.Ahmedwali. Coach Mahad.Guddoomiye Bashiir Gelle oo jooga OHIO,Abdulqadir Madaxay. Abdiqaadir Nuune.Milkiilaha kooxda Ultimate Travel Mahamud Ciise ,Xawaaladda Tawakal, Coach Abdulqadir Shiikha,Milkiilaha VIA Roma Maaxi,Axmed Dhaawac,Dalab iyo macallinka kooxda TC Coach Arab oo wada jooga Minnesota.

Dhallinyaradan cayaartooyda ee ka ambabaxday gobolka Minnesota ee Maraykanka ayaa kala ah:Faisal Maxamuud,Daahir Jimcaale, cumar Bile iyo Axmadey Ceelshube, waxaana u rajaynaynaa in ay guulo kala soo noqdaan tartamada ciyaaraha qaranka oo ay ka qaybgali doonaan,guulo iyo sharafna u soo hooyaan qaranka Soomaaliyeed.

By:Shiikha