Soo celinta sharaftii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya
Posted by shiikha on 27/10/2012 05:05:52

Soo celinta sharaftii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya


Marka laga hadlayo taarikhda ciyaaraha fudud ee Soomaaliya iyo guulihii ay dal iyo dibadd ka soo hooyeen waxaa ugu horeyn maskaxdaada ku soo dhacaya Marxuum Cabdulle Nuur Waasuge kaasoo Soomaaliya u soo hooyay biladii ugu horeysay ee dahabka ah gaar ahaan tartankii All African Games ee lagu qabtay Nigeria.


Extended News

Marka laga hadlayo taarikhda ciyaaraha fudud ee Soomaaliya iyo guulihii ay dal iyo dibadd ka soo hooyeen waxaa ugu horeyn maskaxdaada ku soo dhacaya Marxuum Cabdulle Nuur Waasuge kaasoo Soomaaliya u soo hooyay biladii ugu horeysay ee dahabka ah gaar ahaan tartankii All African Games ee lagu qabtay Nigeria.

Waxaa kaloo maskaxdaada ku soo dhacaya halyeey Cabdi Bile Cabdi oo bilad dahab ah soomaaliya ugu keenay ciyaarihii addunka ee Italy lagu qabtay 1987, waxaana la hilmaami karin Cali Bay oo bilad dahab ah ka keenay ciyaarihii Carabta ee Marocco, Cali Dheere ayaa sidaasi oo kale ciyaarihii carabta ka keenay 2 biladood oo dahab ah gaar ahaan tartankii Carabta ee lagu qabtay Muqdishu,iyo tartankii bariga iyo bartamaha Afrika.

Waxaa kaloo xusid mudan Cabdulqaadir Waraabe oo kaalinta sadexaad ka galay tartankii Maratoonka ee lagu qabtay Muqdisho sidoo kale Jaamac Karaaciin ayaa sidoo kale ka helay biladda dahab a tartankii carabta.

Guulahaasi Yaa Daafici Kara?

Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud wuxuu qaaday tilaabadii ugu horeysay ee uu ku doonayo in horumar buuxda lagu gaarsiiyo howlaha ciyaarah fudud ee Soomaaliya hadaba

Markuu arkay……………………Guulaha ay ciyaaraha Fudud horey u gaareen.

Markuu arkay……………………Muhiimadda ay ciyaaraha Fudud ay Soomaalida ugu fadhido.

Markuu Dareemay………………In loo baahan yahay Shaqsiyaad aqoon u leh ciyaaraha Fuduud

Markuu Xuuraansaday…………Shaqsiyaadka dabooli kari Baahidaasi.

Ayuu go’aan ku gaaray in tababarah xulka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya laga dhigo Cabdi Warsame isagoo lagu qiimeeyay taariikhda uu ciyaaraha ku leeyahay.


Cabdi warsame wuxuu ciyaaraha ka soo bilaabay tartankii Degmooyinka iyo Dugsiyadda,wuxuu kaga sii gudbay ka qeyb galka tartankii Goboladda isagoo u saftay Gobolka Benaadir, wuxuu kaga sii gudbay oo uu ka mid noqday ciyaartoydii ciyaaraha Fudud ee kooxdii Wakaaladda Ganacsiga,isagoo markii uu muujiyey dadaal badan ka mid noqday Xulka Qaranka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa ciyaartoydii Soomaaliya ugu qeyb gashay ciyaaraha Olympic adduunka ee 1996 lagu qabtay Atlanta, Mareykanka.

Tababare Cabdi Warsame Isaaq wuxuu shahaado ka qaatay Georgia High School Sport Association iyo American Sport Association isagoo tababare u soo noqday illa 4 Dugsi sare oo ku yaala Atlanta uuna gaarsiiyey heer aad iyo aad u sareeya,wuxuu kaloo uu shahaado heer caalami ah ka heystaa xiriirka ciyaaraha fudud ee Caalamka IAAF, wuxuuna yahay Gudoomiyaha Somali Runners Organization kaasoo kulmiya dhamaan oradyahanadda Soomaaliyeed.


Xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya wuxuu kaloo xil muhiim ah u magacaabay Cabdulqaadir Caraale Cumar kaasoo noqon doona Agaasimaha Farsamadda ee xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud, waxey taasi timid markii lagu qadariyay taarikhda uu ciyaarah ku leeyahay isagoo ka soo bilaabay ka qeybgalka tartankii Dugsiyadda Gobolka Benaadir,wuxuu u sii gudbay tartankii Goboladda isagoo u saftay Gobolka Benaadir, wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda heerka kowaad ee Kooxdii Horseed, isagoo xubin firfircoon ka noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud.

Cabdulqaadir Caraale wuxuu shahaado caalami ah oo dhanka maamulka ciyaaraha fudud ah ka heysta xiriirka ciyaaraha Fudud Addunka ee IAAF, Mr Caraale wuxuu xilligaan yahay xoghayaha guud ee Somali Runners Organization waxaa intaa dheer in uu soo noqday IAAF isstructor.

Dr Ali Osmaan