Abdi Bile oo la kulmay Jaaliyadda isboortiga ee Gobolka Minnesota
Posted by shiikha on 22/10/2012 04:59:23

Abdi Bile oo la kulmay Jaaliyadda isboortiga ee Gobolka Minnesota

Halyeey Cabdi Bile ayaa Jaaliyadda isboortiga ee gobolka Minnesota kula kulmay maqaayadda Sports Restaurant and Coffee oo milkiyaddiisu uu leeyahay Axmed Daahir Ahmed oo ka tirsanaa cayaartooydii barisamaadka ee naadigii Horseed iyo xulka Qaranka K/Koleyga, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Bahweyntii Isboortiga ee gobolka oo iyaguna ka mid ahaa dadkii ay halyeeygani ku soo wada kifaaxeen isboortiga xilligii barisamaadka.


Extended News

Halyeey Cabdi Bile ayaa Jaaliyadda isboortiga ee gobolka Minnesota kula kulmay maqaayadda Sports Restaurant and Coffee oo milkiyaddiisu uu leeyahay Axmed Daahir Ahmed oo ka tirsanaa cayaartooydii barisamaadka ee naadigii Horseed iyo xulka Qaranka K/Koleyga, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Bahweyntii Isboortiga ee gobolka oo iyaguna ka mid ahaa dadkii ay halyeeygani ku soo wada kifaaxeen isboortiga xilligii barisamaadka.

Macallin/Garsoore Qolof.Macallin Qariindi iyo halgamaa Cabdi Yuusuf ayaa aad uga hadlay taariikhdii halyeyga iyo maqaamka uu gaarsiiyay calanka Soomaaliyeed, waxaana ay ku dhiiriyeen in Cabdi uu horay u sii wado dadaalkiisa ku aadan horumarinta Isboortiga....Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi hadalo guubaabo ah iyo qaabka mustaqbalka ee halyey Cabdi iyo ururada SYDOM iyo SAYEC wax la isula qaban karo ka soo jeediyay dhammaanba martisharaftii, macallimiintii iyo cayaartooydii barisamaadka ee halkaasi fadhiyay.

Cabdi Bile ayaa ka warramay ujeedada safarkiisa oo ay ahayd mid uu dhaqaale ugu ururinayay ummadda Soomaaliyeed , iyada oo aysan jirin wax dhaqaalo ah oo uu si gaar ah ugu helayay, balse ay ahayd orodkaasi uu ka qaybgalay mid uu ugu tabarucayay dhaqaalaha ka yimaada dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale Cabdi Bile waxaa uu warbixin dheer ka bixiyay safaro uu ku tagay dalka gudihiisa oo uu ku doonayo mustaqbalka inuu wax kaga qabto aqoontiisa sidii sare loogu qaadi lahaa guud ahaan isboortiga Soomaaliyeed, si gaar ahna cayaaraha fudud, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inay habboon tahay in la iska kaashado horumarinta isboortiga, meel kasta oo baahi ay ka jirtana qurbajoogta ay indhaha ku eegaan....Sidoo kalena Cabdi Waxaa uu guul ku tilmaamay cayaarihii gobolada Puntland oo qaab qurxoon ku dhacay, ayna habboonayd in la joogteeyo,si iftiinka u baxay dhallinyarada ee isdhexgalku ugu weynaa uusan meesha uga bixin, waxaana uu si gaar ah ugu Ammaanay qabanqaabadii cayaarahaasi Ahmed Daahir oo isagu gacan aad u weyn ka gaystay suurogalnimadiisa.

dabadeedna waxaa halkaasi lagu weydiiyay Su'aalo faro badnaa oo uu halyeeygu si saraaxad leh uga jawaabay, isaga oo ka dhawaajiyay in xilli kale uu waqtigu u saamaxo uu u soo laaban doono, aadna uu uga xun yahay waqtiga yar ee uu la qaatay bahdii Isboortiga oo halganka ay ku soo wada jireen muddo aad u dheer.

Saciid oo ka tirsan jaaliyadda Isboortiga ee Virginia, safarkana ku weheliyay Cabdi, ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyay hadalo dhiirrigalin iyo guubaabo isugu jiray oo badankoodu uu kaga hadlay waajibaadka inanaga saaran ka qurbojoog ahaan inaan la tacaalno oo wax la qabanodhallinta isboortiga ee ku nool dalka gudahiisa.

Barnaamijka ayaa waxaa daadihinayay Cabdulqaadir "Shiikha"

Dadkii Xafladda ka soo qaybgalay ayaa kala ahaa:Macallin Qolof, Macallin Qariindi,Macallin Idiris, halgamaa Cabdi Yuusuf,Macallin Mursal, Axmed Daahir, Cabdiraxmaan Aamaan,Cabdirisaaq Marshaale, Cabdulqaadir Madaxey,Cabdulqaadir Shiikha,Maxamuud Ciise, Cabdullahi Dheere, Cabdulqafaar Taalo iyo Cabdalla oo ka tirsanaa jaaliyadda Minnesota.

By: Shiikha