Xiddigaha oo dhulka ku jiiday washington DC
Posted by shiikha on 10/10/2012 13:19:56

Xiddigaha oo dhulka ku jiiday washington DC

Kooxda Xiddigaha ee reer Toronto ayaa ku guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.Koobkan ayaa waxaa loogu magac daray ciyaartooygii kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka Shariif Xamza.


Extended News

Kooxda Xiddigaha ee reer Toronto ayaa ku guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.Koobkan ayaa waxaa loogu magac daray ciyaartooygii kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka Shariif Xamza.

Xaaji macoow oo koobkii kaalinta 1aad guddoonsiinaya Kabtanka Xiddigaha Legend Xarbi

Ciyaartii kama dambeynta ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda xiddigaha oo hore 2-0 ku soo dhaafay Somali Stars Washingto D C iyo All Stars Washingto DC oo iyaduna 2-0 kaga soo taqalustay Atlanta.

Ciyaartan oo jawi qurxoon ku bilaabantay ayaa waxaa goolka ku hormartay kooxda Xiddigaha.

Kooxda Odoyaasha Xiddigaha Toronto(Champions)

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay kooxda Xiddigaha oo 1-0 ku hogaamineysa.

Qebytii labaad ayaa kooxda All Stars Washington ay weerar aan kala go' lahayn ku soo qadeen goolka xiddigaha iyagoo halkaasi ka dhaliyay goolkii bar bar dhaca.

Markii ay ciyaartu ka harsaneyd 5 daqiiqo oo keliya ayaa gool lama filaan ah uu Cadeey u saxiixay kooxdiisa Xiddigaha.

kooxda Kubadda Cagta odoyaasha Washington Dc

Inkastoo ay Caraale iyo kooxdiisa ay isku dayeen iney iska soo gudaan gookani haddana wey u suurta geliweyday, ciyaartana waxay ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Xiddigaha.

Koobka Sharif Xamza ayaa Xaaji Macow gudonsiiyay kabtanka koooxda Xiddigaha Xassan Xarbi oo ahaa ciyaartooygii iyo kabtankii kooxda Cawo iyo Maalin Horseed.

Koobka MVP waxaa ku guuleystay goolhayaha kooxda Xiddigaha Salmam Sadiq.

Kooxda Kubadda Cagta Odayaasha Atlanta

Bidix: Macallin Muuse iyo Xaaji Macoow

 

 

Koobka Dhallinyarada

Dhanka kooxaha dhallinyarada waxaa koobkii ku guuleystay koooxda Washington DC iyagoo ciyaartii finalka 3-1 ku kala diray kooxda Ohio.

Kooxda Dhallinta yaryar ee Ohio

kooxda Dhallinta yaryar ee washington DC


Kubadda Koleyga

Sidoo kale waxaa ciyaar saaxiibtinimo isaga hor yimid kooxda Washington DC ee kubadda koleyga iyo koox iyadu ka kooban Minnesota iyo Toronto. Guushana waxay raacday kooxda Minnesota iyo Toronto ee u hogaaminayey Macallim Shiikha.

 

Basketball Legends

Basketball Legends


N.B: sawiro fara badan ka daawo websiteka www.somali-youth.org, guji sawirka ugu sareeya ee bidixda Wasington DC Tournment 2012.


W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca