Shirka Madaxda Suuqgeynta Isboortiga Aduunka oo ka dhacay Turkiya iyo Soomaaliya oo loo balan qaaday dhismo Garoomo.
Posted by shiikha on 02/10/2012 14:58:54

Shirka Madaxda Suuqgeynta Isboortiga Aduunka oo ka dhacay Turkiya iyo Soomaaliya oo loo balan qaaday dhismo Garoomo.

Waxaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiya lagu soo gaba gabeeyay Shir ay isugu yimaadeen Madaxa suuqgeynta Isboortiga Aduunka, Shirkaas oo ay soo qaban qaabisey dowlada Turkiga ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa wada shaqynta guud iyo sidii loogu faa'ideysan lahaa casriyada cusub ee isgaarsiinta ee qarnigan, isla markaana loogu faaideyn lahaa wadamada qabanaya tartanka cayaaraha caalamiga.
Extended News

Qaarada Africa ayaa waxaa shirkaan ugu qeyb galay Madax uu ka mid ahaa Eng. Baana Cabdalla Cali oo ka tirsan Madaxda Suuqgeynta FIBA AFRICA, isla Markaana shirkaasi kusoo bandhigay Baahiyo dhinaca Isboortiga ah oo ay qabto dalka Soomaaliya, taasi oo ka mid ah dhinaca Garoomada, Qalabeynta Ciyaartoyda, iyo Hurimarinta Maamulka Isboortiga ee dalka Soomaaliya.

Eng. Baana ayaa sidoo kale Kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda isboortiga dalka Turkiya, iyagoona isla soo hadal qaaday horumar lagu sameeyo isboortiga soomaaliya oo dhan, hadey noqoto xaga aqoonta iyo dayactirka garoomada ama dhisada kuwo cusub.

Dowlada Turkiya ayaa sheegtay in ay diyaar ula yihiin in laba magaalo ka dhisi doonaan meelo isboortiga lagu hor marayo kuwasoo ka kooban garoomo kubada cagta, indoor basketball, handball iyo garoomo lagu tababaro cayaartoyda Ciyaaraha fudud, isla Markaana Howlahaasi ay fulin doonaan dabayaaqada Sanadkaan, ama Bilawga sanadka cusub ee 2013 hadii ay wada shaqeyn wanaagsan dhex marto.

Madaxda Isboortiga dalka Turkiya ayaa dhigeeda dalka Soomaaliya ugu tacsiyeesay Geeridii ku timid Madaxdii Isboortiga Qaranka, Ciyaaryahanadii Ciyaaraha Fudud ee Saamiya Yusuf Cumar, iyo Intii Isboorti ay wax kusoo gaartay dhibaatooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Turkiya waxaa ay sidoo kale Balan qaaday in ay Dalka Soomaaliya siin doonaan meelo ay ku tababartaan iyo Goobo lagu xareeyo Cayaartoyda Orodada dalka Soomaaliya Mustaqbalka ugu qeyb gali doonta Ciyaaraha Caalamiga ka hor inta aysan ka qeyb galin Tartamada caalimiga.

"Runtii waa arin aad loogu farxo waana ku amaanayaa dowlada Turkiga sida naxariista leh ay diyaarka ula yihiin Isboortiga Soomaliya waayo qofka walalkaa ah waa qofka marka ay dhibaatada ku heyso kula garab taagan, waxaana kula dardaarmaya in ay xiriirada isboortiga ee Soomaliya iyo Wasaaraduba ay ka faaideystaan fursadan qaaliga ah iyagoo u daneynayo ama ugu faaideynaya dhalinyarada wadankeena meel kasta oo ay joogaan" Ayuu yiri Eng. Baana.

Waxaa kaloo shirkan looga hadley sida dowlada Turkiga ay ugu diyaargaroweyso doorashada cayaaraha Olympigada aduunka ee sanadka 2020, taasi oo ay xilligaan ay tartan kula jirto wadamada ay ka mid yihiin Japan iyo Spain. Waxaana go’aanka cidii martigelin laheyd cayaaraha Olympigada aduunka ee 2020 la sheegi doono 07/09/13.

By: Salah Dheere

www.wehelmedia.com