Tartankii is-dhex galka dhalinyarada da' yartaa ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo loo soo gudbay Sami-fnal
Posted by shiikha on 30/09/2012 04:47:09

Tartankii is-dhex galka dhalinyarada da' yartaa ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo loo soo gudbay Sami-fnal

Waxaa maanta wareega affar dhamaadka ama Sami-finalka soo gaaray tartankii is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo kaasoo muddooyinkii dabe ka soconayay garoonka ciyaaraha ee Cawaale Stadium ee Gaalkacyo.


Extended News

Waxaa maanta wareega affar dhamaadka ama Sami-finalka soo gaaray tartankii is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo kaasoo muddooyinkii dabe ka soconayay garoonka ciyaaraha ee Cawaale Stadium ee Gaalkacyo.

Waxaa maalinnimadii khamiista oo taariikhdu ahayd 27-09-2012 wada ciyaaray group A kooxaha Horseed iyo New-saxafo waxaana kulankaasi 2-1 guusha ay ku raacday kooxda Horseed ciyaartaas oo ahayd mid xiiso gaara lahayd soona jiidatay indhaha daawadayaashi garoonka soo buux dhaafiyay, isla group A waxaa wada ciyaaray kooxaha Faleembo iyo Ex-wada jir kulankaas ayay labada kooxood ku kala baxeen bar-baro 0-0 waxaana ay ahayd mid ka duwan kulankii hore marka loo eego sida ay labada kooxood ciyaartoodu u soo bandhigeen.

Group A waxaa sidaasi oga soo baxay kooxda Faleembo Fc oo 5 dhibcood la soo hoyatay iyo kooxda ee Horseed oo la timid 4 dhibcood ka dib markii Horseed iyo New-saxafi ay noqdeen isku dhico iyo isku goolal sidaas daraadeedna lagu kala saaray qiimayn ciyaarahoodii dhex maray sida uu yahay sharciga ciyaaraha.

Maanta oo jimcaa waxaa oo taariikhdu ay ahayd 28-09-2012 waxaa is arkay oo ciyaaro xiiso badan soo bandhigay group B waxaana kulankii hore wada ciyaaray Kaambo iyo Sohdo ciyaartooduna waxay ku dhamaatay 0-0 inkastoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen fursado qaaliya balse aysan ka faa'iidaysan.

Ciyaartii labaad waxaa wada ciyaaray kooxaha Peace boys iyo Topaz waxaana kulankoodii uu ku dhamaaday 2-0 oo guushu ay ku raacday kooxda Topaz waxaana halkaasi ka soo baxay kooxaha Sohdo oo la timid 5 dhibcood iyo kooxda Topaz oo aruursatay 4 dhibcood waxaana sidaasi tareenka looga reebay Kaambo iyo Peace boys.

Koobka is.dhaxgalka dhalinyarada da,yarta ayaa dadweynaha daawada ciyaaraha aad uu so dhaweeyen sida wanagsan u tartanka u socdo waxayna aad iskugu so dhaweneeysa dhalinyarada kakala socoto kunfurta iyo waqooyiga Galkacyo

nadiyasha ka qebgalaya aay u mahad celiyay ururka puntland sports ilusted o Gudoomiyaha ka yahay ahmed nur ciise kuna tilmaamay in aay yihin dad wadaniyaal ah oo garab is taagay dhalinyarda

madaxa tartanka cabdiqani carabey aya sheegay in uu tartanka si wanagsan ku socdo dhalinyaro badan ay is barteen tartanka inta u socday

ciyaarta same finalka ah aya waxa la ciyaaraha khamis 4 bisha 10/2012 sohdo vs horseed fc maalinta jamcada faleenbo vs tobaz fc 5 bisha 10/2012



--
Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638 begin_of_the_skype_highlighting +25290621638 end_of_the_skype_highlighting
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com