Xulka Qaranka oo si weyn Muqdisho loogu soo dhawee
Posted by shiikha on 23/09/2012 06:11:14

Xulka Qaranka oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay

Xulka guuleystay ee kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntii maanta lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee loo sameeyo xul qaran muddo ka badan 20 sanadood.


Extended News

Xulka guuleystay ee kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntii maanta lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee loo sameeyo xul qaran muddo ka badan 20 sanadood.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, xubnaha guddiga fulinta xiriirka, cayaartoyda naadiyada kala duwan, tababarayaal, garsooreyaal iyo taageerayaal kor u dhaafaya 2-kun oo ruux ayaa buux dhaafiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho saaka waabrigii hore.

Labaatameeyo ka tirsan wareiyayaaasha wax ku qora wakaaaldaha ajnabigaa iyo kuwa gudaha ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii garoonka ku suganaa saaka wabarigii hore iyagoo wareysiyo kala duwan la sameeyay macalinka qaranka, maxamed cabdulle farayare, guddoomiyaha wafdiga tagay Sudan Cali Cabdi Maxamed, ciyaartoyda qaranka qaarkood oo uu ka mid yahay Maxamuud Cabdi Nuur oo Soomaaliya u dhaliyay goolka guusha iyo dad kale oo ka mida madaxda sportiga dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed faarax ayaa sheegay in guusha kooxdu gaartay ay astaan weyn u tahay in kubada cagta Sooaamliyeed ay soo horumareyso.

“Waxaan run ahaantii aad ugu faraxsanahay natiijajda cayaartii jimcihii ka dhacday Kahrtuum taas oo kusoo begmeysa iyadoo dhawaan Soomaaliya ay kor u kacday liiska kala horeynya dalalka ku jira FIFA, waxaana rajeyneynaa in mar kale ay Soomaaliya kor usii kacdo”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga OLombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in inkastoo ciyaartoyda Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ka soo gaareen amaan darada dalka ka jirta hadana uu aad ugu faraxsan yahay wixii dhacay jimcihii oo ah guusha ay gaareen wilasha yar yar.

“Kubada Cagta Soomaaliya waxay ku socotaa wadadii horumarka iyo kobaca waxaanse u baahanahay taageerada dowlada iyo maalgelinta shirkadaha sababtoo ah dal kasta kubadiisa cagta waxaa maalgeliya shirkadohooda iyo dowladaha dalalkooda”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed oo sheegay in tusaale ahandalka Tanzania shirakda Tusker ay kubad cagta ku bixiso sanadkiiba hal milyan oo doolar halka Soomaaliya aysan dowlada ama shrikad midna wax ka helin.

Wasiiru dowlaha sportiga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa sheegay in wasaaradu ay xooga saari doonto sidii dowlada looga dhaadhicin lahaa in Sportiga dalka ay door weyn ku yeelato xaga horumarinta iyo maalgelinta oo miisaaniyada dowlada lagudaro horumarinta sportiga.

“Kaddib muddo ka badan 20 sandood oo kaalintii dowladu maqneyd waxaan rajeyneyaa in dowlada Soomaaliya ay door weyn ka cayaari doonto sportiga”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay wasiiru dowlaha sportioga Cabdullaahi Sheekh Cali.

“Waxaa la gaara y waayihii guusha kubada cagta Soomaaliya—waa in aan dhamaanteent taageero weyn u muujinaa “ayuu goobta soo dhaweynta ka sheegay jilaaga caanka ah Cabdi Muriidi Ajakis.

Kubada cagta Soomaaliya ayaan wali kasoo kabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha unaxariistee guddoomiyihii Hore Siciid Maxmuud Nuur (Mugaambe) oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah 4-tii April ee sanadkan, waxaana wali xanuunka geeridaas laga dareemayaa xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta dhamaan shacabka Soomaaliyeedna way dareemayaan wali dhacdadaas murugada leh.

Si kastaba ha ahaatee ciyaartoyda soomaaliya ayaa intaa kaddib loo kexeeyay dhanka xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee ku taala bartamaha magaalada Muqdisho.

Somalia: Victorious youngsters receive warm welcome at Mogadishu airport

Somalia’s victorious U-17 football squad have warmly been received at Mogadishu airport by high profile sporting officials and football fans in what was described as the ‘biggest ever welcome ceremony’ for a Somali national team in more than 20 years.

The president of Somali National Olympic committee Duran Ahmed Farah, the Somali Football Federation president Ali Said Guuleed Rooble, executive committee members, club chairmen local league football players, referees, coaches and over tow thousands football fans were waiting at Mogadishu’s Aden Adde airport since before dawn on Sunday morning.

Scores of local and international journalists were also at the airport before time where they had interviews with the national team Coach Mohamed Abdulle Farayare, head of the delegation Ali Abdi Mohamed and members of the team including Mahmoud Abdi Nur who scored the golden goal for Somalia.

The Somali national Olympic committee Duran Ahmed Farah who talked to the media upon the team’s arrival at airport said that the tangible victory by the young shoulders was a significant mark that football in Somalia was on the way to a higher development.

“I am really very much cheerful with the result from Friday’s match in Khartoum which comes days after Somalia was promoted in FIFA world ranking—we hope to promote to a high position again” the Somali National Olympic committee president Duran Ahmed Farah told the media at Mogadishu airport on Sunday morning.

The president of Somali Football Federation Ali Said Guuleed Rooble for his part said that despite Somali youngsters are suffering from big insecurity and other problems in the country, then what happened in Khartoum on Friday makes him forget many problems in the past.

“Somali Football is on the way to a higher growth and development—what we need is the help from Somali community and in particularly the sponsorship by big business companies in Somalia, because football in every country goes ahead with sponsorship by companies in its country” the Somali Football Federation president told the media.

Somalia’s state minister for sport Abdullahi Sheik Ali told a gathering that his ministry will push the Somali government play a key role in the promotion of football in the country.

“After more than two decades of absence, I hope Somali government will have its role in the development of sport from today, because Somalia grew from transition to a premanent government” the state minister told the media at Mogadishu airport.

“The era of Somalia’s victories in football has now come---we have all to show a big support for our national team” Somalia’s well known comedian Abdi Muriidi Ajax told the well come ceremony.

However the victories U-17 members were then taken directly to the Somali Football Federation head quarters in the city centre.

By Shafi’I Mohyaddin Abokar