Soomaaliya oo ka faa’iideysatay Koorsadii FIFA ee Dar Es Salaam
Posted by shiikha on 22/09/2012 16:28:13

Soomaaliya oo ka faa’iideysatay Koorsadii FIFA ee Dar Es Salaam

Magaalada Dar Es Salaam ee xarunta dalka Tanzania waxaa maanta gellinkii dabme ka dhacday munaasabad weyn oo lagu soo gabagabeynayay Tababar heer caalami ah oo ay FIFA u qabatay macalimiinta garsooreyaasha ee dalalka Africa ee luqada Ingiriiska ku hadla, waxaana Soomaaliya oo wiilasheeda yaryarka ahi ay Sudan ka reebeen cayaaraha dhalinyarada Afrika uga qeyb galay tababarkaas sadex macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.


Extended News

Magaalada Dar Es Salaam ee xarunta dalka Tanzania waxaa maanta gellinkii dabme ka dhacday munaasabad weyn oo lagu soo gabagabeynayay Tababar heer caalami ah oo ay FIFA u qabatay macalimiinta garsooreyaasha ee dalalka Africa ee luqada Ingiriiska ku hadla, waxaana Soomaaliya oo wiilasheeda yaryarka ahi ay Sudan ka reebeen cayaaraha dhalinyarada Afrika uga qeyb galay tababarkaas sadex macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa soo dhaweeyay tababarkan oo uu sheegay in xiligan uu muhiimad aad u weyn u leeyahay Soomaaliya oo kubadeeda cagtu ay kasoo kabsaneyso dagaalo sanado badan socday.

“Soomaaliya waxaa ya ka mid tahay wadamada caalamka ee kubadooda cagtu ay soo koreyso, sidaa daraadeed koorsada noocan oo kale ahi macno weyn ayay noogu fadhisaa marka loo eego kor u qaadista tirada iyo tayada garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

“Sanad kasta waxaanu qabanaa hal koorso oo caalami ah iyo ugu yaraan lix kale oo gudaha dalka aanu ku qabano waxaana korosooyinkaasi ay isugu jiraan kuwa garsoorka, kuwa macalimiinta iyo kuwo xaga maamulka ah.

Garsoorka ayaan xoog badan saarnaa sababtuna waxaa ay tahay garsoorku waa habka cadaalada cayaaraha oo la’aantiis aan tartamo la qaban Karin”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu sare u qaadi doono tirada koorsooyinak uu gudaha dalka ku qabto.

Koorsada nooceedu ahaa FIFA FUTURO III ee loo qabtay macalimiinta ayaa waxaa ay ka koobneyd laba qeybood oo kala ah FITNESS Course oo Soomaaliya uu uga qeyb galay Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) iyo tan kale oo ahayd TECHNIAL Course oo Soomaaliya ay uga eyb galeen Cali Maxamed Axmed iyo Salaad Cusmaan Maxamed.

“Run ahaantii wax badan ayaan ka baranay korosooyinkan oo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya xiligan marka loo eego kor u qaadista aqoonta iyo khibrada garsooreyaasha Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxa waxbarashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali maxamed Axmed oo ka mid ahaa macalimiinta tababarka ka qeyb galay.

“Marka lagasoo tago aqoonta xaga garsoorka ah waxaa jiray casharo kale oo muhiim ah oo ku aadanaa dhanka IT-ga oo aad noogu muhiim ah macalimiin ahaan maadaama ay waajib nagu tahay in qalab teknoolojiyo ah aan casharada ku bixin doono”ayuu mar kale yiri Cali maxamed Axmed.

Macalimiinta Soomaaliya ayaa caawa fiidkii kasoo baxay Dar Es Salaam waxaana ay Transit kusoo yihiin garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta iyadoo barrina ay horay usoo raaci doonaan xulka qaranka da’doodu ka yartahay 17=ka sano oo iyaguna kasoo laabanaya dalka Sudan kaddib guul ay ka gaareen cayaar ay jimcihii la yeesheen dhigooda dalka Sudan.

Somalia benefits from Futuro III course in Dar Es Salaam

There has been a very colourful ceremony which marked the end of a 6 day-long FIFA Futuro III course for referee instructors from English speaking African countries which assembled veteran instructors including three from the lawless Somalia whose youngsters gave Sudan a painful home defeat to knock it out of the African junior qualifying competition on Friday.

Somali Football Federation secretary General Abdi Qani Said Arab welcomed the course saying that for Somalia it was very important presently. “Somalia is one of the growing football countries in the world and it is currently emerging from years of conflicts, so such course may help us in terms of increasing the quality and quantity of our referees” Secretary General Abdi Qani Said Arab told the media Saturday.

“Each year we hold at least one FIFA level refereeing or coaching course and at least six local courses for coaches, referees and football administrators—refereeing is the sector we gave much priority, because it is the department of justice for football competitions and that is why we prioritise it” the SFF secretary General said adding that the SFF will increase the number of its local refereeing courses.

The course was two parts one for fitness instructors in which Abdi Abdulle Ahmed represented Somalia while, Ali Mohamed Ahmed and Salad Osman Mohamed represented Somalia in the technical instructor course which came to an end today.

“Actually we learnt more from the courses which were very useful to us at the moment in terms of increasing our knowledge and experience in refereeing and I am sure that learning from such courses is more helpful to the refereeing growth in our country” Somali Football Federation education officer and referee instructor Ali Mohamed Ahmed told the media on Saturday.

“Rather than refereeing knowledge, we were taught other important lessons regarding to information technology, because the IT is more important for us while teaching at our local courses during which we have to use laptops, projectors and other key electronic devices” education officer Ali Mohamed Ahmed noted.

The Somali referee instructors are transit at Nairobi’s Jomo Kenyatta international airport over night and will be back home on Sunday morning.

 


By Shaafici Muxuyadiin Abuukar

Email:shaficiislow@yahoo.com