Tartan lagu maamuusayo Marxuum Enj;Cali xaaji Shirwac oo ka socda Gaalkacayo.
Posted by shiikha on 20/09/2012 15:47:50
Tartan lagu maamuusayo Marxuum Enj;Cali xaaji Shirwac oo ka socda Gaalkacayo.

Hay'adda Hirdo oo qabatay tartan kubadeed lagu xusayo marxuum Eng; Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay garoonka cawaale stadium ee Gaalkacyo.Tartankan ay soo qaban-qaabisay Hirdo Peace Tourtment Gaalkacyo ayaa galabta oo taariikhdu ahayd 18-Sep ka furmay garoonka Cawaale isagoo gaba-gaboodi doona 21-Sep 2012, furitaanka tartanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin heer gobol iyo kuwa qaabilsan dhanka ciyaaraha.
Extended News

Ugu horayn waxaa muhiimada tartan iyo qiimaha uu leeyahay dhalin-tii ka qayb galay sharaxaad dheeraada ka siiyay C/qani Khaliif Carabeey oo wakiil ka ah Hay'adda Hirdo, Carabeey ayaa tilmaamay inuu tartankan ka duwanaan qoono tartamadii sanadlaha ahaa ee ay qaban jirtay Hay'adani, maadaa kan lagu maamuusayo AHN marxuum Cali Xaaji Shirwac.

Eng; Maxamed Abshir Garboole oo ka mid ahaa waxgaradkii furitaanka ka hadlay ayaa si ballaaran u faah-faahiyay waxqabadkii marxuumka uu bulshada u qabtay iyo kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu ka gaystay dhismaha kaabayaasha bulshada oo ay ugu horeeyaan garoomada diyaaradaha dalka oo ay ka mid yihiin Muqdisho,Ber-bera,Gaalkacyo iyo hada oo uu faraha kula jiray gagida dayuuradaha Caabud-waaq.

Gudoomiyaha dhalin-yarada & Ciyaaraha gobolka Mudug Cabdi hodan Dayax-leef ayaa isaguna dhankiisa dhalin-yarada ku booriyay inay ka faa'iidaystaan tartankan isla markaana ay hormariyaan xirfadooda kubadda cagta.

Agaasimaha Hay'adda Hirda Faadumo Faarax oo dhanka taleefoonka munaasabadii furitaanka kaga soo qayb gashay iyadoo joogta dalka Holland waxay soo hadal qaaday la shaqayntii wanaagsanayd ee kala dhaxaysay marxuumkaasi oo bilo ka hor lagu dilay magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna carabka ku dhufatay inuu ahaa wadani u shaqaynayay dalka iyo dadka, labaatankii sanno ee ugu danbeeyay ku sugnaa gudaha dalka, Faadumo ayaa sheegtay inay mar-walba xusuusan doonaan sidii uu ula shaqeeyay.

Tartankan ayaa waxaa ka qayb galay affar kooxood oo heerka 2aad ee gobolka Mudug ka tirsan, dhalin-yarada kooxaha ka qayb galaya ayaa bogaadiyay baratankaas waxayna ku muujiyeen dareen soo dhawayn oo xoog leh.
Ma ahan markii ugu horaysay oo tartan caynkan oo kalaa Hay'adda Hirdo ay ku qabato gudaha Puntland, iyadoo ay sidoo kale ka shaqayso hormarinta arimaha bulshada oo caafimaadka iyo ciyaaraha ugu horeeyaan qaybna ay ka tahay arimaha gargaarka.

--
Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com