Soomaaliya oo xustay Maalinta Nabada Aduunka/Int’l Peace Day observed in Somalia
Posted by shiikha on 23/09/2017 01:32:03

Soomaaliya oo xustay Maalinta Nabada Aduunka/Int’l Peace Day observed in Somalia

Soomaaliya ayaa u dabaal degtay maanlinta caalamiga ah ee nabada Adduunka, waxaana lagu maamuusay cayaar kubada cagta ah.Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhinaano iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ka mid ahaa daawadayaasha cayaar kubada cagta ah oo ka dhacday garoonka ay FIFA dayactirtay ee Stadium Banaadir Khamiistii shalay.


Extended News

Soomaaliya ayaa u dabaal degtay maanlinta caalamiga ah ee nabada Adduunka, waxaana lagu maamuusay cayaar kubada cagta ah.Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhinaano iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ka mid ahaa daawadayaasha cayaar kubada cagta ah oo ka dhacday garoonka ay FIFA dayactirtay ee Stadium Banaadir Khamiistii shalay.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, oo munaasabada hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in wasaaradeeda iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay iska kaashadeen hirgelinta munaasabada maalintan caalamiga ah ee nabada aduunka lagu xusayay oo si guul ah kusoo dhamaatay.

“Si  la mida dalalka kale ee aduunka, Soomaaliya sanad kasta ayay xustaa maalintan aadka u muhiimka ah. Anaga qabashada munaasabadani waxay qeyb nooga tahay dadaalada xoojinta nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya” ayay tiri wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye.

“Dalkeenu si weyn ayuu ugu baahan yahay nabad iyo degenaasho, kubada cagtu waxay noo tahay aalad aan u  adeegsano is dhexgalka bulshada iyo nabad kusoo dabaalida dalka, sidaa daraadeed maalintani muhiimad weyn ayay noo leedahay”ayay hadalkeeda sii raacissay wasiirada dhalinyarada iyo cayaaraha dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Naadiga FC Banaadir ayaa ku guuleystay koobkii lagu maamuusayay maalintan kaddib markii ay 2-1 kaga adkeedeen dhigooda Gaadiidka.

Maalintan caalamiga ah ee nabada aduunka ayaa markii ugu horeysay caalamka laga xusay maalint Talaado ah oo ku beegneyd 21-kii Seotember 1982-kii, xilligaa wixii ka dambeeyayna sanad kasa waa laga xusaa caalamka oo dhan.

Int’l Peace Day observed in Somalia

Somalia has commemorated the International Day of Peace with a football match. Government ministers, Law makers and Somali Football Federation officials were amongst the spectators of the match which was played at the FIFA-renovated facility, Stadium Banadir on Thursday 21st of September.

Somalia’s Minster for youth and Sports, Honorable Khadija Mohamed Diriye, who addressed at the event, said that her ministry and Somali Football Federation have jointly worked on the   successful organization of the International Day of Peace event.

“As in any country in the world, Somalia observes this very important day every year. For us, the holding of this event is meant to consolidate peace and stability in Somalia” the minister said.

“Our country hugely needs peace and stability. Football is a big tool that we use for introducing peace and public integration into the country, so this day has more priority for us” Somalia’s Minster for youth and Sports, Honorable Khadija Mohamed Diriye, told reporters during the International Day of Peace event on Thursday.

However, FC Banadir, has won the International Peace Day trophy after beating Gaadiidka 2-1 on Thursday.

The global day was first observed on Tuesday 21st of September 1982 and from that date the International Day of peace has been getting an annual observance in the world.



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com