Tababar ku saabsan maamulka K/Cagta/Football Sports Management Seminar
Posted by shiikha on 30/07/2017 04:32:24

Tababar ku saabsan maamulka K/Cagta/Football Sports Management Seminar

Cabdullahi Xasan Salax " Macallin Tuke " ayaa maanta oo Axad ah Seminar 2 maalmood soconayey ku soo xiray Hotel Saxaafi . Waxaa ka qeyb qaadanayey Seminarkas macalliminta Naadiyada k.Cagta , Gudoomiyeyasha Naadiyada Iyo Gudiga Farsamada ee Xiriirka K.Cagta Soomaaliyeed . Waxaa uu ku saabsanaa Seminarkas siddii loo horumarin lahaa loona tayeen lahaa Macallimiinta Naadiyada K.Cagta

Extended News

Macallin Tuke oo ah Qabiir ku xeel dheer dhinaca Farsamada K.Cagta ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday siddi sare looguu qaadi lahaa Farsamada  ciyaartooyda K.Cagta Soomaaliyeed iyo weliba macallimiintooda isaga oo ku taliyey in aanan xiligaan loo baahneyn in ciyaartooy Iyo Macallimiin AJAANIB ah dibada laga keenay loo baahneyn si qarashka faraha badan ee ku baxa looga faa'iideeyo siddii loo soo saari lahaa ciyaartoy Soomaaliyeed Iyo weliba in la tayeeyo Macallimiin Soomaaliyeed oo tababarta ciyaartoyda Soomaaliyeed .

Macallin Tuke ayaa hoosta ka xariiqay in Ciyaartoyda AJAANIBKA ah aysan kuu ciyaari karin ciyaaraha Qaranka Soomaaliya loona baahan yahay in qarashka faraha badan ee ku baxaya loo weeciyo wiilasha Soomaaliyeed si loo soo saaro ciyaartoy tayo iyo farsamo leh oo matali kara Qaranka Soomaaliyeed .

Macallin Tuke ayaa hadalkiisa ku cabiray ka dib markii uu daawaday ciyaaraha horyaalka K.Cagta ee ka Soconaya garoonka Banadir Stadium " CONI STADIUM " ...