DR. CALI CUSMAAN: “23 JUNE MAALINTII LA AASAASAY OLYMPIGADDA ADDUNKA”.
Posted by shiikha on 23/06/2017 18:04:39

DR. CALI CUSMAAN: “23 JUNE MAALINTII LA AASAASAY OLYMPIGADDA ADDUNKA”.

23 june waxaa addunyadda oo dhan looga dabaaldegaa maalintii udubadda loo taagay Olimpigadda adduunka,boqolaalo qof oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel ayaa hal mar dhaqaaqo si ay uga qeybgalaan ciyaaro kala duwan iyo bandhigyo dhaqameed oo lagu weyneynaayo maalintaas qadarinta mudan.


Extended News

23 june waxaa addunyadda oo dhan looga dabaaldegaa maalintii udubadda loo taagay Olimpigadda adduunka,boqolaalo qof oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel ayaa hal mar dhaqaaqo si ay uga qeybgalaan ciyaaro kala duwan iyo bandhigyo dhaqameed oo lagu weyneynaayo maalintaas qadarinta mudan.

Waxa kaloo barbar socdo bandhigyo musiq, seminaaro aqooneyd iyo isusoobax dadweyne qiireysan oo ku dhawaaqaayo halku dhigyo kusaleysan qiimaha Olimpigadda,waxaana dhacdooyinkaasi ay noqdeen kuwa fikradaha Olimpigadda kor u qaada,islamarkaana laga xushmeeyo addunyadda afarteeda dacal.

Olympic Day waxay markii ugu horeysay sooshaac baxday sanad kuumarkuu ahaa 1948 tartankii olimpigadda ee lagu qabtay magaaladda London,waxaana loo tiriyaa fikradeeda in uu lahaa Piere De Coupertin oo u dhashay dalka France,waxaana la islagartay in sanadkastaba maalintaasi loo dabaaldego si loo dareemo ahmiyadda ay leedahay,waxayna maanta ay gaartay in ay saameyn wanagsan kuyeelato qeybaha kala duwan ee bulshadda taa oo kusaleysan 3 udubdhexaad oo kala ah MOVE,LEARN AND DISCOVER(Dhaqaaq,Baro iyo iqtiraac).

Markaan yare jaleecno taarikhda Olimpigadda waxay kasoo bilaabatay Dalka Griiga muddo hadda laga joogo qiyaas ahaan 7 qarni,waxaana ay Griiga u isticmaali jireen xagga nabadda iyo arrimaha diinta,waxaana ay kuguuleysteen inta ay Olimpigadda socdeen in dadka is dhex maraan islamarkaana dagaaladda la joojiyo,taa oo ay kuheleen qadarin illa maanta loo hayo.

Modern Olympics ama Olimpigadda casriga ah waxaa isku taxalujiyey Piere De Coupertin oo macalinka ahaa dugsiga kuyaala Magaaladda Sorbonne ee dalka Fransiiska isagoo maanta loo tiriyo in uu ahaa fikradii kadambeysay in Olimpigadda Casriga ah ay cagaheeda iskutaagto,isagoo diiradda saaray in la unko barnaamij aqooneyd oo hormariya maskaxda iyo jirka oo ay hore Griigii hore ugu jirtay barnaamijyadda Olimpigadda(MASKAX FIYOW AYUU KU JIRA JIR FIYOW).

Sanadkumarkuuahaa 1892 De Coupertin waxa uu warqaddo u kala diray dawladaha kala ah:  BELGUIM, UK,FRANCE,GRECE, ITALY, RUSSIA,SPAIN,SWEDEN IYO USA isagoo u jeediyey figrada aheyd in la abaabulo tartanka Olimpigada taa ay isku raaceen dawladihii shirkii ugu horeeyey kasoo qeybgalay,waxaana uu soojeediyey De Coupertin in tartanka ugu horeeyo laguqabto dalka France ,laakiin waxa la iskuraacay in lagu qabto dalka Griiga iyadoo lagu xushmeynaayo in ay fikradda asalkeeda ay iyadu laheyd.

waxaana 1894 tartankii olimpigadda ee ugu horeeyey lagu qabtay Dalka Griigaoo ah halka laga unkay fikradda saalaxa ah ee Olimpigadda,iyadoo halkudhig looga dhigay CITUIS,ALTUIS,FORTUIS oo ah dheereeyey,sareeya iyo xoogan,waxaana tartamadda olympigadda ay soo bilawdeyn sanadku markuu ahaa 1894 illa 2016 oo lagu qabtay Brazii,waxaana sanadku markuu gaaro 2020 lagu wajahanyahay dalka Japan oo diyaar garowgii durbaba bilaabay.

Ugu dambeyntii waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa anigoo ka mid ah Olimpic Famely saaxiibadda kala ah Edwin Moses,Tommy Smith,John Carlos,KevinYoung,Mike Spino iyo Ron Davis,waxaan kaloo halkaan hambalyo uga dirayaa asxaabtii Soomaaliyeed ee 50kii sano ee ugu dambeeyey aan kasoo wadashaqeynay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed,waxa Iyana mudan in halkaan Hambalyo iyo Bogaadin loo jeediyo Ha’yadaha hogaaminta Isboortiga Soomaaliyeed oo runtii shaqo wanaagsan qabtay iyadoo aan kuboorineyno in halkaa laga wado.

Wa-Billaahi Towfiiq


Diyaariye: Dr Ali Osman Ali

madaxa jaaliyadda atlanta ee arrimaha dhaqanka iyo Isboortiga