Shirwaynihii 7-aad ee Dooraasha GOS oo Muqdisho ka dhacay,Xilli lagu doortay Hogaanka afarta sano ee soo socota +Sawiro
Posted by shiikha on 16/01/2017 13:27:45

Shirwaynihii 7-aad  ee Dooraasha GOS oo Muqdisho ka dhacay,Xilli lagu  doortay Hogaanka  afarta sano ee soo socota +Sawiro

Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad Doorashada ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kasoo lagu dooranayay hogaanka  afarta sano ee soo socota ee GOS, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga , Masuuliyiinta xiriirada, Ururuada , Xubnaha Matalaya Soonanka iyo marti sharaf kale.


Extended News

Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad Doorashada ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kasoo lagu dooranayay hogaanka  afarta sano ee soo socota ee GOS, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga , Masuuliyiinta xiriirada, Ururuada , Xubnaha Matalaya Soonanka iyo marti sharaf kale.

Kahor doorashada waxaa  Shirwaynaha lagu soo bandhigay  waxqabadkii iyo  warbixinta dhaqaalaha sanadki tagay ee 2016 ,miisaaniyadda & qorshaha  sanadka 2017 sidoo kale xiriirada ayaa dhankooda soo jeediyay waxbixinada waxqabadkooda sanadki tagay, waxaa shirwaynaha lagu ansaxiyay waxkabadal lagu sameeyay qodobka 15.E ee dastuurka , waxuu sidoo kale ka doodeen isla markaana ansaxiyeen  go'aanadi shirarkii  Guddiga Fullinta lagu gaaray.

Xubnaha Shirweynaha ayaa  ugu dambeyn  cod gacan taag  ah si aqlabiyad leh ugu codeeyay Cabdullaahi Axmed Tarabi inuu noqdo guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee afarta sano soo  socota 2017-2020. Sidoo kale waxaa guddoomiya  ku xigeenada loo doortay :- Axmed Cabdi Xasan (Wataac) 1-aad , Faadumo Cali  Nuur : 2-aad iyo Ibraahin Abuukar Shaamoow 3-aad .Dhanka Kale  Mohammad Abdo Hagi ayaa loo doortay  Xoghayaha Guud ee GOS,  halka  Guddoomiye  Sharafeed uu noqday  Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow.

Sidoo kale waxaa shirweynaha doorashada lagu doortay xubnaha Guddiga Fulinta GOS ,waxayna kala yihiin:- Ibraahim Xuseen Cali Roombo ,Maxamaed Xuurshe Xasan (Eenoow), Maxamed Axmed Coloow,Cabdiqani Saciid Carab ,Cabdullaahi Nuur Maxamed  (Caddaani)) , Khadiijo Aadan Daahir , Cabduqaadir Maxamed Baarajab , Cali Maxamed Xuseen ( Cali Baay) Cabdicasiis Godax Barre  ,Xasan Wiish Yabaroow ,Abuukar Islow Xasan , Maxamed Daa'uud Maxamed , Dr:Cabdi  Ibraahin Axmed( Jia) ,Prof: Yuusuf Calasoow , Maxamed Muuse Cabdi iyo Luul   Cabdi Dhagool.

Kadib doorashada waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha la doortay ee GOS  Mudane  Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuuna u mahad  celiyay xubnaha shirwaynaha ee markale  kalsoni ku siiyay   inuu hogaamiyo  guddiga Olombikada  Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka  ayaa sheegay in ay afarta sano ee soo socota xoogga saari doonaan maamul wanaaga, sare qaadida aqoonta maamulada isboortiga, tayayna Xulalka qaran ee xiriirada dalkaa si ay ugu loolamaaan  bilado iyo kaalmo hore, iyo in mudnaan gaar ay la siin doono iskuulada , Jamaacadaha, degmooyinka iyo gobolada dalka si  horumar la taaban karo loo gaaro.



Waaxda Warfaafinta GOS

info@nocsom.com