CAYAARTOOY SOOMAALIYEED OO BILLADO KU GUULEYSTAY TARTANKA TAEKWONDOW-GA INGIRIISKA 2016+SAWIRRO .
Posted by shiikha on 29/09/2016 15:26:10

CAYAARTOOY SOOMAALIYEED OO BILLADO KU GUULEYSTAY TARTANKA TAEKWONDOW-GA INGIRIISKA 2016+SAWIRRO

Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska  lagu soo gabgabeeyay  tartankaTaekwondow-ga Ingiriiska 2016-ka  oo lagu qabtay Queen Elizabeth Olympic Park – Copper Box Stadium. Tartankaan oo socday ciyaaray 23 -25 September  ayaa waxaa  ku loolamayaan kooxaha Takewandu-ga dalka Ingiriiska waxaa bandhig wanaagsan ka  sameeyay ciyaartooy soomaaliyeed  oo billado  iyo shahaado shafar ku guuleystay.Ciyaartooydan oo ka koobnaa 3 gabar  iyo Wiil ayaa  u ciyaarayay kooxda St Katherine waxana hogaaminayay Macalin Mark Sargeant oo dalka Ingiriiska u dhashay.

Extended News

Muinira Cabdiwaaxid (-59Kg), CabdulahiDaahir (-59Kg), Ilhaan Garaad (+59Kg) iyoNajma Daahir (-48Kg).  ayaa loolan adag oo ay u galeen kadib waxaana billadda qalinka ku guuleystay  Muniira Cabdulwaaxid oo ciyaartay tartanka miisaanka  (-59Kg) iyo billadda  maarta oo uu  ku guuleystay Cabdulaahi Daahir (-59Kg), sidoo kale waxay Ilhaan Garaad (+59Kg) iyo Najmo Daahir (-48Kg)  ayku  kala guuleeysteen kaalimaha afaraad oo ah kaalin  muhiim ah waxaana la guddoonsiiyey shahaado sharafyo aad u heersareeysa.

Tartanka waxaa si gaar ah ula socday   oo daawanayay Gudddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Takewando-ga Isla markaana ah Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Xiriirkaas  Injineer Axmed Ciise Kirish, waxuuna amaan ballaaran usoo jeediyay Ciyaartoyada Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigay tartanka.

Inj: Kirish ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Macalinka  hogaamiya   Kooxda St Katherine  Mr Mark Sargeant iyo ciyaartoyda Soomaaliyed ee kooxdaas u ciyaara waxay kadib  wadahal dheer  aqbaleen in ciyaartoyda ay matalaan  Xulka qaranka Soomaaliya waxuuna uga mahadcelyay sida wadaniyada leh  ay u garteen in ay calankooda  matalaan.

Injineer Kiriish ayaa dhanka kale sheegay in  ciyaartoyda geyn doonaan dalka Koreo oo ay deeq waxbarsho  ka heleen si sare loogu  qaado aqoontooda isla markaana ay u diyaar  gareyn doonaan ciyaaraha  Horyaalka Adduunka Takewandu-ga oo 2018-ka  ka dhici doona dalka Argentina.

Ugu dambayn inJ Kiriish  u mahad celiyay  MaamulahaXiriirka Taekwondo-ga dalka Ingiriiska Gary Hall oo gacan  weyn ka geystay horudmarinta ciyaartoyda. iyo Guddiga Olombika Soomaaliyeed oo markasta  garab la taagan XiriirkTakewado-ga Soomaaliyeed.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Takewando-ga ayaa ka mid ah xiriirada   horumarka  wanagaasan sameynayay   sanadihii  lasoo dhaafay waxaya tani  qeyb ka tahay dadaalka uu xiriirkaas  ugu jiro horumarka.

W/D: Xuseen Maxamed hadaafoow

Email: hadaafoow7@gmail.com