Mo Farah oo mar kale ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 5000m
Posted by shiikha on 21/08/2016 15:31:43

Mo Farah oo mar kale ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 5000m

Mo Farah ayaa markii labaad ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 5000m, kadib markii uu u orday, waxaana orodyahankan uu mar kale dhigay taariikh.Waxaa uu loolan kala kulmayay orodyahano u kala dhashay Kenya, Itoobiya iyo Bahreyn oo todobaadkii hore si aad ah ula xafiiltamayay is reeb reebkii 5-ta kun ee mitir.

Extended News

Orodyahankan asalkiisa yahay Soomaali, balse heysta dhalashada Britain ayaa todobaad ka hor ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 10,000 mitir.Waa biladii labaad oo dahab ah oo Mo Farah ku guuleysto tartanka ciyaaraha Olimbikada ee sanadkan 2016.

Mo Farah ayaa horay ugu guuleystay biladaha dahabka ee orodka 10,000 iyo 5,000 mitir tartankii ciyaaraha Olimbikada ee lagu qabtay London sanadkii 2012.

Si kastab ha ahaatee Mo Farah ayaa muujiyay inuu wali yahay ninka heysta orodka 10-kun illaa 5-kun ee mitir, inkastoo todobaadkii la soo dhaafay is reeb reebkii 5,000 mitir uu galay kaalinta saddexaad.

xigasho:wehelmedia.com