Macallin Buruno oo Tababar ka bilaabay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
Posted by shiikha on 09/08/2016 11:50:28

Macallin Buruno oo Tababar ka bilaabay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa garoonka Luujino ee degmada C.Casiis ka bilaawday Tababar heer Caalami ah oo uu bixinayo Macalinkii Weynaa Cusmaan Bruno oo dalka dib ugu soo laabtay waxaana Tababarkaan lagu kala Xuli doonaa cayaartoyda dalkeena matali doonta koobab Soonka ah oo ku soo fool leh.Macalinka Xulka qaranka kubada Koleyga Soomaaliyeed Cimaan Bruno ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay in uu in kabadan 25 Sano kadib dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho isla markaana uu ka bilaabo Tababarka Xulka qaranka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga.

Extended News

Cusmaan Buruno oo ah Macalin Caan ah isla markaana horay u soo layliyey kooxo badan oo dalkeena ah ayaa Waxa uu u balan qaaday Cayaartoyda saaka soo Xaadirtay Tababarka in uu si Cadaalad ah u kala Saari doono isla Markaana aan laga tagi doonin Cayaartoy u qalma in uu matalo Xulka qaranka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xiriirka kubada Koleyga Cabdulaahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa dhankiisa aad ugu Mahad celiyey in Macalin Buruno uu Waqtigiisa u soo horay in uu tababar siiyo Cayaartoyda Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga Waxaana uu Rajeeyey in hada uu imaan doono isbadal dhanka Guulaha ah.

Cadaani ayaa dhanka kale baaq dheer Waxa uu u diray bulshada Soomaaliyeed isaga oo ka Codsaday in ay Garab istaagaan dhaqaalana ku bixiyaan sidii Xulka qaranka Soomaaliyeed u gaari lahaa hadafkiisa waxaa kaloo uu Cadeeyey in aysan hada haynin dhaqaale ku filan oo ay ku Gaari karayaan Meelaha ay doonayaan oo ay kujiraan dalalka ay Cayaaraha ku tagi doonaan Xiliyada soo aadan.

Xigasho: All xamar.com