Macallin Osman Buruno oo ku sii jeeda Somaaliya
Posted by shiikha on 20/07/2016 15:17:00

Macallin Osman  Buruno oo ku sii jeeda  Somaaliya

Tababare Cismaan Cali Abanuur (Cismaan Buruno) oo ka mid ahaa tababarayashii ugu qaalisanaa ee soo mara dalka Soomaaliya iyo xulka qaranka ee wiilasha kubadda koleyga  ayaa lagu wadaa inuu booqasho  gaaban ku tago caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho , isaga oo halkaasi  kula kulmi doona mas uuliyiinta xiriirka k/Koleyga, macallimiinta iyo ciyaartoydaba.


Extended News

Tababare Cismaan Cali Abanuur (Cismaan Buruno) oo ka mid ahaa tababarayashii ugu qaalisanaa ee soo mara dalka Soomaaliya iyo xulka qaranka ee wiilasha kubadda koleyga  ayaa lagu wadaa inuu booqasho  gaaban ku tago caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho , isaga oo halkaasi  kula kulmi doona mas uuliyiinta xiriirka k/Koleyga, macallimiinta iyo ciyaartoydaba.

Macallin Cisman Buruno oo haatan ka mid ah macallimiinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha k/koleyga  ayaa  waxaa uu martiqaad rasmi ah ka helay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Mudane Cabdulahi Nur Maxamed Cadaani  iyo xubnaha guddiga fulinta ee xiriirka, waxaana muddada uu joogo uu halkaasi ka bixin doonaa, aqoon kororsi kor loogu qaadayo aqoonta macallimiinta kubadda koleyga  ee naadiyada, sidoo kale waxaa uu tababaro siin doonaa ciyaartooyda laga soo xulay naadiyada oo iyagu la doonayo in la qiimeeyo awodooda iyo xirfadda ay u leeyihiin k/koleyga. Sidoo kale waxaa uu macallinku u kuurgali doonaa ciyaartooyda u qalanta inay matalaan xulka qaranka ee wiilasha oo ay ciyaaro caalami ah ku soo fool leeyihiin.

Macallin Buruno ayaa isagu lagu xusuustaa , kaalintii wanaagsanayd ee uu ka soo qaatay xilligii uu  u cayaarayay naadigii caanka ahaa ee  Batroolka iyo xilligii uu u xuub siibtay dhinaca tababaranimada, kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Wagad  ayaa lagu xusuustaa muddo gaaban  gudahood oo uu gacanta ku dhigay in ay guulo ku talaabsadeen iyaga oo wax la qaybsaday kooxihii waaweynaa ee markaasi  dalka ka jiray sida: Muqdisho, Badda, jeenyo, Horseed, Somali fruit iyo ,Waxool .

Sidoo kale macallin Buruno waxaa lagu xusuustaa inuu soo saaray ciyaartooy  yaryar oo aad u xirfad badnaa, kuwaasi oo  ciyaarta k/koleyga ka gaaray ilaa heer qaran.

1990 kii ,Burburkii dalka ka dhacay dabadeed, macallin Buruno waxaa uu ku noolaa dalka Kenya, waxaana uu tababare u noqday kooxdii caanka ka noqotay guud ahaan dalka Kenya ee la oran jiray Co- Operative Bank oo iyadu dhawr jeer ku guulaysatay koobabkii dalka kenya , waxaana macallin Buruno aad looga tixgaliyaa dalka Kenya, oo ay aaminsan yihiin ciyaartooydoodu  inuu ahaa aabihii soo kobciyay oo kor u soo qaaday kubadda Koleyga Kenya haddey noqon lahayd xagga aqoonta tababarayaasha iyo xirfadda ciyaartooyda intaba.

Macalin Buruno, marnaba ma uusan joojin halgankiisii kubadda koleyga, markii uu yimid dalka Canada waxaa uu qayb wayn ka qaatay tababarida dhallinyarada yaryar ee soo koraysa, isaga iyo saaxiibadiisa  waxaa ay abuureen urur la magac baxay Ilamos oo ka shaqeeya horumarinta dhallinyarada Somaliyeed.

Haddaba macallin Buruno oo muddo 26 sano ugu dambaysay dalka Soomaaliya , ayaa ku noqoshadiisa dalka waxaa ay farxad wayn galin doontaa dhammaanba bahda isboortiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddisa ku nool, waxaana rajaynaynaa in aqoontiisa K/Koleyga ay dad badan oo ku nool somaliya ay ka faai ‘daysan doonaan.

Halkan kala soco macallin Buruno iyo wixii ka soo kordha.



W/D Mohamed Busuri

Xiddigaha.ca