Dhalaanka Kubadda cagta ee Magaalada Atlanta oo Horumar balaaran sameeye +SAWIRRO
Posted by shiikha on 07/04/2016 14:36:10

Dhalaanka Kubadda cagta ee Magaalada Atlanta oo Horumar balaaran sameeye +SAWIRRO

Sanad kasto waxaa Ciyaaro xiiso badan lagu kala qabtaa Goboladda uu ka koobanyahay Dalka Mareykanka iyo Dal weynaha Kanada gaar ahaan Magaaladda Toronto,waxaana Ciyaarahaasi ka soo qeyb gala dhalinyaro oo da’doodu ka yartahay 13 sano kuwaa oo loo carbinaayo in mustaqbalka dhaw ay daafacaan Qaranka Soomaaliyeed iyo Goboladda ay Waqooyiga Amerika ay ka degen yihiin iyago la geliyey xoog aad u badan oo ay ku hanan karaan hadafka laga leeyahay abaabintooda.


Extended News

Sanad kasto waxaa Ciyaaro xiiso badan lagu kala qabtaa Goboladda uu ka koobanyahay Dalka Mareykanka iyo Dal weynaha Kanada gaar ahaan Magaaladda Toronto,waxaana Ciyaarahaasi ka soo qeyb gala dhalinyaro oo da’doodu ka yartahay 13 sano kuwaa oo loo carbinaayo in mustaqbalka dhaw ay daafacaan Qaranka Soomaaliyeed iyo Goboladda ay Waqooyiga Amerika ay ka degen yihiin iyago la geliyey xoog aad u badan oo ay ku hanan karaan hadafka laga leeyahay abaabintooda.

Dr.Cali Cusman,Aweys Fundi iyo Cabdirisaq oo ka socda Xawaaladda Amal

Magaaladda Atlanta oo ka mid ah ayaa 4tii sano ee ugu dambeysay waxa carbis xoogan lagu hayey dhalinyaro ay da’dooda u dhexeyso 8 sano illa 13 sano waxaana qeyb ka qaatay laylintooda Tababare Cabdulqaadir xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) oo ka mid ahaa barisamaadkii Dhalinyaradii ugu firfircooneyd ee soo martay kooxdii LLPP iyo xulka Qaranka Soomaaliyeed isagoo magac iyo maamusba ku leh Isboortiga Guud ahaan gaar ahaan Kubadda Cagta,waxaana kaaliye u ahaa Cabdiqani Abuu oo dadaal badan muujiyey inta laguu jiray ku barbaarinta Isboortiga gaar ahaan Kubadda Cagta dhalintii Reer Atlanta..waxaana maanta ay Kooxda Atlanta lagu tiriyaa kooxaha ugu awooda wanagsan ee Waqooyiga Mareykanka..

Tababare Caydiid Jeenyo,Kaaliye Tababare Cabdiqani iyo Kooxda Juba

Hadaba si guulahaasi aanu guntooda u gaarno ayaa waxa si tafatiran u dhigdhigay Halyey Caydiid Jeenyo.waxaana uu ka shakeeyey waxyaabaha ku qasbay in abaabul adag loo galo Tababarida Ciyaartoyda yar yarka ah waayo Isboortiga waxa uu ka dhismaa gunta hoose oo runtii ah halka ugu wanagsan oo carbiska laga bilaabi karo,iyado laga toosin karo wixii la doono oo ku saabsan farsamadda,

waxa kaloo Tababare Caydiid uu bidhaamiyey in Magaaladda Atlanta uu ku soo fool leeyhay dhibaato ka imaan karta Ciyaartoy la’aan madaama kuwii hore oo magaca Atlanta ku ciyaari jiray ay Ciyaarta ka fariisteen loona baahanyahay in la buuxiyo Daloolkaasi si mar kastaba Magaaladda Atlanta ay u noqoto kuwa si joogtadda ah uga qeyb galay Tartamadda kala duwan ee ka dhaca Goboladda Dalka Mareykanka.

Waxa kaloo uu tababare Caydiid Jeenyo carabka ku adkeeyey in Isboortiga uu yahay mid dhalaanka u horseedaayo in uu noqdo mid firfircoon isla markaana ka helaayo Koriimo jireed iyo mid maskaxyeed,waxa uu ku baranayaa Bulshanimo,waxa uu ka helayaa Kalsooni,wada shaqeyn iyo xirfad hogaamineed iyo go’aan qaadasho,waxaana uu ka hor istaagayaa waxyaabaha mustaqbilkiisa waxyeeleyn kara,waxa uu isku xiraa waalidiinta iyo Caruurtooda ka qeyb galeysa Tartamadda Isboortiga,isagoo aad iyo aad ugu mahadceliyey waalidiinta doorkii qiimaha ay ka qaateen abuuridda Kooxda Kubadda Cagta ee JUBA oo runtii la’aantooda aan guushaan la gaareen,

“anigoo ka codsanaayo in ay halkaa ka sii wadaan dadaalka inta laga gaaraayo hadafka noo qorsheysan oo leh mid dhaw iyo mid fogba,waxaa kaloo aan halkaa Mahad uga celinayaa Gudiga Jaaliyadda Somali_American iyo Guddiga Isboortiga oo runtii si hagar la’aan ah uga qeyb galay qorsha lagu hormarinaayo Kooxda Jubba ee Reer Atlanta”ayuu raaciyey.

(Dr.Cali Cusmaan,Aweys Fuundi,Caydiid Jeenyo &Cali Mataan

Ugu dambeyntii waxa Hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Tababare Caydiid Jeenyo iyo Kaaliyihiisa Cabdiqani Abuu Mudanayaasha kala ah Inj. Cumar Shiikhey Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta,Dr. Cali Cusmaan Gudoomiyaha Isboortiga,Aweys Fundi Guudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga iyo dhamaan xubnaha Guddiga Isboortiga iyo jaaliyadda reer Atlanta oo aan u kala harin iyadoo loogu hambalyeyey dadaalka biyo kama dhibcaanka ah oo ay ka muujiyeen barbaarinta dhalaanka Atlanta.Guleysta.

Guji Linkiga hoos ku xusan:

http://ciyaarahafm.com/2016/04/07/dhalaanta-kubadda-cagta-ee-magaalada-atlanta-oo-horumar-sameeyey-sawirro/



W/D: Cabdixafiid Cabdisamad (Zaciimka)