Maalinta Nabadda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya+Sawirro
Posted by shiikha on 07/04/2016 12:36:54

Maalinta Nabadda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya+Sawirro

Waxa magaalada  muqdisho lagu qabtay  xuska Maalinta caalamiga ee u adeegsiga  isboortiga horumarka  iyo  nabadda iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.Munaasabadan oo ka dhacday  garoonka Banaadir ee magaalada muqdisho waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka socotay wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada, madaxda Xiriirada, uruurada , masuuliyiin ka socotay hey'adaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan

 


Extended News

Waxa magaalada  muqdisho lagu qabtay  xuska Maalinta caalamiga ee u adeegsiga  isboortiga horumarka  iyo  nabadda iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.Munaasabadan oo ka dhacday  garoonka Banaadir ee magaalada muqdisho waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka socotay wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada, madaxda Xiriirada, uruurada , masuuliyiin ka socotay hey'adaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan, ciyaartoyda qeybaha kale gedisan ee  xiriirada dalka, ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadi, iskuulada, kooxaha hidaha dhaqanka iyo Banda Muusika.

Ciyaartoyda  oo garoonka soo buux dhaafiyay ayaa garoonka kusoo maray socod iyadoo xiran labiska ay astaanta u leedahy koox waliba waxaana muusik  soo jiitay dadweynihii garoonka ku sugnayd   garaacay  kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed Banda Musika.

Ugu  horeyn waxaa qudbahada daah furay guddoomiyaha Ururka Ciyaartoyda Soomaliyeed  Xasan Axmed Barre waxuuna yiri farxad ballaaran ayay u tahay in bahda isboortiga ay ku kulmaan munaasabda  6-da April  oo  laba munaasabad oo qaali ah  kulmisa  islamarkana ay wax weyn iska badlaaneen sanadki hore, si  qaranka Soomaaliya qeybahiisa kal gedisan lahorumariyo loo baahan yahay in la lagu dadaalo waxyaabaha horumarin ka  ciyaartoyda.


Xogahayaha Guud ee guddiga Olombika Soomaaliyeed   Duran Axmed Faarax   oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxuu faahfaahin dheer ka bixiyay   qaabka ay munaasadan iyo kuwii ka horeeyay kubilowdeen waxuuna tilmaamay in la ansaxiyay 2013 guddiga olombikada uu sandki seddexad oo xiriir ah qabanyo.

Xoghayaha ayaa  inta kudaray in  guddiga olombikada   si loo dhiiro geliyo ciyaartoyda  uu ansaxiyay maalin ay leeyihiin  ciyaartodya Soomaaliyeed oo sanadki labaad  u tahay sanadkan , haddii aan ciyaartoy la helina aysan jireen, Xiriir, Olombikada iyo isboorti intaba  loona baahan yahay in sare loo qaado tayada iyo xirfadda ciyaartoyda Soomaaliyeed guud ahaan si loo gaaro guusha mustaqbalka dhaw.

Guddoomiye ku xigeenka  Arimaha Bulshada gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah leedahay in ciyaartoyda Soomaaliyeed isu bax balaaran  oo sanad le yeeshaan waxuuna tilmaamay in  isboortiga uu yahay nabad, caafimaad iyo isdhaxgalka bulshada  isagoo umadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan ugu baaqay in ay kawada qeyb qaataan sare u qaadida isboortiga dalka.

Ugu dambeyn waxaa xaflada soo xeray  Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxuuna sheegay in xafladan  si wanaagsan loo soo  agaasimay  wasaaraduna ay qaadan doonto doorka ay ku leedahay horumarinta isboortiga  gaar ahaan  helida garoomo lagu ciyaaro oo muhiim u ahaa kooxaha dalka oo ay dhibaato kahayso dhanka garoomada.

Waaxda warfaafinta Gos

Info@nocsom.com