Xulka Somalia oo markii 3aad ka qaybgalay tartanka Barafka Aduunka (SAWIRRO)
Posted by shiikha on 29/02/2016 14:35:42

Xulka Somalia oo markii 3aad ka qaybgalay tartanka Barafka Aduunka (SAWIRRO)

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa markii saddexaad ka qaybgalay tartanka xeegada barafka ee horyaalka aduunka 2016 oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.Tartanka oo socday tan iyo dhamaadkii bishii hore ayaa waxaa ka qayb qaatay 18 wadan oo u badan kuwa Yurub, waxaana Afrika ka yimid Soomaaliya oo keliya. Kooxda Ruushka ayaa ugu dambeyn ku guuleystay tartanka.

Extended News

Xulka qaranka Soomaaliya oo u badan dhalinyaro degan dalka Sweden gaar ahaan magaalada Borlange ayaa wacdarro ka muujiyey tartanka inkastoo aysan badin hal ciyaar.

Taageero badan ayay kasbadeen, waxaana ciyaaraha ay soo bandhigeen xitaa la dhacay tababarayaashii kooxaha kale ay wada ciyaarayeen.

Marka loo eego duruufaha haysta kooxda Soomaaliya, haddana tartanka ayay ka muujiyeen ciyaar wanaag oo keentay in taageerayaal badan helaan.

Si kastaba, ka muuqashada calanka Soomaaliya, dharka buuluga iyo caddaanka iyo goolkii u horerysey ee taariikhda Soomaaliya ku dhaliso ciyaaraha caynkan oo kale ah ayaa la dhihi karaa waa guul, waxaa la yiraahdaa “Muhimaddu guul maaha ee waa ka qayb-qaadasho”.

Kooxda Soomaaliya ayaa ku dhameysatay kaalinta u hooseeya group-ka B oo ay ku wada jireen wadamada Jarmalka, Hungary, Shiinaha, Czech Republic, Mongolia, Holland, Ukraine, Estonia iyo Japan.

Ciyaarta Bandy ayaa ah mid u dhaw midda loo yaqaan Hockey, Waxaa lagu ciyaaraa kabaha mindida hoos ka ah waxaana gacanta lagaga ciyaaraa xeegada, waa ka garoon weyn tahay Hockey, waxaana lagu ciyaaraa garoon furan, Dalalka ku yaala Waqooyiga Yurub ayaa si weyn looga xiisaayaa, gaar ahaan dalka Sweden.