Horyaalka kubadda koleyga 2015-16 oo Muqdisho ka furmay+Sawirro
Posted by shiikha on 31/12/2015 05:06:03

Horyaalka kubadda koleyga 2015-16 oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Waxa magaalda muqdishio gaar ahaan garoonka Wiish ka furmay horyaalka kubadda kolega 2015-16, waxaana xafalda furitaanka ka soo qayb galay masuuliyiin ka soctay Guddiga Olombiakada, qaar ka mid ah xirirada, madaxada xiririka kubada kolegya iyo marti sharaf kale.


Extended News

Waxa magaalda muqdisho gaar ahaan garoonka Wiish ka furmay horyaalka kubadda kolega 2015-16, waxaana xafladda furitaanka ka soo qayb galay masuuliyiin ka soctay Guddiga Olombikada, qaar ka mid ah xiriirada, madaxda xiririka kubada koleyga iyo marti sharaf kale.


Ugu horeeyn waxaa halkaasi ka hadlay ku simaha xoghayaha Xiriirka kubada koleyga  Cabdi Cabdulle Baasaale waxuuna tilmamay in ay horyaalka sanadkan ay ka qayb galayaan 10 koox , halkii ay horey u ahaan jireen sideed koox isla markana ay kooxuhu diyaar u soo galeen tartanka   ayna ka rajeynayaan in  cayaaro wanasgan ay soo bandhigaan.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxmaed Caddaani oo  xaflada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan  ay garsoori doonaan horyaalka garsoorayaal aqoontoda sare loo qaaday oo lix ka  mid ah ay ku guulaysteen  shahaadada heerka Zone ah   lagana rajeynayo in  ay soo badnhigaan habgarsoor wanaagsan oo cadaalad ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa  intaa ku daray in  xiriirka uu horyaalkan ka xulan doono cayaartoydii matali lahayd qaybaha kale gedisan ee xulka qaranka, balse aanan  la xuli doonin cayaartooy aqlaaqadiisa aysan wanaaagsanayn si kasta uu u cayaar wanaagsan yahay, waxuuna  maamulka , kooxaha , cayaartooyda iyo taaageerayasha ka codsaday in laga wada shaqeeyo sidii uu tartanka ku wanaagsananaan lahaa.

Ugu dambayn waxaa  goobta ka  hadlay oo tartanka  furay Madaxa Amuuraha Goboalada Gos, Ibraahim Xuseen Cali Roombe   waxuuna sheegay in xiriirka kubadda Koleyga uu horumar ku talaabsanayo si gaar ah ay u farxad gelinayso tirada kooxaha heerka koowaad oo sare loo qaaday taasna ay tartanka ka dhigayso mid xiiso leh.

Kulanki furitaanka horyaalka   oo lagu daah furay  kooxda Heegan oo horyaalka difacaysa  iyo Gaadiidka  oo sanadkan ku cusub horyaalka waxayna 66-27 guusha ku raacday Wiilasha  Heegan.

Goolkii ugu horeeyay Horyaalka Waxaa dhaliyay Cali Bile oo No 15 u qaata kooxda Heegan ,halka Cusmaan Cali Guuleed oo No 4 u qaata Heegan uu dhaliyay goolashii ugu badnaa kulanka 13.



W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com