May 24 2017 23:28:38
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Cayaarihii K/Cagta dhallinta Cuslaatay ee Minnesota oo la xiray.

Cayaarihii K/Cagta dhallinta Cuslaatay ee Minnesota oo la xiray.

Diyaariye:Shiikha



Tartamadii ciyaareed ee k/cagta dhallinta cuslaatay ee Minnesota ayaa toddobaad ka hor lagu soo gabagabeeyay garoonka dadan ee YWCA, Minneapolis,Minnesota, iyada oo munaasabaddii xiritaanka ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaha isboortiga gobolka Minnesota, masuuliyiin, ganacsato, ciyaaryahannadii hore ee Soomaaliyeed ee K/Cagta,Koleyga,Miiska iyo dadwene faro badan oo  soo camiray garoonka.

Guddoomiyaha Olombikada Aaadan Xaaji Yabaroow Wiish oo dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Olombikada Aaadan Xaaji Yabaroow Wiish oo dalka dib ugu soo laabtay.


 

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo dhawaanahan isaga iyo wafdi isboorti oo uu hogaaminayo ay safarro shaqo oo dalka dibadiisa ah ku maqnayeen ayaa maanta dalka dib ugu soolaabtay.

Soomaaliya oo muddo ka dib xubin ka noqotay guddiyada Xiriirka K /kolayga jaamacadda Carabta.

Soomaaliya oo muddo ka dib xubin ka noqotay guddiyada Xiriirka K /kolayga jaamacadda Carabta.
Diyaariye:Shiikha

 

Shir maalmahan uga socday xiriirka kubadda kolayga ee dalalka Jaamacadda carabta magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa muddo labaatan sanadood ku dhaw ka dib mar kale xubinimada guddiyada xiriirkaasi loogu doortay xubin ka mid ah xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed.

Qoys ku dayasho iyo qadarin ka mudan bulshadooda

Qoys ku dayasho iyo qadarin ka mudan bulshadooda



 

 

Taariikhdu waxay xustaa mar walba intii dalkeeda hooyo horumarkeeda ka qayb qaadata, sharaf iyo sumcadna u soo jiidda. Haddaba burburkii dalka Soomaaliya ka dhacay kaddib, waxaa qurbaha u soo hajaamay dhammaan dadkii ku howlanaa howlaha bulshada gaar ahaan bahdii sportiga intoodii badneyd. Marka waxaan halkan ku soo qaadanaynaa dadkii muujiyay dadaal dheeri ah oo u heelanaa habeen iyo maalin ku baraarujinta horumarinta ciyaaraha. Waxaa jira dad badan oo aaminsan in qurba joogta Soomaaliyeed ayan is abaabuli karin oo ayan ka qayb qaadan karin horumarinta dalkooda, laakin waxaa u tafa xaytay dad badan oo iyagu iskood isu xilsaaray in ay meeshoodii ka sii amba qaadaan, si ay ula jaan qaadaan bulshada ay la nool yihiin.

Shirka xiriirada kubadda kolayga ee Jaamacadda carabta oo maanta ka furmaya Qaahira

Shirka xiriirada kubadda kolayga ee Jaamacadda carabta oo maanta ka  furmaya Qaahira

Cayaaraha.com

 

 Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 04/11/2009 ilaa 07/11/09 ka dhici doono shir weynaha guud ee xiriirada kubada koleyga ee wadamada jaamcadaha carabta. Shirkani oo 4 tii sanaba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qeyb geli doono 22ka wadan ee ay ka kooban tahey jaamacada carabta oo ay Soomaaliya ka mida tahay.

Drogba oo Ticket-ka u jaray Chelsea

Drogba oo Ticket-ka u jaray Chelsea

By Sunni Said Salah • November 4, 2009

 

MADRID, (Reuters) – LONDON, (Reuters) – Didier Drogba oo 3 kulan oo uu ganaax kaga maqnaa ciyaaraha yurub markii uu xalay ka soo laabtay wuxuu Chelsea u dhaliyay 2-2 ay la galeen Atletico Madrid isagoo sidaa ugu jaray ticket-kii aad ay ku aadi lahaayeen wareega 2-aad ee Champions League.

Tartankii K/Cagta TENNESSEE oo La Soo Gabagabeeyay

Tartankii K/Cagta TENNESSE‏ oo La Soo Gabagabeeyay


 

NASHVILE: Waxaa lagu soo gunaanaday magaalada Tennesse ee Caasimadda Nashvile  tartan kubadda cagta oo sanad walba  laagu qaban jiray magaalada tennesse. Tartankan oo ay sanadkan ka soo qeybgaleen illaa 6 kooxood  oo ka kala socday Atlanta,Washigton,Maine,Mineapolis,Ohio iyo Tennessee oo marti loo ahaa .

Soo dhaweynta Guddoomiyaha GOS oo Muqdisho looga diyaar garoobayo

Soo dhaweynta Guddoomiyaha GOS oo Muqdisho looga diyaar garoobayo


By Shafici Mohyaddin on November 02,2009



Bahweynta Isboortiga Soomaaiyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa wada diyaar garow aad u weyn oo loogu jiro soo dhaweynta wafdiga guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Aadan xaaji Yabarow (Wiish)

Cayaartoydii hore ee kubadda cagta soomaaliyeed oo ku shiray London.

Cayaartoydii hore ee kubadda cagta soomaaliyeed oo ku shiray London.

Cayaaraha.com

 

 

Xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen qaar badan oo ka mid ah cayaartoydii kubadda cagta dalkeena soomaaliya looguna gogol xaarayey kulan wayne ay yeeshaan cayaartoydii kubadda cagta ayaa caawa ka dhacday waqooyiga magaalada London.

Hambalyo
Hambalyo


Dhamaan bahweynta sportiga ee Denmark, Canada iyo Mareykanka waxay hambalyo u dirayaan Mudane Maxamed Shukri oo dhawaan loo magacaabay xubin ka mid ah GOS.
Garsoore Soomaaliyeed oo ku guulaystay shahaadada caalamiga ah ee FIBA(Federation International Basketball

Garsoore Soomaaliyeed oo ku guulaystay shahaadada caalamiga ah ee FIBA(Federation International Basketball)

Diyaariye:Shiikha


Muddadii u dhaxaysay June 2-6/2009 , magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique waxaa ka dhacay seminaar caalami ah  kaasi  oo lagu dalacsiinayay garsoorayaasha K/kolayga ee dunida , waxaana  kaalinta 1aad  ku soo baxay  Garsoore Saleeban Maxamed Cali oo matalayay magaca Soomaaliya isaga oo  ku guulaystay shahaadada garsooranimada heerka caalamiga ah ee kubadda koleyga(FIBA).

Garsoore Maxamed Faarax (Dabdamis): Isboortiga Minnesota ku dayasho ayuu mudan yahay

Garsoore Maxamed Faarax (Dabdamis): Isboortiga Minnesota  ku dayasho ayuu mudan yahay

Diyaariye: shiikha



Garsoorihii caalamiga ahaa ee Soomaaliyeed Maxamed Faarax oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan (Dabdamis) ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis, isaga oo booqasho gaaban halkaasi ku soo gaaray, kana yimid gobolka Virginia, waxaana casho sharaf loogu sameeyay makhaayadda weyn ee  lagu magacaabo Curuuba ee uu leeyahay Milkiilaha lagu magacaabo Liban Jamac  oo ku magac dheer “Liban Futey”.

Ururada SYDOM iyo SSUF oo ku kulmay Minnesota

Ururada SYDOM iyo SSUF oo ku kulmay Minnesota
Diyaariye:Shiikha



Agaasimaha guud ee ururka SSU (Sweden),Mudane Axmed Xasan iyo guddoomiyaha guddiga ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota(SYDOM)ahna guddoomiyaha isboortiga ee gpbolka Minnesota Mudane  Cabdi Cali Macallin ayaa Oktoobar bartamaheeda 2009, waxaa ay kulan ku yeesheen  xarunta ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM),halkaasi oo ay xog waraysi ku wada yeesheen, kana arrinsadeen sidii dhidibada loogu taagi lahaa xiriir baaxad weyn oo ay  labada urur ee Sweden iyo Minnesota yeeshaan
Tababare C/Casiis A. Mahdi Oo Aqoontiisa Ka Faa`ideynaya

Tababare C/Casiis A. Mahdi Oo Aqoontiisa Ka Faa`ideynaya

By Abdiaziz Godah on October 20,2009



ATLANTA: Isboortiga waxa uu mudanyahay in lagu abaabiyo dhalaanka soo koraayo waxa laga helaa caafimaad taam ah,waxa uu qayb ka qaataa koritaanka jireed iyo maskaxeed ee dhalinyaradda waxa laga hela sumcad iyo sharaf aan la koobi karin,waxay leedahay maalmo farxadeed oo aadan waligaa iloobin,waxay kaloo leedahay maalmo kale oo murugo kugu reebta.

DFS oo ku gacan seyrtay in Soomaalidu ay qarxin rabaan koobka aduunka ee 2010-ka.

DFS oo ku gacan seyrtay in Soomaalidu ay qarxin rabaan koobka aduunka ee 2010-ka.

By:Shafici Islow

 

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah waxaa ay si kulul ugu gacan seyrtay warar ay warbaahinta dalka Koofurta Afrika shaaciyeen oo sheegayay in dad Soomaaliyeed oo xariir la leh AL qaacida ay doonayaan in ay weeraraan koobka aduunka ee sanadka dambe ka dhacaya dalkaasi iyo safaarada mareykanka.

Munishiibiyo Oo Guuldaro Ku Canshuurtay Horseed

Munishiibiyo oo Guuldaro Ku Canshuurtay Horseed

 

 

MUQDISHO: Garoonka Kubadda Cagta dugsiga sare ee Booliska oo ay si wacan uga socdaan tartanka todobaadka Nabadda oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda dhalliyarada iyo isboortiga ayaa waxaa isaga horyimid kooxaha Munishiibiyo iyo Horseed.

Warbixin guud cayaarahii jaaliyadaha degmooyinka Stockholm ee wadanka Sweden.

Warbixin guud cayaarahii jaaliyadaha degmooyinka Stockholm ee wadanka Sweden.


Tartan ay kasoo qeyb galeen jaaliyadaha soomaaliyeed ee ka dhisan magaalada Stockholm iyo gobolada u dhow ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay xaafada Soomaalida sida aadka u degan tahay ee Rinkeby kana dhisan magaalada Stockholm wadanka Sweden, tartankaan oo ay soo abaabuleen labada urur ee kala ah Benadir FC iyo Jenyo FC ayaa waxa uu  dhacay xiligii kuleelaha 26 june 2009 - 7 july 2009.

Bahda K/koleyga ee Minnesota iyo Canada oo is afgarad dhex maray

Bahda K/koleyga ee Minnesota iyo Canada oo is afgarad dhex maray

Diyaariye:Shiikha


Kulan albaabada ay u xirnaayeen ayaa lagu qabtay xarunta ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota,Somali Youth Development Organization in Minnesota (SYDOM).Kulankaasi isaga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota iyo wafdigii uu hoggaaminayay Macallin Tuke,waxaana looga hadlayay khilaafaadka yaryar ee soo kala dhex galay bahda kubadda koleyga

Macallin Tuke & wafdi isboorti oo uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Macallin Tuke & wafdi isboorti oo  uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Diyaariye:Shiikha


 

Wafdi  Isboorti oo aad u ballaaran oo ka socday gobolka Ontario(Canada)ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota, wafdigaasi waxaa  hoggaaminayay  rug caddaagii  isboortiga Soomaaliyeed magaca iyo qadarinta ku lahaa, Macallin Cabdullahi Xasan Saalax (Macallin Tuke),kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen: Macallinkii xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo naadigii LL.PP Cabdi Maxamed Ciye “Cabdi Dheere”, Macallin Cabdi Diputati oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii K/koleyga heerka 1aad ee naadiga Somalita/Batroolka, halyey Xasan C/llahi Saalax,   iyo Hassan Joof oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii Soomaaliyeed ee k/cagta iyo Koleyga, haatanna ka mid ah qabanqaabiyaasha isboortiga Canada,Faarax Jaamac Nuur”Oday” oo ah guddoomiyaha ururka Today iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee XSKK, Sidoo kale waxaa isaguna joogay xiddiggii K/koleyga ee naadiga Badda iyo Xulka qaranka  Maxamuud Muuse ”Shimad” oo ka yimid magaalada Boston ee carriga Maraykanka
DR. Ali Osman Oo Somalia Ugu qeybgalay Shirkii Jaamacada Clark Universaty

DR. Ali Osman Oo Somalia Ugu qeybgalay Shirkii Jaamacada Clark Universaty
By
Sunni Said Salah • October 8, 2009

 
ATLANTA-
Waxa dhawaan lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka shir aad iyo aad muhim u ah oo ay soo abaabushay Clark Universaty oo ka mid ah Jaamacadaha ugu qadiinsan Magaaladda Atlanta, waxaana Shirkaasi ka soo qayb galay Dawladda Nyjeeria oo ay hoogaamineyysay Gabar xubin ka ah Barlamaanka Nayjeeria,Dr. Brown oo ah Madaxwaynaha Jaamacadda Clark,Ganacsato ka socotay Dalka Nayjeeria,Tababare Ron Davis oo ka soo noqday Tartankii Ciyaaraha Fudud ee lagu qabtay Dalka Jarmalka,iyo Wafdi matalayey Ummadda Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Magaaladda Atlanta isla markaana ahaa Xoghayaha Guddiga Olympigadda ee Tartankii 1996 Dr. Cali Cusmaan Cali.

Tababare Baadweyne oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Tababare Baadweyne oo lagu soo dhaweeyay Minnesota                   
Diyaariye:Shiikha

somali-youth.org

 

Qado sharaf si aad ah loo soo agaasimay, laguna soo dhaweynayay tababarahii  kubadda koleyga ee naadigii Horseed barisamaadkii Mudane Cali Cigaal Afrax oo bulshada isboortiga ay ugu naanaysaan”Baadweyne”, ayaa maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 09/28/2009 lagu qabtay country buffet ku yaalla South Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Wariye Sunni Oo Martiqaad Ka helay FIFA

Wariye Sunni Oo Martiqaad Ka helay FIFA

Sheffield United striker jailed 32 months over crash who killed Somali basketball coach Omar Mohamed "Anyeelo‏

Sheffield United striker jailed 32 months over crash who killed Somali basketball coach Omar Mohamed "Anyeelo
By Abdiaziz Godah on October 03,2009



Sheffield United striker Jordon Robertson has been jailed for 32 months after pleading guilty to causing death by dangerous driving.
The 21-year-old crashed his Mercedes 180 CLC sports car, at speeds of up to 125mph, into the Ford Galaxy being driven by father-of-five Omar Mohamed on the M1 in Leicestershire on Christmas Day.

Guddiga Olimbikada Qaranka oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada stockholm

Guddiga Olombikada Qaranka oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Stockholm

Xaflad aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kana dhacday Tiyaatarka Folketshus ee xaafadda Rinkeby ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey wafdiga Guddiga Olombikadda qaranka Soomaaliyeed ee dhowaanahanba socdaalka shaqo ku marayey dalalka Yurub gaar ahaanna Scandenevian-ka.

Tababare Morgan oo furay cayaarihii dhallinta cuslaatay ee Minnesota.

Tababare Morgan oo furay cayaarihii dhallinta cuslaatay ee Minnesota.
Diyaariye:Shiikha

Tartan cayaareed  kubadda cagta ayaa si xiiso badan waxaa uu uga socdaa garoonka dadan kubadda cagta ee YWCA ee magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota (USA),kaasi oo uu furay tababare Cabdullahi Morgan oo ka mid  ahaa cayaaryahannadii kubadda cagta  heerka 1aad ee naadigii Wagad iyo xulka qaranka soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Warbixin Guud: Gudoomiyaha GOS Mudane Aden Xaji Yabarow wiish iyo Booqashadiisa Finlad

Warbixin Guud: Gudoomiyaha GOS Mudane Aden Xaji Yabarow wiish iyo Booqashadiisa Finlad

Diyaariye: Abdiaziz Godah-Finland/Helsink


Guddoomiyaha GOS Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish),xoghayaha guud ee GOS Mudane Abdullahi Tarabi iyo wafdi GOS ka tirsan oo ay hogaaminayaan ayaa dhawaanahanba booqashooyin ku soo kala bixinayeen jaaliyadaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub ayaa waxaa ay hadda laba maalmood oo shaqo ah ay ku yimaadeen wadanka Finland.

Guddomiyaha GOS iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf loogu sameeyay Helsink

Guddomiyaha GOS iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf loogu sameeyay Helsink

By Shafici Mohyaddin on September 24,2009



Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo isaga iyo wafdi GOS ka tirsan oo uu hogaaminayo ay dhawaanahanba booqashooyin ku soo kala bixinayeen jaaliyadaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub ayaa waxaa xalay ay ka qeyb galeen munaasabad balaaran oo ay u sameeyeen jaaliyada isboortiga Soomaaliyeed ee Finland oo ay hogaaminayeen guddoomiyaha Ururka kanava Cabdulqaadir Hadaafow iyo guddoomiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga ahna xubin guddiga fulinta GOS Cabdi Casiis Goodax Barre.

Xafladdii xiritaanka koobka Ramadaanka ee Atlanta oo la qabtay

Xafladdii xiritaanka koobka Ramadaanka ee Atlanta oo la qabtay
Diyaariye: Shiikha

Casho sharaf si heer sare loo soo agaasimay, laguna soo gunaanadayay tartankii ciyaaraha kubadda cagta koobka Ramadaanka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Atlanta ayaa lagu qabtay Daalo Restaurant. Xafladdaasi iyada ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamuladii hore ee Isboortiga,tababarayaal,ciyaartooy, taageerayaal iyo marti sharaf faro badan oo halkaasi lagu casuumay.

Kooxda Olympic Stars oo ku guulaysatay koobkii Ramadaanka Minnesota

Kooxda Olympic Stars oo ku guulaysatay koobkii Ramadaanka Minnesota

Diyaariye: Shiikha 


Kooxda kubadda cagta ee Olympic stars ayaa  ku guulaysatay koobkii kubadda cagta  ee lagu maamuusayay bisha  ramadaanka, ka dib markii ay dhabarka u saariyeen 7 gool iyo 4, ciyaartii kama dambaysta ee lagu xirayay  koobka  Ramadaanka oo habeenimadii Ciidda lagu
qabtay garoonka kubadda cagta ee Burnsville.

CIID WANAAGSAN

CIID WANAAGSAN


Asalamu Alaikum Waraxmatullahi Wabarakaatuh

Munaasabadda Ciidda awgeed, ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM), Maamulka, Macallimiinta , ciyaartooyda iyo waalidiintaba waxaa ay hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul FITRI u dirayaan dhammaanba caalamka Islaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Isboortiga Minnesota oo Afur u sameeyay La taliyaha Madaxweynaha DFKG ee Soomaaliya

Isboortiga Minnesota oo Afur u sameeyay La taliyaha Madaxweynaha DFKG ee Soomaaliya

Diyaariye:Shiikha



La taliyaha Madaxweynaha dawladda federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya dhinaca ammaanka Jeneral Saciid Maxamed Xirsi “Saciid Dheere” oo maalmahan booqasho ku marayay carriga Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa Afur loogu sameeyay hoolka shirarka ee Edina (Edina Community center).

Kooxda Iskaashato oo ku guulaysatay koobkii Ramadaanka K/cagta – Atlanta, Ga

Kooxda Iskaashato oo ku guulaysatay koobkii  Ramadaanka  K/cagta – Atlanta, Ga

Diyaariye: Shiikha


 Kooxda kubadda cagta ee Iskaashato ayaa iyadu ku guulaysatay koobkii kubadda cagta ee loogu magac daray bisha barakaysan ee Ramadaanka, ka dib markii ay si xarrago leh 2 gool iyo 1  uga adkaatay kooxda Xiddigaha ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu xirayay tartankaasi.

Runner reported to have internal male sex organs

Runner reported to have internal male sex organs

By Shafici Mohyaddin on September 11,2009

Source ,AP



PRETORIA, South Africa – Gender tests on running sensation Caster Semenya determined she has internal male sexual organs, Australian newspapers reported Friday, triggering new outrage from South Africa and her father, who called her critics "crazy" and "sick."

Xagee Isboortigii Somaliya Marayaa ayaase u maqan?

Xagee Isboortigii Somaliya Marayaa ayaase u maqan?


Bal aan isla aragno xaalka guud ee soomliya xaga sport -ga, dhibaatoyinka ka dhacay soomaliya ma aaysan burburin wax yaabaha dhaqaalaha ah, laakin waxay sidaa si la mid ah u burbur ba’an ka soo garay xaga dhaqdhaqaaqa dadka. Sida aad ka warqabtaan 16 kii sano ee burburka ku habsaday dhamaan Somali waxa ay ka dhaxashay hormar la taaban karo waayo dhalaanka waxa ay xooga saareen xaga kubaddaa cagta, kubadda koleyga, cayaaraha fudud iyo dhamaan ciyaaraha qaybahooda kala duwan.

Barnamijka cayaaraha ee VOA da oo wasiirka Sport ga Soomaliya lagu waydiiyey su'aalo xasaasi ah

Barnamijka cayaaraha ee VOA da oo wasiirka Sport ga Soomaliya lagu waydiiyey su'aalo xasaasi ah

Written By: Maxamuud

Cayaaraha.com



Idaacadda VOA da barnaamijkeeda wicitaanka dhagystaha oo uu soo diyaariyo wariyihii caanka C/Laahi Kolombo ayaa waxaa shalay marti ugu ahaa wasiirka sport ga dawladda federaalka mudane Saleebaan Colaad Rooble waxaan su'aalo aad muhiim ugu ahaa sport ga dalka uu uga jawaabay qaar ka mid ah cayaartoydii iyo macalimiintii hore ee dalka.

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxqabadkiisu waa mid muuqda oo aan la inkiri Karin.

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxqabadkiisu waa mid muuqda oo aan la inkiri Karin.

Diyaariye:Amiin Yuusuf Khasaaro

Madaxa saxaafadda XSKC

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Markii 12-kii Maarso ee sanadkii 2007 Guddomiyaha Xiriirka K/cagta loo doortay Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe) kadib markii ay kullan isugu yimaadeen guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed sidoo kalana ay kullan isugu yimaadeen Guddoomiyayaasha Kooxaha.

Gudoomiye Wiish oo La Kulmay Jaalliyada Isboortiga AARHUS

Gudoomiye Wiish oo La Kulmay Jaalliyada Isboortiga AARHUS

 


Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) Mudane Aadan Xaaji Yabaroow “Wiish” oo maalmahaan arrimo shaqo ku joogay dalka Denmark ayaa shalay kulan la qaatay Jaalliyada Isboortiga ee ka dhisan magaalada Aarhus.

Halyeey Axmed Daahir oo Si Sare Loogu Soo Dhaweeyay ATLANTA

     Halyeey Axmed Daahir oo Si Sare Loogu Soo  
              dhaweeyay magaalada Atlanta

 

 


Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka waxaa lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynayey Halyeey Axmed Daahir Axmed oo ka tirsanaa Kooxdii Kubadda Koleyga ee Horseed iyo Xulkii Qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga, Iyadoo Axmed Daahir Axmed lagu xasuusto in uu ka mid ahaa Halyeeyada Ummadda Soomaaliyeed aysan waligood iloobi doonin.

Tababare Idiris oo furay koobkii Ramadaanka ee Minnesota

Tababare Idiris oo furay koobkii Ramadaanka ee Minnesota

Diyaariye:Shiikha



Tababare Idirs Ibraahim Suleiman oo ka mid  ahaa tababarayaashii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga , ayaa si rasmi ah u furay Tartankii cayaaraha kubadda cagta ee gobolka Minnesota,kaasi oo loogu  magac daray bisha barakaysan ee ramadaan,waxaana ku tartamaya  16 kooxood oo kala ah: Midnimo Sr, Edenpraire,Cedar Stars,Somali Tigers, FC Baariyoow,MSYU, Midnimo Jr,Djibouti,Saint Cloud white Park,Higher Ground,TC stars, Fc Communality, Olympic,TC stars ,Cabba iyo Via Roma.

Ramadaam

Ramadaan Kariim

Guddoomiye ku xigeenka XSKK oo booqanaya Minnesota

Guddoomiye ku xigeenka XSKK oo booqanaya Minnesota

Diyaariye:Shiikha


Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga Mudane Maxamed XaajiCali Jimcaale ahna xubin guddiga olimbikada soomaaliyeed ayaa maalmahan waxaa uu booqasho ku joogay gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka ,waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota.

Daafacii adkaa ee Horseed oo si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota(USA)

Daafacii  adkaa ee Horseed  oo si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota(USA)

Diyaariye:Shiikha

Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse  Faarax iyo Xaaskiisa Zaynab ayaa qado sharaf  soo dhaweyn ah  ugu sameeyay gurigooda oo ku yaalla  magaalada Manketo oo 70 Mile u jirta  magaalada Minneapolis , daafacii birta ahaa ee naadigii  Horseed waa Aweys  Muuse Arbow oo bulshada cayaaraha ay ugu yeeraan (Aweys Fuundi).

Sandiego oo ku guulaysatay koobkii xurriyadda jabuuti

Sandiego oo ku guulaysatay koobkii xurriyadda jabuuti

Diyaariye:Shiikha



Kooxda kubadda cagta gobolka Sandiego ayaa iyagu 2 iyo 1 ku suul daartay kooxda kubadda cagta Dallas, ka dib markii ay isku haleeleen tartankii cayaaraha kubadda cagta ee loogu magac daray Somali/America indepence days tournament.

Ciyaarihii Isu imaatinka Ashland oo la soo gabagabeeyay

Ciyaarihii Isu imaatinka Ashland oo la soo gabagabeeyay.

Diyaariye:Shiikha


 

Tartamadii cayaaraha ee loogu magac daray Somali /Ashland Sports Re-union ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Ashland ee gobolka Oregon maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 25/05/2009. Cayaarahaasi iyaga ah ayaa aalaaba waxaa isugu yimaada ciyaaryahnnadii kubadda koleyga, kubadda cagta, kubadda miiska, dabaasha,Teeniska dheer, garsoorayaashii caalamiga ahaa ee dalkeena Soomaaliya, iyo qaar ka tirsanaa taageerayaasha Soomaaliyeed ee noocyada cayaaraha kala duwan.

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.31 seconds 2,581,341 unique visits