June 19 2013 11:53:02
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Eid Mubaarak

Eid Mubaarak

Munaasabadda farxadda iyo qiimaha badan ee ciidda (Ciidu-Aldhxaa) awgeed, waxaa aynu hambalyo ku aadan munaasabadda u diraynaa dhammaanba caalamka Islaamka iyo ummadaha islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan,waliba si gaar ah waxaa aynu hambalyo iyo ciid wanaagsan leenahay ummadda Soomaaliyeed (Ciid Mubaarak-Kullu Caamin wa Antum Bikhayr).

First ever sports academy launched in Somal

First ever sports academy launched in Somalia

Sports-loving individuals including Somali expatriates who returned to the country have established the first ever sports academy in Mogadishu that was named after the former Somali Olympic committee president Aden Hajji Wiish who was killed by Al-shabaab militants in April this year. The academy is called ‘Wiish academy for sport and peace’ development.

VUOSAARI oo ku guulaysatay koobkii Futsalka Magaalada Helsinki

VUOSAARI oo ku guulaysatay koobkii Futsalka Magaalada Helsinki

Kooxda vuosaari ayaa ku guuleystay tartankii Helsinki Futsal Tournament (HFT 2012) 20.10.2012 markii 1 iyo 0 kaga badisay kooxdii Fc länsi helsinki, tartankaan oo ay ka qeybgaleen 9 kooxood ayaa wuxuu mudo hal maalin ah ka socoday caasimada dalka Finland ee Helsinki kaasoo ay soo qabanqaabiyeen Ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee dalka Finland (Socus ry).

Abdi Bile oo la kulmay Jaaliyadda isboortiga ee Gobolka Minnesota

Abdi Bile oo la kulmay Jaaliyadda isboortiga ee Gobolka Minnesota

Halyeey Cabdi Bile ayaa Jaaliyadda isboortiga ee gobolka Minnesota kula kulmay maqaayadda Sports Restaurant and Coffee oo milkiyaddiisu uu leeyahay Axmed Daahir Ahmed oo ka tirsanaa cayaartooydii barisamaadka ee naadigii Horseed iyo xulka Qaranka K/Koleyga, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Bahweyntii Isboortiga ee gobolka oo iyaguna ka mid ahaa dadkii ay halyeeygani ku soo wada kifaaxeen isboortiga xilligii barisamaadka.

Halyeey Cabdi Bile oo kala qaybgalay jaaliyadda Minnesota tartan Orod ah.

Halyeey Cabdi Bile oo kala qaybgalay jaaliyadda Minnesota tartan Orod ah.

Halyeeygii Soomaaliyeed ee ku guulaystay orodka biladda dahabka ee adduunka 1.500m (World champions 1987), Cabdi Bile Cabdi oo isagu maalmahan ku sugnaa gobolka Minnesota ayaa Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota iyo kuwa ajaaniibta ahba kala qaybgalay tartan orod ahaa oo masaafadiisu ay ahayd 3 1/2 (Saddex mile iyo bar)

Ururka SEUKI oo hoggaan cusub u doortay Ciyaaraha xagaaga soo socda

Ururka SEUKI oo hoggaan cusub u doortay Ciyaaraha xagaaga soo socda


Isniin, October 15, 2012(HOL): Ururka Dhallinyarada, Cayaaraha iyo Dhaqanka Yurub ee SEUKI oo ah ururka soo qabanqaabiya cayaaraha kubadda cagta ee xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa wuxuu doortay maamul cusub oo ururka hoggaamin doona tan iyo xagaaga soo socda ee 2013.

Halyeeyo Isboorti oo booqday Madaxweyne ku xigeenkii Somalia

Halyeeyo Isboorti oo booqday Madaxweyne ku xigeenkii Somalia

Atlanta:Waxa dhawaan lagu qabtay magaaladda Virginia ee cariga Mareykanka Tartan Sanadeedkii Isboorti oo ay ka soo qeyb galeen Ciyaaryahano caan ku ah Isboortiga oo ka kala yimid Goboladda kala duwan oo uu Mareykanka ka kooban yahay,waxa sidoo kale ka yimid dalka Kanada Halyeeyo caan ku ah Isboortiga noocyadiisa kala duwan,waxayna casuumad ka heleen Guddiga Isboortiga ee Virginia oo tartaanka noocaan oo kale ah soo waday laga soo bilaabo 1983,iyago dhawaan u dabaaldegi doona 30Guuradii ka soo wareegatay markii shucladda tartankaasi la shiday,waxaana uu tartankaasi sanadkaan ku soo gabagaboobay si qiimo leh oo ay cid kastaba ka maqsuuday.

Tacsi

Tacsi

Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Bahda isboortiga ee gobolka Minnesota, waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan cayaaryahannadii kala ahaa:Astur Jaamac Cilmi oo ka mid ahayd ciyaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga iyo naadigii Jeenyo(LL:PP), iyo Dhuux Jaamac Cilmi oo ka tirsanayd ciyaarayahanndii kubadda koleyga ee naadigii "Horseed", oo Hooyadooda Allaha u naxariistee marxuumad Caasho Xuseen Cali Dhagey ay ku geeriyootay magaalada Gaalkacayo, gobolka Mudug, maalinnimadii ay taariikhdu ahayd 10/11/2012.....Sidoo kale waxaa tacsi taasi la mid ah diraya Qoraagii wargeyska xiddigta Oktoobar qaybtiisa Isboortiga Mudane Najiib Ciise.

Somali community soccer tourney in Jeddah ends

Somali community soccer tourney in Jeddah ends

The Somali community football tournament that has been under way in the Saudi city of Jeddah for the past several months has come to an end with Xiddigaha Ruweys winning the trophy on Friday.The match was very competitive and the 90-minute period that takes to play a football match ended in 0-0 draw, but according to the international laws of the game Xiddigaha Ruweys defeated their Iftin stars opponents by 5-4 in penalties.

Xiddigaha oo dhulka ku jiiday washington DC

Xiddigaha oo dhulka ku jiiday washington DC

Kooxda Xiddigaha ee reer Toronto ayaa ku guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.Koobkan ayaa waxaa loogu magac daray ciyaartooygii kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka Shariif Xamza.

Jeenyo oo aan wali la lagdin galabtana ka adkaatay Horseed/ Yet ‘unbeaten’ Jeenyo defeats Horseed

Jeenyo oo aan wali la lagdin galabtana ka adkaatay Horseed/ Yet ‘unbeaten’ Jeenyo defeats Horseed

Kulanka oo ahaa mid darbi ah ayaa waxaa galabta garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan isaga horyimid labada kooxood ee Horseed iyo LL.PP. Jeenyo.Waxa galabta garoonka ka dhacay way ka duwanaayeen ciyaarihii horay loo soo arkay ee Horyaalka, marka la eego ciyaarta, goolasha la kala dhaliyey iyo taageerayaasha waxa ay soo bandhigeen.

Elman oo fara-ciddi leh kaga badisay Dekedaha

Elman oo fara-ciddi leh kaga badisay Dekedaha

Kooxda Horyaalka difaacaneysa ee Elman ayaa maanta fara-ciddi leh ku guuleysatay intii ay socotay ciyaar u muuqatay in ay bar bar dhac ku dhamaaneyso kaddib markii ay goolka guusha heshay daqiiqadii 90-aad ee cayaarta xili garsooruhu afka ku hayay seeriga, waxaana cayaartu ay ku dhamaatay 3-2.

FC Ports destroy Badbaado, as Jeenyo sink Elman

FC Ports destroy Badbaado, as Jeenyo sink Elman

The FC Ports, one of the oldest football clubs in Somalia, but less powerful in recent years have on Wednesday humiliated the Badbaado FC by 5-1 to become in the 6th position of the ongoing Somali division A league.

Zone 5 handball election congress ends in Ouagadou

Zone 5 handball election congress ends in Ouagadougou

The election congress of Africa Zone five handball federations has concluded at the Palace Hotel in the capital of Burkina Faso Ouagadougou on Tuesday, where Somalia was represented handball Federation secretary General Nur Maye Osman.

Shirka Madaxda Suuqgeynta Isboortiga Aduunka oo ka dhacay Turkiya iyo Soomaaliya oo loo balan qaaday dhismo Garoomo.

Shirka Madaxda Suuqgeynta Isboortiga Aduunka oo ka dhacay Turkiya iyo Soomaaliya oo loo balan qaaday dhismo Garoomo.


Waxaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiya lagu soo gaba gabeeyay Shir ay isugu yimaadeen Madaxa suuqgeynta Isboortiga Aduunka, Shirkaas oo ay soo qaban qaabisey dowlada Turkiga ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa wada shaqynta guud iyo sidii loogu faa'ideysan lahaa casriyada cusub ee isgaarsiinta ee qarnigan, isla markaana loogu faaideyn lahaa wadamada qabanaya tartanka cayaaraha caalamiga.
Fannaanad ku caan ahayd Ciyaaraha Raabka oo Muslimtay!!

Fannaanad ku caan ahayd Ciyaaraha Raabka oo Muslimtay!!

Waxaa Caalmka oo dhan wada qirsan yahay Diinka Islaamku inuu yahay Diinka ugu faaitaanka badan gaarayna heer aad u baaxad weyn inuu ugu faafo daafaha Caalamka, waxaana Dadka soo Islaama ugu badan Dadka heesta Diinta Kirishtaanka ama ku Caan baxay Fanka iyo Aqoonta Maadiga ah ee aan wax Diinaba heysan, arimahaas oo sababay in Warbaahinta qaar caro ay ka qabaan arintaas Islaamka ku sameeyaan Dacaayado ayagoo ku sheegaya Dacaayada inay tahay qeyb ka mid ah Xoriyada Saxaafada.

Banadir oo 2-0 kaga adkaatay Horseed

Banadir oo 2-0 kaga adkaatay Horseed

Naadiga Banaadir Sports Club oo ka mida naadiyada waaweyn ee u hanqal taagaya in ay ku guuletsyaan koobka horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa maanta 2-0 ugu awood sheegatay kooxda Horseed, si ay u soo hiigsato kaalinta 3-aad ee tartanka.Wiilasha Banaadir ayaa inta badan cayaarttii maanta awoodeeda lahaa inkastoo kuwa Horseed ay mararka qaar isku dayayeen weeraro rogaal celis ah in ay ku qaadaan goosha Banaadir, waxaana cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay 0-0.

Tartankii is-dhex galka dhalinyarada da' yartaa ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo loo soo gudbay Sami-fnal

Tartankii is-dhex galka dhalinyarada da' yartaa ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo loo soo gudbay Sami-fnal

Waxaa maanta wareega affar dhamaadka ama Sami-finalka soo gaaray tartankii is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo kaasoo muddooyinkii dabe ka soconayay garoonka ciyaaraha ee Cawaale Stadium ee Gaalkacyo.

Somali League: Heegan Knock Ports FC as LLPP hold Sahafi

Somali League: Heegan Knock Ports FC as LLPP hold Sahafi

With the Somali division A soccer league interring its 3rd day, the police-owned club Heegan has Knocked down the Ports FC by 4-2, despite Abdulkader Ali Nur of the Ports FC scoring the opening goal of Saturday’s Match.

Xulka Qaranka oo si weyn Muqdisho loogu soo dhawee

Xulka Qaranka oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay

Xulka guuleystay ee kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntii maanta lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee loo sameeyo xul qaran muddo ka badan 20 sanadood.

Soomaaliya oo ka faa’iideysatay Koorsadii FIFA ee Dar Es Salaam

Soomaaliya oo ka faa’iideysatay Koorsadii FIFA ee Dar Es Salaam

Magaalada Dar Es Salaam ee xarunta dalka Tanzania waxaa maanta gellinkii dabme ka dhacday munaasabad weyn oo lagu soo gabagabeynayay Tababar heer caalami ah oo ay FIFA u qabatay macalimiinta garsooreyaasha ee dalalka Africa ee luqada Ingiriiska ku hadla, waxaana Soomaaliya oo wiilasheeda yaryarka ahi ay Sudan ka reebeen cayaaraha dhalinyarada Afrika uga qeyb galay tababarkaas sadex macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.

Xulka Kubadda Cagata Soomaaliya oo ka adkaaday Xulka Suudaan iyo taageerayaasha Soomaalida oo ka yaabsaday Suudaan.

Xulka Kubadda Cagata Soomaaliya oo ka adkaaday Xulka Suudaan iyo taageerayaasha Soomaalida oo ka yaabsaday Suudaan.

Xulka Kubada cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano ayaa jimcihii shalay xulka dhigooda ee Suudadn ka badiyay, kaddib markii ay dhexmartay ciyaar ciyaar ka tirsanayd is-reeb-reebka cayaaraha dhallinyarada qaarada Afrika taasoo ka dhacay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Tartanka is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee ka soconaya Gaalkacyo oo galay wareegii 2aad.
Tartanka is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee ka soconaya
Gaalkacyo oo galay wareegii 2aad.



Waxaa wareegiisii 2aad ee groupyada galay tartankii is-dhex galka
dhalin-yarada da' yartaa ee 12-14 jirada kaasoo baryihii la soo
dhaafay si habsami leh oga soconayay garoonka cayaaraha ee Cawaale, kaasoo si weyn u soo jiitay dadweynaha Gaalkacyo.
Tacsi- Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Tacsi- Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun


Dhammaanba aqoonyahannada isboortiga ee magacyadoodu ay hoos ku xusan yihiin iyo bahda Isboortiga ee gobolka Minnesota , waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Saaxiibkooda, Xoghayihii hore ee guddiga Olimbikada Soomaaliyeed,haatanna ah guddoomiyaha jaaliyadda Isboortiga iyo dhaqanka ee gobolka Atlanta Mudane Cali Cusmaan Cali iyo Walaalkiisa Cabdulqaadir Cusmaan Cali oo ku magac dheer (Asad), oo Allaha u naxariistee walaalkooda marxuum Maxamed Cusmaan Cali oo ku magac dheeraa (Nuune) uu xalayto oo taariikhdu ay ku beegnayd 09/19/2012 uu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Tacsi Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Tacsi

Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun


Bahda isboortiga ee Minnesota iyo kooxda horyaalka kubadda cagta ee Twin cities stars(TC), waxaa ay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan Macallin Abdishukri Hussein Ahmed oo ka mid ah macallimiinta kooxda kubadda cagta ee TC oo aabihiisa Allaha u naxariistee marxuum Shukri Hussein Ahmed uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ,Shalayto oo taariikhdu ay ku beegnayd 09/19/2012.

Somali youngsters in Khartoum for CAF junior clash

Somali youngsters in Khartoum for CAF junior clash

Somalia’s National U-17 football squad in currently in the Sudanese capital Khartoum where the plane carrying them landed at Khartoum’s international airport at about 8PM last local time last night.

Tartan lagu maamuusayo Marxuum Enj;Cali xaaji Shirwac oo ka socda Gaalkacayo.
Tartan lagu maamuusayo Marxuum Enj;Cali xaaji Shirwac oo ka socda Gaalkacayo.

Hay'adda Hirdo oo qabatay tartan kubadeed lagu xusayo marxuum Eng; Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay garoonka cawaale stadium ee Gaalkacyo.Tartankan ay soo qaban-qaabisay Hirdo Peace Tourtment Gaalkacyo ayaa galabta oo taariikhdu ahayd 18-Sep ka furmay garoonka Cawaale isagoo gaba-gaboodi doona 21-Sep 2012, furitaanka tartanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin heer gobol iyo kuwa qaabilsan dhanka ciyaaraha.
Somali coach signs with Australian soccer club, SFF lauds for

Somali coach signs with Australian soccer club, SFF lauds for

Senior Somali football coach Abdul Haq Mohamed Ahmed has signed a two-year contract with the Australian football club the Jaguar FC becoming the first Somali coach to lead such international soccer club in history.

Somali referee instructors attend FIFA course in Dar es Salaam

Somali referee instructors attend FIFA course in Dar es Salaam

High profile Somali referee instructors are taking part in FIFA Futuro III refereeing course in the Tanzanian capital Dar Es Salaam. Somali soccer referee instructor and SFF education officer Ali Mohamed Ahmed told the media that such course will help the enhancement of refereeing skills in Somalia whose football is currently recovering from years of conflicts.

Dr; Cali Cusmaan:Hambalyo madaxweyne Xasan Sheekh

Dr: Cali Cusmaan: Hambalyo madaxweyne Xasan Sheekh

Dr. Cali Cusmaan Cali oo ku hadlaayo Magacyadda Aqoonyahanadda hoos ku qoran oo kala ah:

1)Dr. Cali Cusmaan Cali 2)Idris Maxamed Cusmaan 3)Yusuf Cariif Qaasim 4)Cali Xaaji Aaden 5)Muse Maxamed Afrax 6)Maxamed Abukar 7)Cabdiraxmaan Kummi 8)Prof Xasan Jumcaale. Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweynaha Cusub ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Dr. Xasan Shekh Maxamuud,waxayna Ilaah uga baryayaan in uu fulinta hawshaan weyn la garab galo(Aqonyahanadaas iyo Madaxweynaha waxay ka wada tirsanaayeen barnaamij aqoon sare(MASTER DEGREE MBA PRGRAME) ay iska kaashadeen STATE UNIVERSATY IN NEW-YORK(SUNNY ALBANY) IYO SIDAM 1989-9O.


Tartan kubadeeda ku aadan is-dhex galka dhalinyarada koonfur iyo waqooyiga Gaalkacyo oo ka furmay garoonka Cawaale.

Tartan kubadeeda ku aadan is-dhex galka dhalinyarada koonfur iyo waqooyiga Gaalkacyo oo ka furmay garoonka Cawaale.

Tartankan oo loogu magac daray koobka dhalinyarada is-dhex galka da' yarta ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo da'doodu tahay 12 jir ilaa 14 jir ayaa galabta si habsami leh oga furmay garoonka Cawaale, waxaana ku tartamayay 8 kooxood.

Tahniyad/Aroos

Tahniyad/Aroos

Aniga oo ku hadlaya dhammaanba magaca qoyska Dr; Osmaan Hussein (Shiis) iyo xaaskiisa Marwo Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) iyo caruurtooda oo kala ah: xamza Osman shiis,Hussein Osman Shiis,Ladan Osman shiis,Fowzia Osman Shiis,Amaal Osman Shiis iyo odaygeeda Ismaaciil Raage,Idil Osman shiis iyo Odaygeeda Abdinaasir Guduudoow, Axmed Osmaan shiis iyo xaaskiisa Layla Axmed, Waxaa aynu halkan tahniyad kal iyo laab ah uga diraynaa Ahmed Abdallah Badawey iyo Ilhaan Osman Shiis oo xafladdii arooskooda uu ka dhacay magaalada sharmul shiikh ee dalka Masar.

Tartanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo soo gaaray Semifinal

Tartanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo soo gaaray Semifinal

Sida ku cadeyd jadwalka tartanka jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaldea Jidda waxaa lagu balansanaa in wareega 8-da ee tartanka oo la hakiyay bishii Ramadaan uu bilowdo 07/09/2012, waxaana dib loo bilaabay shalay oo laba ka mida kooxaha ay u suuragashay inay usoo gudbaan semifinalka.

CECAFA oo ka tacsiyadeysay Geeridii Xaaji Cabdi

CECAFA oo ka tacsiyadeysay Geeridii Xaaji Cabdi

Golaha xiriirada kubada cagta ee ay ku mideysan yihiin wadamada bariga iyo bartamaha Africa ee loosoo gaabsho CECAFA ayaa sheegay in uu aad uga naxay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee garsoore hore oo caalami ah Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo xili dambe Khamiistii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.

Tacsi

Tacsi

Innaa Lillahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Ilaahay naxariistii jano ha siiyee waxaa caawa ku geeriyooday dalka Malaysia guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed kana mid ahaan jiray cayaartoydii iyo garsoorayaashii caalamiga ahaa ee kubadda cagta dalka Soomaaliya Mudane Xaaji Cabdi Cilmi.Xaaji Cabdi ayaa waxaa aad loogu xasuustaa dhinacii garsoorka kubadda cagta dalkeena asagoo dhinaca kalena kaalin aad muhiim u ah ka soo qaatay dib u soo noolayntii sportga dalkeena ka dib dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Soomaaliya oo kor u kacday kala horeynta FIFA

Soomaaliya oo kor u kacday kala horeynta FIFA

Soomaaliya oo ah dal ay bur buriyeen dagaalo sokeeye oo ku yaala geeska Africa ayaa sare u kacday kala horeynta dalalka ku jira xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA.Sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyay ee kala horeynta FIFA oo soo baxay bishan September waxaa Soomaaliya ay horay usoo kacday 3 darajo iyadoo timid 187 marka loo eego kala horeyntii lasoo saaray bishi hore oo Soomaaliya ay kaga jirtay 190.

Xaflad lagu Gunaanaday Tartankii Xiddigaha K/Koleyga oo lagu qabtay Muqdishu

Xaflad lagu Gunaanaday Tartankii Xiddigaha K/Koleyga oo lagu qabtay Muqdishu

MUQDISHO: Xaflad heer sare oo ay soo agaasimeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinaca Olambikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

Real Madrid oo ku guulaysatay koobka sare ee Spain.

Real Madrid oo ku guulaysatay koobka sare ee Spain.

Kooxda Real ayaa mar kale dhinacooda dhulka dhigtay kooxdii la loodin waayey ee Barcelona ka dib markii ay xalay lugtii labaad ee koobka sare ee dalka Spain oo ka dhacay magaalada Madrid ay 2-1 ku suuldaartay kooasoo ka dhigay tirsiga guud ee goolasha 4-4 balse ay sharciga loo yaqaan goolasha dibadda ay kooxda Real ku hanatay koobkan.

TC oo ku guulaysatay koobkii K/cagta Ramadaanka MPLS 2012

TC oo ku guulaysatay koobkii K/cagta Ramadaanka MPLS 2012

Minneapolis:- Waxaa habeen hore lagu soo gabagabeeyay magaalada minneapolis ee gobalkaa Minnesota tartankii loogu magacdaray Koobka Ramadanka 2012 oo isagu si isdabajoog ah uga socday bishii ramadaanka oo dhan garoonka kubbadda cagta ee TC Indoor Sports Center.... Tartankaan isaga ah ayaa waxaa ku looltamayay 12 kooxood oo ka dhisan gobolka Minnesota kuwaasi oo kala ahaa TC Stars, Midnimo, Tigers, Communality, Halgan, Faynuus, Cedar Stars, Elman, Eden Prairie, Old Stars, 50 Stars iyo US Stars.

Koobka General Daa’uud oo furmay

Koobka General Daa’uud oo furmay

Waxaa shalay oo isniin ahayd ka furmay garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho tartanka koobka General Daa’uud oo ah tartan caan ah oo sanadkiiba mar uu qabto xiriirka Soomaaliyeed eekubada cagta.

Madaxda FIBA Africa oo London ku kulmay

Madaxda FIBA Africa oo London ku kulmay

Madaxda Xiriirka Kubada Koleyga Aduunka ee (FIBA World), ayaa kulan balaaran oo ay ku yeesheen Magaalada London ee dalka Britian ku shaaciyay halka sanadka 2014 lagu qaban doono Koobka Kubada Koleyga Aduunka, iyo sidii Qaarada Afrika loogu heli lahaa Ciyaartoy ku wanaagsan Kubada Koleyga oo la dhigma kuwa NBA-da ka ciyaara Yurub iyo Mareykanka.

Asalamu Alaikum Waraxmatullahi Wabarakaatuh- Eid Mubaarak

Asalamu Alaikum Waraxmatullahi Wabarakaatuh

Eid Mubaarak

Munaasabadda farxadda badan ee Ciidulfitriga awgeed, ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM), Maamulka, Macallimiinta , ciyaartooyda iyo waalidiintaba waxaa ay hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul FITRI GA u dirayaan dhammaanba caalamka Islaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Mahadcelin

Mahadcelin

Aniga oo ah tifaftiraha website ka www.somali-youth.org mudane Cabdulqaadir Xaaji Daahir "Shiikha" kuna hadlaya dhammaanba magaca guddiga, maamulka ,waalidiinta, macallimiinta iyo dhallinyarada ku xiran ururkan horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota , Somali Youth Development Organization in Minnesota oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (SYDOM),Waxaa aan mahadcelin aan la soo koobi karin u diraynaa walaalkeen Cadnaan Cabdulqaadir Xaaji oo isagu noogu deeqay maqaalaadkii xiisaha badnaa oo ka hadlayay Ramadaanka iyo arrimaha ku taxaluqa, Salaadaha iyo siiradii Nabigeena suuban (Salawaatullahi Calayhi Wasalim).

Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 17aad Dhimashadii nabiga (CSW)

Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 17aad

Dhimashadii nabiga (CSW)

Haddi lagu waaraayo dunidan lagama qaadeen Khayrul Khalqil Lah"Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Taxanaha taariikhda islaamka Qaybtii18aad