|
Sayec celebration and Recognition |
|
|
Washington DC Tournment 2012 |
|
|
Ohio Soccer Tournment 2012 |
|
|
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012 |
|
|
Dhallinta Cuslaatay ee UK |
|
|
Sweden Basketball Tournment 2010 |
|
|
|
Taxanaha taariikhda Islaamka qaybtii 17aad |
|
|
Taxanaha taariikhda Islaamka-Qaybtii 17aad

HAB CIQAABEEDKA ISLAAMKA.
Ilaahaybaa mahad iyo wanaag oo dhan iska leh, xumaan iyo nusqaana isagaa sareeya oo ka nazahan, naxariis iyo nabadgalyada ilaahay waxay dushiisa ahaatay Nabigeena Muxammad CSW. intaa ka dib:- |
|
|
Shirqoolkii lala damacsanaa Nabi Muxamed (CSW) iyo sida uu uga badbaaday. |
|
|
Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 16aad

Shirqoolkii lala damacsanaa Nabi Muxamed (CSW) iyo sida uu uga badbaaday.
Markii uu jab ku soo dhacay mushrikiintii qureysh Dagaalkii Badar, waxaa Makka buuxiyey colaaddii Rasuulka SCW maxaa yeelay odeyaashoodii ayuu dagaalkaas ku laayey, Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa guri wada fariistay Safwaan binu Umaya, oo aabihiis iyo walaalkiis Badar lagu dilay, iyo Cumayr binu Wahab Al-jumuxi, oo ka mid ahaa dadkii aad u dhibi jirey Rasuulka SCW iyo asxaabta, wiilkiisii Wahab binu Cumayrna lagu qafaashay Badar. |
|
|
DAGAALKII UXUD [Qaybta:2aad] |
|
|
Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 15aad

DAGAALKII UXUD [Qaybta:2aad] Rasuulku SCW, markii uu arkay in asxaabta badankeedu doonayaan in cadowga goobta loogu tago, ayuu ka noqday ra’yigiisii hore wuxuuna qaatay ra’yigan dambe, isaguuna go’aamiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii jimcaha wuuna waaniyey, wuxuuna amray in ad-adkaan iyo dadaal lala yimaado, wuxuuna u sheegey in ay nasri helayaan haddii ay sabraan |
|
|
DAGAALKII UXUD (Qaybtii 1aad) |
|
|
Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 14aad

DAGAALKII UXUD (Qaybtii 1aad) Ka dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe ay u tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada dadkii lagu qafaashay Badar. |
|
|
DAGAALKII BADAR [Qaybtii 2aad] |
|
|
Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 13aad

DAGAALKII BADAR [Qaybtii 2aad]
Intaa ka dib waxaa bilaabmay dagaalkii wuxuuna u bilowday sidan: Nin la oran jirey Aswad binu Cabdil-asad Al-makhsuumi, oo ka mid ahaa ciidanka gaalada, ahaana sidiisaba nin akhlaaq xun, ayaa ka soo dhex baxay ciidankii gaalada isagoo leh "Ilaahay waxaan kula ballamay in aan darkooda ka soo cabbo ama aan soo dumiyo ama ka soke la igu dilo". Markii uu soo baxay ayaa waxaa u soo baxay Xamsa binu Cabdimudhali oo seef ka hor geeyey waxayna seeftii kala goysey dhudhunka, dhabar dhabar ayuuna u soo dhacay markaasuu xammaartay isagoo doonaya inuu dhaartiisii fuliyo oo darka gaaro hase yeeshee Xamsa ayaa ka daba tegay oo seef kale ku dhuftay isagoo darkii ku jira halkaas ayuuna ku naf waayey. Ninkaas ayaan aahaa ninkii ugu horreerey ee goobtaas Badar ku dhinta. |
|
|
Dagaaladii Nabiga(CSW) uu la galay gaalada |
|
|
Siiradii Nabiga (CSW)-Qaybtii 12aad

Dagaaladii Nabiga(CSW) uu la galay gaalada
In kasta oo uu dagaalo badan nabiga (CSW) la galay mushrikiinta, haddana waxaan eegi doonaa kuwii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa dagaalkii Badar iyo kii uxud. |
|
|
Taxanaha taariikhda islaamka qaybtii16aad |
|
Taxanaha taariikhda islaamka
qaybtii16aad

Axdi diineedkii Caqaba ee koowaad(Baycadii Caqabah).
Waxaan soo sheegnay in lix nin oo reer Madiino ahi ay islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada, islamarkaana inay Rasuulka Alle (scw) ugu ballan qaadeen inay diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan. |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qabta 11aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW
Qabta 11aad

DHIBAATADII REER DAA'IF
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay Makka dacwadii ka soo wadeen 10 sano, juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen, shacabkii reer Makkana wax yar maahee ay ka wada hor yimaaddeen islaamkii, Nabiga SCW iyo asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa Rasuulku SCW wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo kale oo ah in uu dacwadii gaarsiiyo magaalooyinka kale ee Makka u dhowaa oo laga yaabi karey iney islaamka qaataan, taasoo ah arrinta had iyo jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah inuusan quusan haddii irrid ka xiranto irrid kale uu garaaco, haddii ay meel dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu aaday Daa'if oo Makka u jirta 60 mayl isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith wuxuuna doonayey inuu dacwada gaarsiiyo shacabka reer Daa'if. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka Qaybtii 15aad |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka
Qaybtii 15aad

Continuation(Dheelmintii Nabiga)
Inkastoo xigmadaha iyo murtiyaha qarsoon ee safarkaan qaybihiisa ku guda jira lagu faahfaahiyey kutubaha xigmahada qarsoon ee shareecada laga dajiyay hadana waxaan halkaan ku muujinaynaa xaqiiqooyin fudud oo iska cad, waxaana ka mid ah.
|
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybta 10aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW
Qaybta 10aad

Geeridii Abii Daalib.
Abii-daalib wuxuu ahaa Nabiga SCW adeerkiisii soo koriyey toban sanana difaacayey oo qureysh uga biqi jirtey, muddo badanna ay odeyaashii qureysheed ku soo noqnoqdeen iyagoo uga dacwoonaya Rasuulka SCW dhibaatooyin badanna ka soo gaadheen difaaciddii Nabiga SCW iyadoo sababta uu u difaacayeyna ahayd ficilo qabiil iyo inaan wiilkuu adeerka u yahay lagu xad gudbin intuu nool yahay. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 14aad. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 14aad.

Mucjisooyin Dhacay Muddadaan Dhexdeeda.
Sida la ogsoon yahay Rasuulka Alle (scw) wuxuu ahaa shakhsi mucjisooyin badan laga arkay, mucjisooyinkaan oo kulligood ka baxsanaa kana sarreeyay heerka awoodda garashada aadanuhu gaarsiisan tahay, mucjisooyinkaan oo noloshiisa dhamaanteed la saaxiibay, waxay isugu jireen dhacdooyin ficilkiisa laga arkay, akhbaaro uu kaga warramay mustaqbalka amase waxyaalaha qarsoon oo sidii uu u sheegay loo arkayay sidoo kale ducadiisa, maryihiisa, taabashadiisa, kabahisiisa iyo dhamaan waxkasta oo isaga ku saabsan oo lagala kulmay mucjisooyin caqliga ka baxsan sida in lagu daaweeyo cudurrada laga caalwaayay amase kuwa aan daawada lahayn iyo dhacdooyinka laga arkay makhluuqaadka Alle oo u hoggaansamaya Nabiga (scw) amarkiisa. |
|
|
Mo Farah oo biladda kale oo dahab ah ka helay Olympic |
|
|
Mo Farah oo biladda kale oo dahab ah ka helay Olympic

Mo Farah ayaa guul kale oo taariikhi ah ka soo hooyay ciyaaraha Olympic adduunka ee London markii uu ku guuleystay horyaalka orodka 5,000m. |
|
|
Macalin Jaamac Karaaciin oo guushii ugu horeysay ka gaaray tartanka Olimbikada adduunka. |
|
|
Macalin Jaamac Karaaciin oo guushii ugu horeysay ka gaaray tartanka Olimbikada adduunka.
Macalinka cayaaraha fudud ee u dhashay dalkeena Soomaaliya Jaamac Aaden oo ay bahda sport gu u yaqaanaan Jaamac Karaaciin ayaa xalay guushii ugu horeysay ka gaaray cayaaraha olimbikada adduunka ka dib markii uu orodyahanka dalka Algeria ee Toufik Makhloufi ku guulaystay biladda dahabka ah ee orodkaasi. |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybta 9aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW
Qaybta 9aad

|
Dhibaatooyinkii Qureesh Ay ku Heysay Rasuulka CSW.
Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah qaadeen, Nabi Maxammed SCW iyo dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari waayeen oo maalinba maalinka ka dambeeya ay sii xoogeysaneyso, Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-dhaalib u weyn yahay, ayey waxay go'aansadeen iney Nabiga SCW ka takhalusaan. Abii-jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la hadlay oo ku yiri: "waad u jeeddaan waxa uu Maxammed samaynayo, wuuna diidey xal kale inuu arrintiisaa ku socdo maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka qabto wuu diiday, haddaba ilaah baan ku dhaartaye haddaan arko Maxammed oo tukanaya intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa bujin oo ka takhalusin, markaa qureyshey ama reer binu Haashim ii dhiiba ama i difaaca", dadkii qureysh waxay dheheen "waa ku difaacaynaa abal-xakam".
|
|
|
|
|
TAXANAHA TAARIIKHDA ISLAAMKA. Qeybta 13aad. |
|
|
TAXANAHA TAARIIKHDA ISLAAMKA. Qeybta 13aad.

Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Makka. Rasuul Alle scw oo Daa'if Jooga.
Kadib markii geeridu ku timid Abutalib, Nabiga (scw) adeerkiis, ahaana ninkii u taagnaa ilaalintiisa,islamarkaana uu ku jiray ammaangalintiisa, cadaadinta iyo gardarrada lala beegsanayo Nabiga (scw) laf ahaantiisa ayaa heerkii ugu xumaa gaartay, waxay mushrikiintu bannaanka soo dhigeen cadaawad iyo colaadin qaawan, sidaa darteed Makko waxay isu rogtay meel aysan suuragal ahayn inuu Nabigu (scw) ku sii noolaado, bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada oo ku beegan dhamaadka May ama bilowga Jun sannadka 619 ciise dabadi ayuu Nabigau (scw) u sadcaalay xagga magaalada Daaif |
|
|
AADAABTA SALAADDA JAMAACADA |
|
|
AADAABTA SALAADDA JAMAACADA

Walaalaheyga muslimka ahoow, Waxa lagama maarmaan ah in aynu ogaano aadaabta ay ina amreyso diinteena ee ka horeysa intaan lasoo aadin salaada. Si aynu ula imaano, maxaa yeelay salaadu waa cibaado qiimo weyn ku leh diinta islaamka. Waa rukniga labaad ee diinteena islaamka, waxey kala saartaa qofka muslimka ah iyo qofka gaalka ah sida uu nebiga CSW, ku cadeeyey axadiistiisa saxiixa ah. Waxaan walaal si kooban ugu soo gudbin doonaa waxyabo ku saabsan adaabta la doonaayo in uu qofku la yimaado ka hor intaanu soo aadin salaada, waana kuwaan qayb ka mid ah oo kooban. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 12aad. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 12aad.

Quwadda Sabarka ee Sugnaanshaha Dhalisey
Marka aad si xeeldheer ugu kuurgasho heerka cadaadinta dadka muslimiinta ah Makko loogu gaystayi gaaray, waxaad islamarkiiba iswaydiinaysaa, maxay tahay quwadda qarsoon ee gaarsiisay inay ilaa xadkaan u dulqaataan silicdilyaynta iyo dhibaatooyinka wadnuhu maqalkooda la gariirayo oogaduna la dubaaxinayso ee iyaga lala beegsanayo, maxayse yihiin ilaha ay uga dab qaadanayaan kartidoodaan xad dhaafka ah. Tani hadaba waa su'aal ay in badan taariikh yahannadu iswaydiiyeen, in badanna indheergaratadu ku wareereen. Si aan taariikhdaan fahan fiican uga qaadano waxaan u baahannahay inaan tafsiir cad ka bixinno quwaddaas qarsoon iyo ilahaas dhaliyay jawaabihii ay culamadu ka bixiyeen, waxaana ugu horreeya. |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybta 8aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW
Qaybta 8aad

Hijradii Labaad ee Dhulka Xabashida.
Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka Qaybta 11aad |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka -Qaybta 11aad

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay: Sayidadda Khadiija Oo Xagga Alle Aadday�Muragadii iyo dhibkii oo cirka isku shareeray�Guurkii Sowda Alle Haka Raalli Noqdee
|
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka Qaybta 10aad |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka -Qaybta 10aad

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay: �Ergay Qureysheed Oo Nabiga (scw) Horfadhiya�Abutalib Oo Shirinaya Bani Haashim iyo Banil Mudalib�Cunaqabayntii Guud �Axdigii Gaboodfalka iyo Cadowtinimada�Saddex Sano Gudaha Goshii Abitalib�Wafdigii Ugu Dambeeyay Ee Qureysheed Ee Abutalib La kulma�Sannadkii Muragada�
|
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 9aad. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka.-Qaybta 9aad.

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay: �Islawaynayaasha Gaalada oo ay ku dhalatay daldalidda Nabiga (scw) �Islaamiddii Xamze Alle Haka Raalli Noqdee �Islaamiddii Cumar Ibn Khataab Alla Haka Raalli Noqdee.
|
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybta 7aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW- Qaybta 7aad

HIJRADII U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAY
Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay. |
|
|
TUKASHADA SALAADDA

Mahad Ilaahay baa iska leh, Ilaaha abuuray samooyinka, dhulalka iyo waxa ku guda jiraba waxa nool iyo waxaan nooleynba, Ilaaha wax kastoo jiraa ay nasahaan habeen iyo maalinba,Ilaaha aan waxba u baahan ee isaga ay wax kastaa u baahan yihiin, Ilaaha weligii jiray, jirina doona marka ay waxkastaa baaba'aan, dhahaayana Maalinta uu keligii yahay "Maanta yaa Mulkiga iska leh? " cid u jawaabta marka uu waayana isagu iskugu jawaabaya |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW-Qaybtii6aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW-Qaybtii6aad

Dhibaatooyinkii Asxaabta Lagu Haayey.
Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 8aad. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka. Qaybta 8aad.

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay: �Hijradii Koowaad Ee Dhulka Xabashida�Hijradii Labaad Ee Dhulka Xabashida �Fiiro Gaar ah Boqorka Najaashi �Qureysh Oo Dhagar U Maleegaysa Muslimiintii Xabashida U Hijrooday �Qureysh Oo Abutalib Haddadaysa�Qureysh Oo Markale Abutalib Hor Taagan.
|
|
|
Usain Bolt oo difaacday darajadiisa 100 m |
|
|
Usain Bolt oo difaacday darajadiisa 100 m

Ciyaaryahanka adduunka ugu orodka dheereeya Usain Bolt oo u dhashay Jamaica ayaa mar kale difaacday darajadiisa horyaalnimada orodka 100 mitir,ka dib markii habeenkii xalayto ahaa uu ka adkaaday ciyaaryahanno aad looga cabsi qabay inay darajadaasi ka xayuubiyaan. |
|
|
Mo Farah oo ku guuleystay bilada dahabka orodka 10,0 |
|
|
Mo Farah oo ku guuleystay bilada dahabka orodka 10,000m

Mo Farah oo ah ciyaaryahan asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya laakiin heysta dhalashada Britain ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee British ah ee ku guuleysta orodka 10,000m ciyaaraha Olympic-da adduunka. |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybta 5aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW-Qaybta 5aad

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW
Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan. |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybta 4aad |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW-Qaybta 4aad

Dhisitaankii Kacbada.
Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii qureysheed, Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin naag saaniyad ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah laga dulmiyey. |
|
|
QIIMAHA SALAADDA

Mahad oo idil Allaah SW, ayey u sugnaatay , naxariis iyo nabad gelyona Nabi Muxammad CSW, intaas ka dib, Allaah CW, isagaa oo kaliya ayaa adduunka abuurey, Cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, geedaha iyo xayawaankuba, waxay ka mid yihiin uunka Alle. Ilaahay SW, si gaar ah ayuu dadka u abuurey oo ka duwan noolaha kale, wuxuuna u yeelay qaab iyo muuqaal wanaagsan, intaa waxaa dheer inuu ka yeelay mid caqli iyo cilmiba leh. Maxaa dadka loo abuuray? Ilaahay wuxuu dadka u uumay inay keligii caabudaan Allaah SW, wuxuu yiri:- "Jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn uma uumin." |
|
|
Taxanaha taariikhda Islaamka qaybtii 7aad |
|
|
Taxanaha taariikhda Islaamka-qaybtii 7aad

Jirdilkii Saxaabada
Xadgudubyadaan oo dhani waa marka la fiiriyo Nabiga (scw) isagoo sida la ogsoon yahay ahaa shakhsiyad aad u xurma wayn oo ay qadariyaan bulshadu caamo iyo waxgaradba, sidoo kale isagoo ku jira ilaalinta adeerkiis Abutalib, nin la ixtiraamo kan ugu wayn Makka dhexdeeda, maxaa hadaba loo malayn karaa muslimiinta kale gaar ahaan kuwooda tabarta daran, run ahaantii ciqaabka dadkaas loo gaystayi aad ayuu uga kululaa ugana shido badnaa kaas Nabiga (scw) loo gaystay, bilowgii hawl galkaanba qabiilo waliba waxay gacan xadiid ah ku qabatay ciddii ayada kasoo jeeda oo islaamka qaadatay, ayagoo aan u aabayeelayn jirdilka iyo noocyada ciqaabka ee ay marsiinayaan, ciddii aan ayadu qabiilo ku lahaynna waxaa si gaara loogu xilsaaray doqomada iyo wax iskuma falayaasha sidoo kale waxaa hawlaha u qaybinaya madaxda iyo mudanayaasha, ayagoo ku jirrabaya waxyaalo uu caqliga fayoobi ka didayo maqalkooda. |
|
|
Taxanaha taariikhda islaamka Qaybtii 6aad |
|
|
Taxanaha taariikhda islaamka-Qaybtii 6aad

QAABAB IYO USLUUBYO CUSUB OO LA ADEEGSADAY LA DAGAALANKA DIINTA
Markii Qureysh aragtay inaan Rasuulka Alle (scw) dacwadiisa ka jeedin karin go�aan la qaato iyo oday loo tago toona, mar kale ayey dib u fakareen ayagoo markaan sare u qaaday heerka dagaalkooda amase dhiiranaantooda, adeegsanayana usluubyo hor leh oo u badan sumcad dil iyo dacaayadda dagaalka xagga nafsiga ah, waxay hadaba doorteen �si loo cadaadiyo dacwadaan- qaabab iyo usluubyo lagu soo koobi karo sida: |
|
|
Siirada Nabiga (CSW) Qaybtii 3aad |
|
|
Siirada Nabiga (CSW)
Qaybtii 3aad

Qisadii Baxiira.
Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil. |
|
|
ASBAABTA KEENTA IN SALAADA LAGA TAGO. |
|
|
ASBAABTA KEENTA IN SALAADA LAGA TAGO.

1- Shaydaan iyo adduun, labadaba waa sababta ugu weyn ee qofka u diida salaadda iyo camalka wanaagsan, Ilaahna waa nooga digay shaydaan iyo adduun Allaah SW, wuxuu yiri:- |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka Qaybta 5aad. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka Qaybta 5aad.

Qureysh oo u fadhida wada tashi ilaa heer gobol ah & Go'aano kulul oo la isla gaaray,
Muddadaan dhexdeeda waxaa Qureysh soo food saartay mushkilo kale oo ay aad ugu wareereen kana walwaleen taasina waxay ahayd, markii Nabigu (scw) dacwadiisa kor u muujiyay bila yar lagama joogin in ay soo hareysay gudashadii wareegtada sannadlaha ah ee Xajjka, waxayna ogaadeen in wufuudda carbeed ee Xajjka gudaynaysa ay dhinac walba kaga imaan doonto, waa lagama maarmaan hadaba in ay jirto oraah ay isku ogyihiin oo ay ugu macneeyaan wafdiyaasha carbeed Muxamed (scw) iyo arrimihiisa si looga hortago wax raad ah oo dacwadiisu ku yeelato dadkaas, markii ay figradahooda isdhaafsadeen waxay isku waafaqeen in hawshaan ka talinteeda lala kaashado dadka indheer garadka ah, waxay marka isugu soo urureen guriga Alwaliid Ibnul Mughiira si oraahdaas la isula meel dhigo. |
|
|
Salaadda Taraawiixda - Fadliga Salaadda Taraawiixda |
|
|
Salaadda Taraawiixda

Fadliga Salaadda Taraawiixda
Sidaan wada ogsoonahay, waxaa bisha ramadaan bisha ramadaan waxaa ka mid ah shicaa'irteeda tukashada salaada taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda cisha gadaasheed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, nabigana CSW, wuxuu xadisi saxiix ah ku sheegay: ”Qofkii tukada ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambi dhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaa'irta waa in la toobadkeenaa).” (Bukhari & Muslim). |
|
|
SIIRADA NABIGA Qaybtii 2aad |
|
|
SIIRADA NABIGA- Qaybtii 2aad

Qodiddii Zamzamka & Nadarkii Cabdul Mudalib.
Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdulmudalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdulmudalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdulmudalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan. |
|
|
Taxanaha taariikhda Islaamka Qaybtii 4aad |
|
|
Taxanaha taariikhda Islaamka- Qaybtii 4aad

Usrada Nabiga scw.
Usrada Nabigu (scw) ka dhashay waxaa loo yaqaan qoyska Banii-Haashim ayadoo loogu magacdarayo Haashim Ibn Cabdimanaaf awowga labaad ee Nabiga (scw), run ahaantii waxay ahaayeen qoys magac sare iyo haybad wayn leh odayaasha iska daba-kacay waxay ahaayeen odayaal Alle u doortay inuu faracooda ka dhaliyo makhluuqa oo dhan kii ugu khayr badnaa Rasuulkii Alle (scw), dhinac walba oo laga fiiriyo caqliga, deekhsinimada, xilkasnimada iyo sumcadda waxay ahaayeen dad tusaale loo soo qaato. Waxaan hadaba u baahanay inaan dulmaro taariikh-da Haashim iyo odayaasha ka dambeeya intaynaan gaarin dhalashada Nabiga (scw). |
|
|
Ciyaaraha Olympikada oo si qurux badan loo furay |
|
|
Ciyaaraha Olympikada oo si qurux badan loo furay

Tartankii ciyaaraha Olympikada adduunka ayaa si aad u heer sarreysa looga furay caasimadda ingiriiska ee London, iyada oo ay ka qaybqaadanayaan ilaa 204 dawladood oo caalamka ka socda iyo tiro cayaartooy oo aad u faro badan, kuwaasi oo ku kala tartami doona noocyada cayaareed ee kala duwan. Waxaana habeenkii xalayto ahaa London ka dhacay fantasiyo aad u waaweyn oo loogu dabaaldagayay furitaanka cayaarahaasi. |
|
|
Tababare Jama Aden (Karaiin) oo Daraasad ka Bixiyey Soo Saaridda Orodyahannada Olympics. |
|
|
Tababare Jama Aden (Karaiin) oo Daraasad ka Bixiyey Soo Saaridda Orodyahannada Olympics.
Waxaa beryahan ku sugnaa Magaalada Antrim, North Ireland Kooxo kala duwan oo ka kala socda waddama fara badan, kuwaas oo isu diyaarinaya ciyaaraha London Olympics ee maanta bilaabmay. |
|
|
Maxaa u qarsoon mucjisada adduunka ugu dheereeya ee Usain Bolt? |
|
|
Maxaa u qarsoon mucjisada adduunka ugu dheereeya ee Usain Bolt?
Ottawa-July-28-2012-cayaaraha.com: Asxaabtaay todobaadkan iyo ciyaaraha waxaynu ku miliqsaneynaa mucjisada aduunka ugu dheereeya 100 iyo 200 ee meter Usain Bolt oo bilihii aynu soo dhaafney la daalaa dhacayey xanuun ka hayey dhabarka iyo lugta oo yidhi diyaar baan ahay. |
|
|
SIIRADA NABIGA CSW Qaybtii1aad |
|
|
SIIRADA NABIGA( CSW-Calayhi salaatu wa salaam)
Qaybtii1aad

Nasabkii Rasuulka CSW.
Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiimadiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda, Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan, Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan. |
|
|
BARASHADA SALAADDA. Qeybta 5aad. |
|
|
BARASHADA SALAADDA. Qeybta 5aad.

WAAJIBAADKA SALAADDA.
Waajibaadka Salaaddu waxay isugu jiraan waxyaabo afka laga akhrinayo iyo ficillo xubnaha laga qabanayo salaadda dhexdeeda, kuwaasoo haddii ruuxa tukanayaa uu ulakac uga tago ay salaaddiisu burayso; haddiise uu ka tago isaga oo hilmaansan wuxuu ku kabayaa sujuudda loo yaqaanno sujuuddu sahwi (sujuudda hilmaanka), salaaddiisiina waa ansax insha Allah. |
|
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka -Qaybta 3aad |
|
Taxanaha Taariikhda Islaamka
Qaybta 3aad

Arrimaha Bulshada Ee Carabta Nabiga scw Ka hor.
Waxaan kasoo hadallay muuqaallo ku saabsan siyaasadda iyo xukunka jaziiradda carbeed ka jiray Nabiga (scw) kahor iyo diimaheeda, waxaa hadana inoo haray inaan isha marino si kooban arrimaha bulshada, dhaqaalaha, iyo akhlaaqdu sida ay ahayd,. Hadaba waraaqaha soo socda waxaan dulmaraynaa arrimaahaan. |
|
|
BARASHADA SALAADDA. Qeybta 4aad. |
|
|
BARASHADA SALAADDA. Qeybta 4aad.

TIIRARKA SALAADDA. Salaaddu waxay leedahay tiirar ay ku taagan tahay oo haddii mid ka mid ah la waayo ay salaaddii dumayso ama burayso, taas oo macnaheedu yahay qofka tukanayaa haddii uu ka tago mid ka mid ah tiirarkaas si ula kac ah amaba uu hilmaamo salaaddiisu way buraysaa; tiirarkaas oo tiradoodu tahay 14 tiir, waxay kala yihiin:- |
|
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
Run To Unite(Minnesota 2012 |
|
|
Seuki Soccer Tournment 2012 |
|
|
Sydom Basketball Tournment 2012 |
|
|
London Futsal Tournment U16 |
|
|
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden- |
|
|