|
Bahda Isboortiga ee gobolka Minnesota iyo jaaliyadda reer Kaambo ee ku kala nool daafaha dunida waxaa ay si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan ciyaaryahankii kubadda koleyga ee naadigii Waxool Axmed Xaashi Faarax oo ku magac dheeraa "Asad" oo walaalkiisa Marxuum Tanade Xaashi Faarax uu Dhawaantan ku geeriyooday dalkaasi India.. Sidoo kale waxaa tacsidaasi loo dirayaa dhammanba eheladii Marxuumka, si gaar ah Hooyo Xaawo, walaalihiisa Cabdiwahaab Xaashi, Maxamuud Xaashi, Muxibo Xaashi.
Waxaan aan Eebe uga baryeynaa in uu Marxuumkaas janadiisii fardawsa aheyd ka waraabiyo, Xaaskiisa,eheladii,qaraabadii,iyo saaxiibadiisa uu ka baxayna samir iyo iimaan naga wada siiyo dhammaanteenaba.
(Aamiin- Aamiin - Aamiin).
|