September 16 2014 14:28:40
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Ciyaaraha Soomaalida ee AFT oo si rasmi ah ugu furmay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland (Sawirro).
Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Holland si toos ah ugu Furmay Ciyaaraha HIRDA Amsterdam Fustel Tournament 2012, kaa oo ay sanadkaan ka qeyb galayaan 36-kooxood oo wiilal ah iyo 2-kooxood oo Gabdho Kubada Koleyga ah iyadoona hal ku dhiga sanadkaan ee Ciyaaraha AFT loogu Magacdaray (All we need is peace) dhamaanteen waxa aynu dooneynaa Nabad.




Habeen-nimada Jimcaha 20-december 20120 ayaa Hoolka Xafladaha ee Garoonka Ciyaaraha (Spotrhallen Zuid Amsterdam) lagu qabtay Munaasabad balaaran oo daah fur u aheyd furitaanka Ciyaaraha AFT-2012, iyadoona xafladaasi ay goob joog ka ahaayeen Marti sharaf kala gedisan kuwaa oo ka kala yimid dalalka dariska la ah dalka Holland sida UK, Germany, Sweden, Norwey, iyo Denmark.



Xaflada Furitaanka Ciyaaraha AFT, ayaa intii ay socotay waxaa Khudbado ka kala jeediyay Madaxda Hey'adda HIRDA iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Horu-marinta Arrimaha Bulshada ee Dowlada Soomaaliya Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo khadka Isgaarsiinta ugu qeyb galay Xafladaasi, iyadoona dhinaca kale ay daba socotay dood isboorti iyo Madadaalo Heeso.


Agaasimaha guud ee Hey'adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax oo dareenkeeda Sanadkii 8-aad ee Tartanka AFT la qeybsatay Marti sharaftii Xaflada ku sugneed ayaa tiri "Waa sanadkii 8-aad ee aan qabaneyno Ciyaarahaan Fustelka, runtii qofkii kasoo qeyb gala Ciyaaraha ayaa dareemi kara waxa laga dhaxlo ciyaarahaan iyo muhiimada ay leedahay, 30-meeyada Koox ee ka kala yimaada wamada kala gedisan ee Yurub shaqsigiiba waxa uu ku hadlaa luuqad gooni u ah, balse marka ay isugu yimaadaan Ciyaaraha HIRDA waxa ay ku wada hadlaan 1-luuqad oo ah toodi hooyo ee Soomaaliya, taa oo aad dareemi karto faa'idada ay leedahay".

Faadumo Faarax oo Khudbadeeda sii wada ayaa intaa raacisay in Ujeedada Hey'adda HIRDA ay u qabato Ciyaarahaan ay tahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qaarada Yurub loogu shaqeyn lahaa in ay sameeyaan is-dhax-gal iyadoona Tartamada Ciyaaraha Nuucaan oo kale ah dhalinyarada lagaga bad-baadiyo wax-yaabaha xun xun.


Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa khudbadiisa kaga dhawaajiyay in qurba joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dadaalaan sidii dhalinyaradooda ay wax ugu qaban lahaayeen, taa oo faa'ido weyn u ah buu yiri in dhalinta ay dareemaan Soomaali-nimadooda, noqdaan kuwo dareenkooda usoo jeesta dalkooda, kuna beerta Wadani-nimo, isagoona sidoo kale Mahad celin balaaran u jeediyay Dhamaan Bahda isboortiga ee Xaflada ku sugneed iyo Hey'adda HIRDA.


Xaflada Furitaanka Ciyaaraha AFT-2012 ee habeenka Jimcaha lagu qabtay hoolka Xafladaha ee Garoonka Sporthallen ayaa waxaa lagu soo bandhigay dood aad uxiiso badan oo loogu hadlaayay Horu-marinta Isboortiga iyo sida uu Isboortiga ugu qeyb qaadan karo Nabadeenta, iyadoona doodaasi ay si wada jir ah ugu qeyb qaadanayeen dhalinta isboortiga ee hada soo koraya iyo bahdii hore ee Isboortiga.

Isboortiga ayaa lagu micneeyay in uu yahay mid si weyn ugu qeyb qaadan kara Nabada, iyadoona dhinaca kale Horu-marinta isboortiga la sheegay in ay ugu horeyn Muhiimad weyn tahay in Isboortiga loo shaqeeyo, lagu dadaalo horu-marinta, dhiiri gelinta Dhalinyarada, wada shaqeyn dhex-marta Bahda isboortiga, iyo Wasaarada Isboortiga oo ka shaqeysa horu-marinta Isboortiga.


Martida isaga kala timid qaarada Yurub iyo kuwa ku sugan gudaha dalka Holland ee ka qeyb galay Munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa, Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Kubada CAgta dalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil, Macalinkii Xulka Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga C/raxmaan Shiine Guhaad, Macalin John, Eng. Baana Abdalla Ali, Baarliin Cadaawe, Magan Tahir, Shukri Dalbaas, Cabdulqaadir Camuudi, Batuulo Xaaji Nuur, Abanuur, Cabdi Axmed, Gudoomiye Daahir Cali, Cabdisalaam Muumin, Awees Eider, Axmed Muuse Garsoore Axmed Diinaash Xaawo Kiinn iyo Yusuf Yusuf.

Sabti 21-December-2012, ayaa waxaa Garoonka Ciyaaraha (Sporthallen Zuid) iyana si toos ah ugu furmay Ciyaaraha AFT oo ay ka qeyb galayaan 36-Koox oo wiilal Fustel ah iyo 2-Koox oo gabdho Basketball ah, waxaana Sanadkaan Ciyaaraha furay Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil iyo Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir.

Ciyaaraha oo lagu Ciyaarayay 4-Garoon oo ku dhex yaala Sporthallen ayaa 36-Kooxood oo ku wada kulansanaa Group A, B, C, D, E, F. ugu danbeyn Habeen-nimadii xalay kasoo gudbay 12-kooxood, oo kala ahaa

A A1 Leusden A2 Sliedrecht

B B1 Hilvesum B2 Tilburg

C C1 Rotterdam C2 Heemskerk

D D1 Olympic Denmark D2 Manchester UK

E E1 Den Haag E2 Utrecht

F F1 Nabbadda FC F2 Capelle A/D Ijssel

Kooxahaan soo gudbay ayaa Maalinta Isniinta ku wada kulmi doona (Group A) iyo (Group B) oo halkii group oo ay ku wada kulmi doonaan 6-kooxood.

Sidoo kale Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed oo (Sabti 21-December-2012) Ciyaar Saaxibtinimo ku wada kulmay Ayaa Maalintii Isniinta Ciyaartooda caadiga ah dheeli doona ka hor Ciyaarta Finalka Wiilasha Futsalka, iyadoona Ciyaaraha dhici doona Maalinta Isniinta ay dhamaantood noqon doonaan mid si toos ah loogu daawado Caalamka iyadoona Shacabka meel kasta oo ay joogaan ka daawan karaan Bogga Wehelmedia.com ama qeybta Bogga bulshada ee HIRDA oo ah Facebook.com/hirda.nederlands.

Fiiro gaar ah: sawiro intan ka badan goor dhaw kala soco halkan.


W/D. Salah Hassan Omer (Salah Dheere)

Email: s.dheere@hotmail.com
USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke Muuse
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.06 seconds 1,416,858 unique visits