October 24 2014 00:27:07
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Tartamadii Isboortiga ee Atlanta oo si qurux badan ku dhammaaday

Atlanta: Waxaa sanad walba bisha November dhammaadkeeda lagu qabtaa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka Tartamo ciyaareed oo isugu jira Kubadda Koleyga iyo Kubadda Cagta oo ay soo abaabulaan Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Atlanta ,waxaana Tartamada sannadkan 2012ka ku baratamaayey  Dhalinyaro Isboortiga noocyadiisa kala duwan mustaqbal wanagsan ku leh,sidoo kale waxa iyana tartamo loo qabtay Odayaashii hore u soo Ciyaari jiray oo halkaa wacdaro ka dhigay kuna soo jiitay Taageerayaal badan oo Reer Atlanta ah.

Tartamadda la qabtay Sanadkaan waxaad mooda in uu ka duwan yahay kuwii hore loo qaban jiray, madaama ay ka soo qeyb galeen marti sharaf xurmad ku leh shacabka Soomaaliyeed,madaama ay jagooyin kala duwan ka soo qabteen Isboortiga soona daafaceen Calanka Soomaaliyeed 50kii sano ee ugu dambeeyey,iyagoo aan waligood ka go'i doonin xusuusta Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Isboortiga,waxayna kala ahaayeen:


Ibraahim Suudaani,Cabdulqaadir Cali Qariidi, Maxamed Xasan Qolof,Maxamed Xaaji Giftin,Cabdi Yuusuf,Cabdicasiis Giftin,Idiris  Suleymaan, Khaliif Riiko,Mucjisadii Kubadda Koleyga Soomaaliyeed Mr. Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Shiikha), Cabdulqaadir Madaxey,Fartuun Cali Dheere, Nimco Kenyati,Marwo Geni, Marwo Xaawo Hiiraan,Cabdi Kaafi,Cabdulqaadir Daahir, Cabdulqaadir  Caraale ,Cabdiraxmaan Aamaan, Cabdulqaadir Nuune iyo Jaamac J,Blue, Saadiq Xaaji iyo Kuwa kale oo faro badan oo sanadkaan Sumcadda Isboortiga Atlanta kor u qaaday.


 

waxa kaloo in la xuso u baahan in Tartamadaasi ay ka soo qeyb galeen Wafuud iyo Ciyaartoy ka kala socoto Goboladda kala ah:ATLANTA oo ay ka yimideen Ciyaartoy iyo Guddi, MINNESOTA oo ay ka yimideen Guddi iyo Ciyaartoy,VIRGINIA oo ay ka yimideen guddi oo waliba ka qeyb galay Tartankii Kubadda Cagta ahaa,OHIO oo ay ka yimideen Guddi iyo Ciyaartoy,NORTH CAROLINA oo ay ka yimideen Guddi iyo Ciyaartoy iyo TENNESSEE  oo ay ka yimideen Guddi oo keli ah.


waxaana Sanadkaan loo kala guuleystay sida hoos ku qoran:

A)KUBADDA KOLEYGA DHALINYARADDA.

-Kaalinta Kowaad waxa galay dhallinyaradii ku cayaaraysay magaca SYDOM oo ka socday Gobolka Minnesota.

-Kaalinta Labaad  waxa galay  Gobolka Atlanta.

B)KUBADDA KOLEYGA ODAYAASHA.

-Kaalinta Koowaad waxa galay Odoyaashii ka socday Minnesota.

-Kaalinta Labaad waxa galay Odayaasha Atlanta.

C)KUBADDA CAGTA

-Kaalinta Koowaad waxa galay Gobolka Ohio



 

-Kaalinta Labaad    waxa galay Gobolka Virginia

-Kaalinta Sedexaad waxa galay Gobolka Georgia(Atlanta)

Gabgabadii tartanka,waxaa halkaa ka hadlay qaar ka tirsanaa Xubnaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka, waxaana ugu horeeyey Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde "Caydiid Jeenyo" oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qabanqaabadda tartankaani, isagoo carabka ku dhuftay in qabashadda Ciyaarahaan ay muhim u tahay dhalaanka soo koraayo oo aanu kala dagaalameyno in ay raacaan wadiiqooyin wax yeeli kara mustaqbalkooda,waxaana uu u mahad celiyey Dadweynaha ku Nool Magaaladda Atlanta oo aan u kala harin qabashada tartankani inta awoodoodu tahay.

Waxaa kaloo halka ka hadlay Mr. Jaamac Cali(Jaamacey) oo ka sheekeeyey qaabkii dhanka Farsamadda loo soo habeeyey,isagoo sheegay in lagu dhaqay Tartankaani shuruucda u dagsan cayaaraha caalamiga si dhalinyaradda ay u noqdaan kuwa la saanqaada shuurucda guud ee addunka.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Mudane Aweys Muuse Arboow " Aweys Fuundi" iyo Cali Mataan oo si qoto dheer uga sheekeeyey Taarikhda Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Atlanta,waxayna labadooduba ay ammaan u soo jeediyeen Goboladii tartanka ka soo qeyb galay iyo Dadweynaha reer Atlanta oo uusan Tartankaani hirgeleen hadeysan garab istaagin,waxaana halkaa loogu tumay sacab aad u badan.

Cali Maxamed oo ku magac dheer (Cali Bay) oo isaguna ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha tartanka,kana mid ahaa dadkii juhdiga faraha badan ku bixiyay qabashada tartanka K/koleyga oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay kooxda k/koleyga Minnesota iyo cayaarwanaaggii ay muujiyeen. waxaana ay gabi ahaanba ahaayeen kulamadii ay la yeesheen kooxaha Atlanta kuwo aad u soo jiitay aadna ay uga maqsuudeen jaaliyadda Atlanta.

Tababare shiikha oo isaguna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa jaaliyadda isboortiga ee Atlanta uga mahadceliyay soo dhaweyntii ay u fidiyeen,waxaana uu si gaar ah ammaan ugu soo jeediyay mudane Cali Bay oo isagu uu ku tilmaamay shakhsi aysan marnaba illoobi doonin dadaalkiisa, isaga oo xil weyn iska saaray ka warqabka iyo xaaladda dhallinyarada martida.

Sidoo kale Shiikha waxaa uu u mahadceliyay  Cabdirashiid Balaastiko oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii xulka qaranka soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo naadigii Badda oo isaguna dadaal badan inoo muujiyay muddadii aan ku sugnayn halkaasi.


Ugu dambeyntii waxaa munaasabaddii xiritaanka khudbad aad u dheer oo taabeyneysay meelo kala duwan ka soo jeediyey Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali oo marka hore hal hal uga sheekeeyey taarikhda ay Isboortiga Soomaaliyeed ku leeyihiin Halyeeyadda sanadkaan ka soo qeyb galay,waxa kaloo uu amaan u jeediyey Xawaaladaha kala ah AMAL EXPRESS iyo KAAH oo gacan weyn ka geystay hirgelinta barnaamijkaan, iyo Mudane Cali Bay oo isaguna lahaa martigalinta kooxda K/Koleyga  Minnesota ,kuwaa oo halkaa loogu tumay sacab qiimo leh,waxa kaloo uu gudoomiyaha ka hadlay hadafyada uu gudigaani tiigsanaayo oo ah in intaan Ciyaaraha laga balaariyo Mustaqbalka soo socda,isaga oo carrabka ku dhuftay in Isboortiga uu yahay isha keliya oo la iskugu keeni karo Bulshadda loogana gudbi karo caqabad kasta oo nolosha ay la timaado,waxaana Tartamadii halkaasi ka socday ay ku soo gabagaboobeen si heer sare ah.



 

N.B: Sawiradii tartanka ka daawo webka www.somali-youth.org,Click ku samee sawirka sare ee bidixda atlanta tournment 2012.


Ali Osman Ali

Guddoomiyaha Isboortiga & dhaqanka Atlanta

 


USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke Muuse
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.22 seconds 1,451,445 unique visits