October 31 2014 05:27:01
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Xiriirka K/Cagta oo qalab iyo lacago siiyay kooxihiisa Heerarka B & C

Talaabo qeyb ka ahayd kobcinta dhaqanka kubada cagta ee dalka Soomaaliya ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu deeq ka kooban qalab iyo teegeero maaliyadeed gudoonsiiyay kooxihiisa heerarka 2-aad iyo 3-aad, kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta iyo bad-baadinta kubada cagta dalka Soomaaliya ee dagaaladu la dageen muddo ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay oo dalku uunsan lahay dowlad dhexe.


Qalabkaas ayaa waxaa loo qeybiyay 17 naadi oo isugu jira heerarka B iyo C. “Anagu mar kastaba waan caawin jirnay naadiyadeena, laakin tani waa markii ugu horeysay ee aanu siino qalab si gaar ah iyaga loogusoo sameeyay oo ay astaanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu ku daabacan tahay”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble.


“Waxaan aad ugu  mahad celineynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta talaabada dhiiri gelinta leh ee uu qalabka iyo deeqda lacageed nagu guddoonsiiyay”sidaasi waxaa munaasabada guddoonsiinta qalabka ka sheegay Xaaji Xuseen Geedi oo ah guddoomiyaha naadiga Gasco oo ku hadlayay afka guddoomiyeyaasha naadiyada qalabka la siiyay.


Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in naadiyadani ay dhaqaale ahaan liitaan, laakin ay gacan weyn ka geysteen dib usoo nooleynta kubada cagta dalka Soomaaliya horaantii 90—meeyadii sidaa darteedna ay mudan yihiin in la dhiiri geliyo oo la caawiyo, inkastoo sharciga FIFA uusan qabin in xiriiradu naadiyada wax siiyaan oo taa badalkeeda Naadiyada xaq loogu leeyahay in ay bixiyaan lacago ay ka mid tahay Membership Fee hase ahaatee kuwa Soomaaliya oo aan awood dhaqaale lahayn awgeed ay noqotay in la caawiyo.

“Kooxeheenu muddo dheer ayay shaqeynayeen kaalin ayayna ku lahaayeen dib usoo nooleynta kubada cagta dalka xili ayan heysan wax maal gelin ah oo aan ognahay in biilka reerohooda lacago ay ka jareen ay ku wadeen kubada cagta guddoomiyeyaasha halkan fadhiya”ayuu yiri xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.


Waxaa uu xoghayuhu sheegay in naadiyadu ay kaalmyestaan dhaqaaale ay iska ururiyeen bulshada deegaanada ay ka dhisan yihiin oo qaarkood ka baxsan yihiin magaalada Muqdisho iyo waliba taageero ay mararka qaar ka helaan dad kubada cagta jecel sidaa daraadeena xiriirka Soomaaliyeed uu ku qasbanyahay in uu kaalmooyin siiyo kooxaha iyadoo uu xiriirku ka dhaadhiciyay FIFA in loo ogolaado in uu kooxaha dhaqaale siiyo si ay ugu wadaan kubada cagta maadaama sharciga FIFA uusan qabin in xiriiradu ay naadiyada dhaqaale ku bixiyaan.


“Ka sokow qalabka  waxaa kooxaha aanu siinay kaalmo dhanka dhaqaalaha ah taasoo qeybka ah barnaamij gaar ah oo aan ugu talagalnay in aanu kooxaha ku maalgelino—Kubad ca g oo dhab ah ayaa ka jirta dalkan laakin kooxuhu ma heystaan wax sponsor ah ama maalgelin sidaa darteed ayaanu caawineynaa, maadaama ay kaalin weyn ku leeyihiin dhaqaajinta kubada cagta dalka”ayuu yiri xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray.

“Xiriirka kubada cagta waxaa k ago’an in uu dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba caawiyo kooxihiisa ilaa iyo inta ay ka helayaan cid sponsor gareysa in sponsor la helana waxaa y ku xiran tahay dalka oo amaan buuxa hela”ayuu mar kale war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii xiririku uu dhaqale guddonsiiyay kooxaha heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya oo xiligaas uu u socday horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo kala horeyntiisa lagusoo daabacay sanadkii labaad shabakada wararka kubada cagta aduunka ee FIFA.com taariikhda inta la ogyahay.


“Juhdi fara badan ayaan gelinay kooxaha 25-ka ah ee xiriirka u diiwaan gashan kana kooban heerarka kala duwan kuwaas oo sanadkiiba aanu siino kaalmo dhaqaale laakin sanadkan ay tahay markii ugu horeysay ee dhaqaale iyo qalab aanu mar qura guddoonsiino—qalabkaasi waa mid si gaar ah loosoo daabacay oo astaanta xiriirka kubada cagta Soomaaliya ay ka muuqaneyso”ayuu hadalkiisa sii  daba dhigay xighayaha guud.

Xoghayugu waxaa uu ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed in ay maalgeliyaan kubada cagta dalkooda oo la tartamaya dalal kale oo kubadooda cagtu ay heysato maalgelin dowladeed iyo shirkadaha gudaha. Waxaa uu sheegay in kubada cagtu ay kaalin weyn ka cayaartay nabadeynta dalka iyo dhaqan celinta dhalinyaro badan oo horay qoryo u heystay kana qeyb qaatay dagaalada dalka kuwaas oo haatan u cayaara kooxo kala duwan halka qaarkood ay ku jiraan kooxda qaranka ee Ocean Stars .

“Waanu soo dhaweyneynaa ganacsatada gudaha hadii ay daneynayaan in ay xayeysiis ku sameystaan naadiyada isla markaana maalgelin ku sameynayaan kubada cagta”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayahay guud oo sheegay wixii faafaahin ah cidii dooneysa in ay kala soo xiriiri karto waaxda suuq geysta ee xiriirka oo wixii macluumaad ahna laga heli karo shabakada xiriirka kubada cagta www.somsoccer.com/english ama www.somsoccer.com/somali.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in dhawaan uu soo dhamaan doono dhismaha ku socda garoonka kubada cagta Stadium Banaadir ganacsato badana ay u baahan doonaan in ay garoonkaas xayeysiino kusoo bandhigtaan laakin mudnaanta ugu horeysa ay lahaan doonaan shirkadaha hada u dhuundaoola maalgelinta cayaaraha ama xiriirka dhow ee xaga wada shaqeynta ah la leh xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.


Somali FA equips its Clubs, gives financial support

As kind of its efforts of boosting up football culture in Somalia, the Somali Football Federation (SFF) has given generous donations of financial assistance and complete football equipment to its 2nd and 3rd division clubs who had forceful commitment to the promotion of football in the war-weary country for the past two decades of lack of a functioning central government in Somalia.

The football equipment was distributed to a total of 17 football clubs including division B and C clubs. “We had always assisted our clubs, but this is the first time that we are giving them specially-made equipment on which the SFF logo is printed” The Somali Football Federation president Ali Said Guled Rooble told the equipment distribution ceremony.

“We are very grateful to the Somali football federation for the equipment and financial support which are a very huge encouragement for our clubs who have no financial capability, but are committed to football” Gasco FC chairman Hajji Hussein Geddi told the ceremony.

Somali Football Federation Secretary General Abdi Qani Said Arab noted that the clubs are financially poor, but have helped in the revival of Somali Football Federation in early 1990s and by virtue of that they were deserved to be assisted with respect to their forceful commitment to football now and before.

“Our clubs have been serving for a long time and had helped in the revival of Somali Football whilst they had no sponsors; they only depend on contributions from local community and football-loving individuals in the country—some of the clubs are based in districts located in regions outside Somali capital where local community is also financially poor so the SFF was obliged to help them in a bid to encourage the continuation of football” Somali Football Federation secretary General Abdi Qani Said Arab said in a press statement on Thursday.

He added that after the Somali Football Federation had learned that the low-class clubs who are where the SFF hunts its U-17 players were very much busy in the progress of football in their areas, the SFF had taken the decision to assist them in both financially and technically through its technical development department.

“Rather than the football equipment we have also given our clubs large sums of cash as kind of our financial assistance program---there is a real football here in Somalia, but there is no sponsorship and that is why we are obliged to help them, because they are playing a key role in terms of the promotion of football in the country” Secretary General Abdi Qani Said Arab emphasized in his press statement Thursday.

“The SFF is committed to assisting its clubs until they will have sponsors and we know that getting a sponsorship depends on a stabled security on the ground, but we hope that to come sometime in the future” the SFF secretary General added in his press statement.

It was a month ago when the Somali Football Federation had given huge financial support to its division A clubs whose standings are printed on the FIFA website for the second year in history.

“We are spending more efforts in the 25 clubs of different categories in Somalia—we always financially helped them annually, but this year they are receiving both football equipment and financial assistance—the football equipment is specially-made for them and we will continue until they will have sponsors” the secretary General added.

The secretary General called on local business companies to help the country’s football which rather than playing a ball is a key element in the sectors of peace building and the rehabilitation of child soldiers in the country through the SFF’s “PUT DOWN THE GUN AND TAKE UP THE BALL” project that has so far disarmed hundreds of former child soldiers with only the financial support from FIFA.

“We are welcoming the local business companies if they are interested in sponsoring our football and they can contact with the SFF marketing department for details” the Secretary General Abdi Qani noted in his statement Thursday.


By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Email:shaficiislow@yahoo.com

 

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke Muuse
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.12 seconds 1,459,824 unique visits