November 23 2014 10:43:24
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Fannaanad ku caan ahayd Ciyaaraha Raabka oo Muslimtay!!

Waxaa Caalmka oo dhan wada qirsan yahay Diinka Islaamku inuu yahay Diinka ugu faaitaanka badan gaarayna heer aad u baaxad weyn inuu ugu faafo daafaha Caalamka, waxaana Dadka soo Islaama ugu badan Dadka heesta Diinta Kirishtaanka ama ku Caan baxay Fanka iyo Aqoonta Maadiga ah ee aan wax Diinaba heysan, arimahaas oo sababay in Warbaahinta qaar caro ay ka qabaan arintaas Islaamka ku sameeyaan Dacaayado ayagoo ku sheegaya Dacaayada inay tahay qeyb ka mid ah Xoriyada Saxaafada.

Waxaana ugu dambeeyay Fanaanada loo yaqaan Diams ee u dhalatay Wadanka Faransiiska oo ka mid aheyd Fanaaniinta ku caanka ahaa Heesaha iyo Ciyaaraha Rabka loo yaqaan, waxaana dad badan aad ula yaabeen markii Diams ay ka soo muuqatay TV-ga loo yaqaan T-F-1 ayadoo xijaaban xeran ka dib markii ay Fanka ka dhex maqneyd ilaa sadaxdii sano ee la soo dhaafay.

Waxa ay Diams TV-ga ka sheegtay duruufaha nolol xumo ee ay soo maray intii ay Fanka ku dhex jirtay, ayadoo sheegtay inay ku nooleyd ciriiri iyo kaniiniyaal darooga ah, ayadoo tilmaantay in ay Islaamka markii ay qaadatay nolosheeda soo hagaagtay islamarkaana ay hada ku nooshahay Daganaan iyo Raaxo.

waxa ayna waraysigada ku tiri: ‘’ Noloshaydii Fanka ma aheyn mid hagaagsan, hada qalbigayga wuu fiyoobaaday, hada waan aqaan waxa aan ku samaynayo dhulka dushiisa iyo sababta aan u joogo halkaan’’

Diams waxa ay tiri mar ay ka sheekaynaysay sababaha ay Islaamtay tiri: ‘’ waxaan ahaa mid si aad iyo aad caan u ah, wax walba oo uu qof can ah raadin lahaan waan heestay, hase yeeshee waxaan ku ooyi jiray gurigayga kaligay marka aan hurdo taasoo aysan ogeyn kuwa aniga iga daba dhacsanaa, waxaan wax badan isticmaalayay Kaniiyada daroogada ah’’.

Waxayna intaas raacisay: ‘’ markii aan islaamay waa markii iigu horaysay ee aan dhicayga dhulka dhigo anigoo dareemaya dareen xoogan oo aanan weligay dareemin, hada waxaan aaminsanahay in loo sujuudo ama wejiga dhulka loo dhigo inaysan habooneyn cidaan Allaah aheyn’’.

Diams mar wax laga weydiiyay arimaha iyo dhacdooyinka Caalamka had aka socda waxa ay ku jawaabtay: ‘'..Ruuxii aan Islaamka wax ka qoon waxaa u haboon inuusan dhex galin waxuusan aqoon u laheyn, Islaamku waa Diin aan ogaleyn Dilka Dadka aan wax galabsan sidaan ognahay’’.

Mar wax laga weydiiyay Saaxibadeedii Fanka sida ay u arkeen markii ay Islaamka qaadatay waxa ay ku jawaabtay: ‘’waan u sheegay inaan Muslimay kuwii aan Saaxiibada ahaan jirnay, aad ayayna ula cuslaatay arintaas, hase yeeshee ugu dambeyn noloshayda waa sidaan, anigaana sidaan raaxo u dareemay’’.

Mar ay ka hadlaysay Xijaabka ay xeratayna waxa ay tiri:’’markii aan Islaamay intii aanan xeran Xijaabka waxaan naftayda ku lahaa sida ay suuragal ku tahay anoo Madaxyga daboolan yahay inaan banaanka bixi karo.. .. hase yeeshee maadama Rabiga abuuray Koonku yahay kan i amray Jalbaabka sideen ugu caasiyaa ayaan naftayda ku iri maalin anigoo Xeebta kaligay socda, waxanaan go’aansaday inaan xero Jalbabka’’.

Marka waxaan qoramadaan kusoo koobayaa arimahaan waagii baryaaba cusub iyo Muslimiinta Tiradooda sii kordhaya ayaa sababay in Kuwa Xagjirka Kirishtaanka iyo Cunsuriyiinta ah inay caro ka qaadaan Islamarkaana Dacaayado ka faafiyaan Diinta Islaamka iyo Muqadasaadka Muslimiinta.

W/Q: SH Calinuur Xoogsade.

asadxg@hotmail.com

facebook.com/ali.noor

 

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke Muuse
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.04 seconds 1,485,216 unique visits