September 29 2014 16:54:26
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Z A K A D A (qaybtii 3aad)

Noocyada laga qaadi jirey zakada waqtigii rasuulka

Waqtigii rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee waxa zako laga qaadi jirey "Sareenka Galeyda Timirta Sabiibta Xadiis abiiburdata uu kawerinayo abii muusaa iyo mucaad Allaha karaali noqdee wuxu yiri wuxuu udiary rasuulku labadaasnin nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yaman, ayagoo baraya dadka amarka diintooda.

wuxuu amray inaanay kaqaadin zako waxaan afartaan ahayn waana Xindo, Shaciir, Timir, Sabiib, waana afartaan kor kusoo sheegnay , waxa weriyey daaruqudni, xaakim,dabaraani, iyo beyhaqi, Ibnu mundiri iyo ibnu Cabdulbarri waxay dheheen culumadu waxay isku raaceen inay zakadu waajib kutahay afartaas nooc ee aynu soo xusnay,

Noocyada aan laga qaadi jirin zako

Zako lagama qaadi jirin waqtigaas khudaarta iyo wixii qayrkeed ah oo fawaakihaad ah canabka iyo timirta maahee, laakiin in loo eego hadii waxani yihiin ganacsi waxaa laga rabaa zako hadii kalena waa masaariif iyo wixii lamida,

Tarmadi wuxuu yiri, ahlucilmigu saas ayey ku camal falijireen inaan zako lagaqaadin wixii khudaar ama khudrawaad ah. Qurdubi wuxuu yiri, zakadu waxay kutacaluqdaa ama kuxirantahay wixii laquuto (lacuna) khudaarta maahee, Ibnu qayim wuxuu yiri, zako lagama qaadin kuwaan ay kamid yihiin Fardaha, Adoomaha, Baqlaha,Dameeraha, khudrawaadka(khudaar) iyo fawaakihda aan labeegi karin (lakiili karin) lanakaydin karin wuxuna sooreebay Cinabka iyo Timirta oo wuxu yiri waa lagaqaa dayaa zakada,

Nisaabka zakada miraha

Ahlu cilmiga intooda badani waxay qabaan inaan wax zako ahi kuwaa jibin miraha beeraha ilaa ay gaaraan shan owsuq oo udhigma qiyaastii 300 ee Suus oo lamida 653 kg oo lasafeeyey,(lasaafiyeelay) Yacni laga saaray qisharkii iyo xuubkii sida qolofta bariiska oo kale, laakiin hadii looga tago qashirka ama qolofta waxaa shardi ah inuu gaaro nisaabku qadar leeg toban owsuq unadhiganta 600 ee suus oo lamida 1304 kg,

daliilkuna waa xadiiskan Abuu hureyra wuxuu kaweriyey nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (malaha zako wixii kayar shan owsuq) waxaa weriyey axmad iyo beyhaqi, xadiis kale waxa werinaya Abuu saciid alkhudriyi wuxuu kaweriyey nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (sadaqo malaha wixii kayar shan owsuq oo timir iyo xaba ah) (sadaqo macnaa zakada ayaaloo isticmaalaa) (xaba macnaa miraha xabuubkaa sida bariiska ama sareenka) Owsuqu waa 60 saac markii lagu dhufto shan waa 300 ee saac oo udhiganta 653kg, waana nisaabka miraha beeraha kasoo baxa,

Mala sii cuni karaa miraha beerta intaanay soogo’ in beertu

waxaa u banaan ninka beerta leh inuu ka cuno beertiisa wixii baahidiisaa lagumana xisaabinayo dushiisa wuxuu ka cunay beerta intaan la goosan miraha, laakiin markii la gooyo ee laga safeeyo qashirka waxaa laga bixinayaa zakada wixii saafi noqda ee soo hara,

Axmad ayaa la su’aaley ninku beertiisa muxuu ka cuni karaa ? wuxuu yiri baas malaha wuxuu ka cunaa ninku beertiisa oo baahidiisa ah waxa kaloo kur aacay saas shaafici, leys, iyo Abuu xasmi,

Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii

Miraha waxay culumadu isku raaceen in laysu geyn karo qaarba qaarka kale Haba kala cusbaadeene ama hakala liitaane sida kuwa fiican iyo kuwaxun Waxay kaloo isku raaceen in xoolaha ganacsiga loogeynayo lacagta kaashkaa oo markaas laysku xisaabinayo tusaale waxaad haysatay 1000,kun loor ee raashin ah markaas ayaad waxaad iibisey 500,shan boqol ee loor, qaybta lacagtaa iyo qaarka weli raashin ahaan utaal waa laysku xisaabinayaa ee lama kalaqaadayo,

laakiin loomageyn karo xoolaha nool sida Geela iyo Lo,da siloo kaamilo nisaab ee midkood kasta waxaa lagarabaa inuu iskii ama gaar ahaantiisa ugaaro tiradii zakadu kawaajibaysey,

mirahana sidoo kale laysuma geynayo labajinsi oo kaladuwan sida galeyda looma geynkaro masangada, timirta loomageyn karo sabiibta, inkastoo khilaaf kajiro inlaysu geynkaro xabuubka (sida sareenka bariiska)

waxaase xoogbadan inaan laysugeyn karin kuwaasoodhan siloogu xisaabo midkood midka kale nisaab gaaridiis, waxaase fiiradu tahay in jinsi kasta ama noockasta gooni ahaantiisa asagoo utaagan lagahelo cadad nisaab gaaraya, saas waxaa qaba Abuu Xaniifa, Shaafici, riwaayaadka Axmad midood, sidaas ayeyna kutageen culimo farabadan oo salafkii kamida,

Ibnu Mundiri wuxuu yiri waxay kukulmeen inaan laysugeyn Geel iyo Lo, Inaan laysugeyn Lo, iyo Ari, inaan laysugeyn Timir iyo Sabiib, waxkaloo qeyrkoodana anloogeyn karin, wuxu yiri mahaystaan daliil saxiixa kuwa oranaya waalaysu geynkaraa jinsiyada kaladuwan.

In lagu bixiyo zakada wax wanaagsan

Allaha xumaan oo dhan ka nasahan ayaa amray qofka zakaynayaa inuu bixiyo Wax wanaagsan oo maalkiisa kamida, wuxuuna reebay inla sadaqeeyo wax liita, sida kusugan suuratul baqara aayadda (267) saxaabiga layiraahdo Baraa waxa lagaweriyey inuuyiri aayaddaasi waxay kusoo degtey anaga hadaanu nahay ansaar, waxaanu ahayn dad timireed, macnaa timirta ayaa aad ugubadnayd beerahayaga, wuxuu tegijiray qofkanagu beertiisa markaasuu kasoo qaadijiray rucub timira ama labarucub hadba intuu helikaro markaasuu masaajidka surijiray,

waxaana jiray dad ahlusufa looyaqaan ee masaajidka kunool wax cuntaana an haysan, markaas ayaa midkood markuu yimaado masaajidka wuxuu imaanayaa meesha timirtu surantahay, markaasuu kudhifanayaa ushiisa waxana ugasoo daadan timir cusub oo qoyan(busur) iyo mid adkaatay ee horay ubislatay sida tan aynunaqaan, markaas ayuu cunijiray,

Waxaana jiray dad aan khayr doon ahayn oo midkood wuxuu keenayaa rucub ayku yaaliin timirta nooca qalashay ayadoon korin ama gaarin tankeedii lagarabey waxana looyaqaan luqada carabiga (shiis) waxakaloo kuyaal rucubkaas timirta nooca bololka looyaqaan ee maqaarka kore kadilan taasina luqada carabiga waxa looyaqaan (xashaf) markaasuu kalulayaa masaajidka, markaasaa Alle soodejiyey aayaddan aynu korkusoo xusnay ee suuratul baqara aayadda(267) markaas aayaddu soo degtey kabacdib wuxu keenayey qofka nagamida ee doonaya inuu wax sadaqeeyo waxa wanaagsan ee uu hayo, waxa weriyey tarmadi wuxuna yiri waa xanu saxiixun qariib.

Showkaani wuxuu yiri waxa kusugan xadiiskan daliil ah inaanay ubanaanayn ninka hantida leh inuu kabixiyo wax liita hantidan wanaagsan ee zakadu kuwaajibtay, naswaxay kutahay timirta, qiyaasna waxaa looga qaadanaya jinsiyaasha ama noocyada kaladuwan ee zakadu kawaajibto.

Malabka zako ma laga rabaa ?

Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan malabka zako lagu lahayn , Bukhaarina wuxuu yiri malabka wax zakaa oo ka sugnaaday nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha noqotee, xagiisa ee nas ah malaha, Shaaficina wuxuu yiri malabku wuxuu ahaaday mid layska cafey maadaama an waxnas ah oo ku sugani jirin,

laakiin xanafiyadu waxay qabaan in zako laga rabo malabka oo waxay dheheen raad ama asar baaloo hayaa waxayna leeyihiin waa shey la beegi karo lana kaydsan karo saas awgeed waxa laga rabaa zako , waxaa kaloo qaba in zako laga rabo malabka imaamu axmad, wuxuuna ushardinayaa inuu gaaro 160 Rodol miisaan leeg,

Zakada Xoolaha Nool


Axaadiista saxiixaa waxaa kucad waajib nimada zakada
Geela, Lo'da, iyo Ariga.
Ummada muxamadi yaduna waxay ku kulantay inay kucamal fasho, Shuruudaha waajibinaya zakada xoolaha nool,

1.   - waa inay gaaraan xooluhu nisaab ama zaka goys kaad tiraah daba.

2.   - waa inuu ka soo wareego sanad.

3.   - waa inay ahaadaan xooluhu kuwo daaqa cawska roobka kubaxay ee an kharash kubixin sanadka intiisa badan, laakiin hadii xooluhu yihiin kuwo kunool cawsbeereedka latabcay ee kharashku kubaxay zako lagama rabo, jamhuurta culumaduna shardigaas ayey qaateen.

waxaase khilaafay Maalik iyo Leysi keliya oo waxay dheheen mar hadii xoolo nool waxani yihiin lama kalaqaadayo hasoofeen ama kuwo meeshooda lagu quudiyo hanoqdaane farqi makala laha oo marhaday nisaab gaaraan waa laga zakey nayaa.
laakiin axaadiistu waxay kuc adahay in xoolaha laga zakeynayaa yihiin kuwa daaqa dooga banaanka kabaxay.


Zakada Geela


Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu gaaro 5 neef oo geel ah, Waxaana looga zakey nayaa sidatan hoos kucad,

·         5-----9 waxa laga bixinayaa neef ariya oo weliba ido ah,

·         10---14 waxa laga bixinayaa laba neef oo ido ah,

·         15---19 waxa laga bixinayaa sadex neef oo ido ah,

·         20---24 waxa laga bixinayaa afar neef oo ido ah,

·         25---35 waxa laga bixinayaa qaalin geel ah oo hal sano jir ah ee sanadkii labaad madaxa lagashay,

·         36---45 waxa laga bixinayaa qaalin labajir ah oo sanadkii sadexaad maxa lagashay,

·         46---60 waxa laga bixinayaa qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,

·         61---75 waxa laga bixinayaa qaalin afarjir ah oo sanadkii shanaad madaxa lagashay,

·         76---90 waxa laga bixinayaa laba qaalmood oo labasanojir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagalay,

·         91---120 waxa laga bixinayaa laba qaalmood oo sadexjirro ah sanadkii afraadna madaxa lagalay,

·         markuu kasiyaado 120 waxaa lagabixinayaa afartankii kastaba qaalin labajir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagashay, ama waxa lagabixinayaa kontonkii kastaba qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,

qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo haduu geelu ku imaan karo inuu ukala qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo kalafariisi nayaa, haduu yahay geelu mid kuhaboon inloo kala qaybiyo konton kontona saas ayaa loo kala xisaabinayaa,hadii qofku waayo neefkii kawaajibey geeliisa muxuu samay nayaa? tusaale ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid sadexjir ah, wuxuu bixinayaa taas sadex jirkaa wuxuuna ku kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo ari ah hadey usahlanaato, hadii kalena labaatan dirham ayuu ku kabayaa qalinta, sababtoo ah waaka qiimayartahay qaalintu tii laga rabey, saas darteed ayaa loo kabayaa,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid afarjir ah, wuxuu bixinayaa taas afarjirkaa markaas waa inuu kii zakada qaadayey u celiyaa kan zakada bixinaya labaneef oo ari ah ama labaatan dirham, sababtoo ah qaalintu waaka qiimo sarraysaa tii laga rabey saas awgeed ayaa loogu celinayaa labada neef,ama labaatanka dirham, waxaa lafiirinayaa qiimo leeg ee lacagaha maanta laheli karo kamida, kaas ayaana markaas labixinayaa bedelkoodii,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid laba sanojir ah taas ayuu dhiibayaa wuxuuna ku kabayaa sidaan horay kusoo marnay laba neef oo ari ah hadey ufudu daato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin laba sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid sadexjir ah wuxuu bixinayaa taas sadexjirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey wuxuu uceli nayaa laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 2 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid hal sanojir ah wuxuu bixinayaa taas sannadjirkaa wuxuuna ku kabayaa laba neef oo ari ah hadey u sahlanaato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii lagarabey qaalin hal sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid laba sanojir ah wuxuu bixinayaa taas labajirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey u celinayaa kan lagaqaadayo laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,
Taasina waa geela zakadiisii oo ah tuuku camal falay Abuu bakarusidiiq Allaha karaali noqdee,
waxaana uga dambeeyey ee saas kucamal falay Cumar Ibnukhaddaab Allaha karaali noqdo dhamaantood, waxayna kullamaan sanayd dardaaran kiisii markuu geeryoodey amiirulmu’miniinkii Allaha karaali noqdee Cumar Ibnukhaddaab.


Zakada Lo'da


Waxzakaa lagama rabo lo,da ilaa aygaadho 30 daaqda dooga roobka kubaxay, markay gaadho lo,dii sodon oo sanad kasoo wareego waxaa looga zakaynayaa sidan,

·         30----39 waxaa lagabixnayaa dibi hal sanojir ah (tabiic)

·         40----59 waxaa lagabixinayaa qaalin lo,ah ee laba sanojir ah,

·         60----69 waxaa lagabixinayaa laba dibi ee hal sanojirro ah,

·         70----79 waxaa lagabixinayaa qaalin labajir ah iyo dibi sanadjir ah,

·         80----89 waxaa lagabixinayaa laba qaalmood ee labajirro ah,

·         90----99 waxaa lagabixinayaa sadex dibi oo hal sanojirro ah,

·         100---109 waxaa lagabixinayaa qaalin labajir ah iyo labadibi oo halsanojiro ah,

·         110----119 waxaa lagabixinayaa labaqaalmood oo labajirro ah iyo dibi halsanojir ah,

·         120----129 waxaa lagabixinayaa sadex qaalmood ee labajirro ah ama afar dibi oo halsano jirro ah,

wixii intaas kasiyaada waxaa lookala ratibayaa sidan, sodon kasta waxaa lagabixinayaa dibi halsanojir ah, afartan kastana waxa lagabixnayaa qaalin labasanojir ah, tusaale sadex meelood oo min sodon ah waa 90+40=230 waana qaabka lookala fariisinayo xoolaha markii laga zakeynaayo labadaas tiro hadba siday isku keeni karaan.

 

Zakada Ariga


Wax zakaa lagama rabo Ariga ilaa uu gaaro 40 neef oo daaqa dooga roobka ku baxay markaasna sanad ka soo wareego, waxaana looga zakeynayaa sidan,

·         40-----120 waxaa lagabixinayaa hal neef oo ari ha,

·         121---200 waxaa lagabixinayaa laba neef oo ari ah,

·         201---300 waxaa lagabixinayaa sadex neef oo ari ah,

markuu kasiyaado sadex boqol waxaa lagabixinayaa boqol kasta halneef oo Ari ah ee an waxceeba lahayn,waa banaan tahay inlaga bixiyo kuwa labka ah sida orgiga iyo wanka waana laysku waafaq sanyahay waase hadii xoolaha laga zakaynayaa wadayihiin kuwa lab ah(macnaa lab waa wanka ama orgiga ama ratiga), laakiin xanafiyadu waxay dheheen hadii xooluhu dhamaan tood wada yihiin dhadig sida rida iyo laxda ama iskujir dhadig iyo labood waa banaan tahay in lagabixiyo kuwa labka ah.
waxaa kaloo baraarujin mudan masaafooyinka u dhexeeya labada fariido ama labada meelood ee zakadu kawaajibayso sida culumadu isku itifaaqeen malaha wax zako ah, tusaale 25 ilaa 36 ee geela ah malaha intaas dhexda ahi wax zakaa, tusaale kale 30 ilaa 40 ee Lo,da ah malaha intaas labada boos udhaxaysaa wax zakaa, Arigiina waa sidoo kale 40 ilaa 120 wax zakaa malaha, tusaalahan keliya kamawado laakiin meelkasta ee udhexaysa labatiro waa looga qiyaas qaadanaya,
waxaa kaloo xusid mudan qofka zakada aruurinaya uma banaana inuu kaqaado neefka ugu qaalisan xoolaha ee ishu qabato, laakiin haduu yahay qofka dhiibayaa mid asagu naftiisu kuraali tahay wuu bixin karaa, hadii kalese waxaa laga qaadayaa neef dhexdhexaada ee an ahayn kulagasoo xulay maalkaas.


waxaa kalo xusid mudan inuusan.bixin neef ceebleh ee ceebtiisu muuqato markii laweydiiyo dadka khibrada uleh xoolaha ay oran karaan kani waaneef xun, laakiin hadii xoolii oo dhami noqdaan kuwo wada ceebaysan markaas waxaa labixinayaa sida ugu wacan wixii lagaheli karo. Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo.
Xoolaha oo lakulmiyo ama lakalasaaro silooga fakado zakada bixinteeda waxaa kusugan sidan, Suweyd Ibnu quflata waxa lagaweriyey inuuyiri, waxa nooyimid zakaqaadihii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasaan waxan kamaqlay isagooleh, anagu maqaadno neef irmaan oo caano nuujinaya, mana kalasaarno xoolo wadajira, mana isugeyno.

 

xoolo kala soocan, markaasaa waxa loo keenay hal geel oo kurus weyn.


markaasuu diidey inuu kaqaado, sababtu waa xoolaha kuwii ugu qiimaha badnaa ee layiri hakaqaadina. Daliilka labaad, Anas wuxuu kawaramay inuu Abuubakar uqoray Anas oo gudoomiya gobol ah xagiisa waraaq.
Abuubakar wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan, taniwaa sadaqadii waajibka ahayd (zakada) taasoo rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee kuwaajib yeelay muslimiinta dushooda, waxana kamid ahaa qoraalkaas ,lamakulmiyo laba kalasoocan, lamana kalasooco laba iskujirey ayadoo lagacabsanayo sadaqada,wixii labo isku darsadaan iyagaa isula noqonaya dhexdooda si sinaan ah) waxaa weriyey Bukhaari Macnaa waxaa loolajeedaa hadii labanin xoolo wadaagaan tusaale 40, neef oo ari ah ayaa waxaa wadaaga labanin midkastaana wuxuu leeyahay 20, neef markaas waxaa kabaxaaya halneef, wuxuuna kamid yahay labadooda midkood maalkiisa, kankalena wuxuu celinayaa neefkaas qiimaha kagasoo aadan xagiisa oo wuxuu siinayaa saaxiibkiisa xooluhu isugujiraan ee neefkaasi kabaxay xoolihiisa.


Maalik wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Muwadda’asagoo cadeynaya macnaa looga jeedo issugeynta iyo kalgeynta xoolaha wuxu yiri, sadex qof ayaa waxa midkastaa leeyahay 40 neef oo ari ah, midkastana waxaa laguleeyahay halneef, markaas ayey iskudarayaan sadexdii afartanaad oo waxay bixinayaan halneef, halkaas waxay kuqariyeen labaneef oo hadii midkastaa goonidiisa deganaan lahaa waxaa lagarabi lahaa halneef, laakiin waxay kadhigeen 120 neef oo halmeel wadadegan oo markaas lagarabo halneef oo keliya, kaasina waa tusaalaha isgeynta looga cararayo zakada.


Tusaalaha kala geynta looga fakanayo zakada waa ayadoo labaqof isugu jiraan 121 neef oo ari ah, markaas waxaa lagarabaa inay bixiyaan sadex neef, markaas ayey kalasoo canayaan ama kalasaarayaan oo markaas wuxuu midkastaa bixinayaa halneef oo keliya, halkaasna waxay kuqariyeen halneef oo hadey sidoodii hore isgudaasan lahaayeen waxaa looga baahnaa inay bixiyaan sadex neef, taasina waa zako kacararid wax badan ka dhacda dadka maalka jecel ee anku xisaabtamin waxay aakhiro kamudan doonaan.


Wabillaahi Towfiiq.
( La soco Qeybta Kale )

Waxaa Diyaariyey:- Cadnaan Cabdulqaadir Xaaji

 

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke Muuse
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.03 seconds 1,429,536 unique visits