November 13 2018 20:52:23
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Xaflad looga hadlayay u adeegida danta guud ayaa lagu qabtey magaalada London

Xaflad aad u qurux badan islamarkaana ay ka soo qayb galeen bahda isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada London ayaa lagu qabtey xaafada Wembley, xafladaasi waxaa soo qaban qaabiyay ururweynaha mideynta qurbajoogta isboortiga Soomaaliyeed ee UK oo ay madax ka yihiin rug cadaa isboortiga Soomaaliya mudo dheer ku soo jirey sida Gudoomiye Axmed-Nur Maxamed Xaashi ‘’Sayga Ruushka’’ iyo Gudoomiye ku xigeenkana ka yahey Mudane Cabdulqaadir Xuseen Bootaan ‘’Isoomareey’’, halka Afhayeenka ururkana u yahey Cabdirashiid Ismaaciil oo ah nin suxufi caan ah.

Xaflada waxaa ka hadley dad aan u badan iyo madaxda ururka, kuwaasoo hadaladooda ay u badnaayeen howlaha horyaala ururka mideynta isboortiga Qurbajoogta iyo waxaa looga fadhiyo inay qabtaan mustaqbalka soo socdo hadii Eebe idmo.

Waxaa kale halkaasi ka hadley gabar Soomaaliyeed oo soo baratey isboortiga islamarkaana ka ciyaarta kubadda koleyga jaamacad ku taal dalka Mareykanka lana yiraahdo Manal cali, Manal cali waxaana dhashey  Shukri Dhalbaas  oo ah  hooyo  isboorti , kana soo mid ahaan jirtey gabadhaha kubadda koleyga dalka Soomaaliya barisamaadkii, gaar ahaan kooxda Muqdisho.

Gudoomiye Sayga ayaa ka sheegay xaflada markii uu hadlayay  inay wakiilo ka sameyaan  dalka Sweden islamarkaana ay meelo kalane ay ka sameyn doonaan  wakiilada ururkooda ilaa Soomaaliya, haatan dalka Sweden magaalada Stockholm waxaa wakiil uga noqonaya ururka rug cadaa isboorti oo ka mid ahaan jirey kooxda Jeenyo iyo Xulka dalka Soomaaliya Bashiir Jeenyo, halka magaalada Gothenburg  wakiilna uga yahey ciyaaryahankii  hore  ee MBC CLUB  Cabdiraxiim Faagte.

Waxaa kale uu gudoomiyaha hadiyad qaali ah gudoonsiiyay la taliyaha Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Baana Cali,’’ Farmaajihii Isboortiga’’ kubadda koleyga Soomaaliya howlaha u soo qabtey darteed waqtigii adkaa, si loogu muujiyo inay jiraan dad Soomaaliyeed oo aaminsan in si foolxun loogu awood sheegtey in laga saaro shaqadii uu hayay kubadda koleyga, kadib markii kooxda GOS ay afka u dhigteen dhaqaalihii kooxda Soomaaliya uga qayb gali laheyd cayaarihii Rwanda.

Waxaa xaflad ka soo qayb galey oo lagu soo dhaweeyay ururka Somaliweek madaxdooda oo dhan sida Gudoomiye Xuseen Deeq, Isloow Xoghaye iyo saciimka isboortiga bulshaawi Al-Xaaji Maxamed Buuwe.

Waxaa xaflada heeso dhaxtaal ah ka qaadayay fanaanka caanka ah ee King Khalid, kadibna dadkii ka soo qayb galey dhamaantood iyagoo ku faraxsan ka soo qayb galka xafladatan ayay meesha kale laabteen farxad iyo reyn reyn madaama ay qiimo ugu fadhidey inay isku arkaan meelahaan  wanaagsan oo kale.

Dhanka saxaafada waxaa barnaamijka  ka qayb qaadanayay Cabdinaasir Sola , Jabriil , Cabdiqani iyo Cabdi Xaafid iyo SSPAMEDIA, halka uu barnaamijka daadihinayay Xasan Daauus.

Xaflada waxaa ka soo qayb galey ciyaartooydii hore wiilal iyo gabdho iyo dadkii madaxda ka soo ahaa isboortiga Soomaaliya qaarkood sida sawirada ka muuqato.

Dhanka sawirada waxaa iga caawiyay mahadsane Danjire Maxamed Axmed ‘’Caalin’’

N.B: Sawiro faro badan Filo goor dhaw

W/D Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.01 seconds 3,024,993 unique visits