June 19 2013 13:16:31
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Adnan Farah
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Warbixin Guud: Gudoomiyaha GOS Mudane Aden Xaji Yabarow wiish iyo Booqashadiisa Finlad

Guddoomiyaha GOS Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish),xoghayaha guud ee GOS  Mudane Abdullahi Tarabi iyo wafdi GOS ka tirsan oo ay hogaaminayaan ayaa dhawaanahanba booqashooyin ku soo kala bixinayeen jaaliyadaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub ayaa waxaa ay hadda laba maalmood oo shaqo ah ay ku yimaadeen wadanka Finland.


Gudoomiyaha ayaa waxaa finland kusoo dhaweeyey Jaaliyadda Isboortiga Finland oo uu hogaaminayo Xubin Guddiga Fulinta GOS iyo Gudoomiyaha Kanava Abdiaziz Godah iyo Abdulqadir Hadaafow.
Guddoomiye Wiish oo magaalada Helsinki laga dajiyay xarun gaar ah oo jaaliyada Soomaaliyeed ay horay ugu sii diyaariyeen ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxaa uu kaga hadlay ujeedada safarkooda Yurub iyo maalmaha safarka uga harsan.
waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in safarkoodu uu qeybka yahay fulinta go'aankii ka soo baxay shirkii lagu doortay guddiga Olombikada ee bishii Maarso ka dhacay Jabuuti kaas oo ahaa in booqashooyin uu ku soo kala bixin doono jaaliyadaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub ku sugan oo runtii gacan weyn ka geystay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed.


GUDOOMIYAHA OO JAALIYADA FINLAND WARBIXINGUUD SIIYEY

Ugu horeeyntii ayaa waxaa hadalo furitaan ah halkaas kasoojeediyey,maxamuud sujaac,kadibna waxaa uu hadalkii ku wareejiyey Gudodoomiyaha Kanava isagana waxaa uu ku wareejiyey hadalkii Macalin Bashiir Abdi Daahir, waxaa ka dib hadalkii qaatay Gudoomiyaha waxaana uu jku bilaabay sidan:

Guddoomiyaha GOS ayaa ugu horeyn Jaalliyada isboortiga Finland uga warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee Isboortiga Soomaaliya uu soo maray tan iyo markii la riday Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare. Mudane Wiish oo sheegay in guud ahaan Isboortigu uu ka madax bannaan yahay siyaasada sidaa darteed uu asiga naf ahaantiisa iyo rag ay ka mid yihiin marxuum Nuur Xuseen Jeenyo iyo C/qaadir Gacal Abkoow si Iskaa Wax U Qabso ah ugu tafaxeyteen sidii ugu yaraan Calanka Qaranka Soomaaliya uga dhex muuqan lahaa kulamada Cayaaraha waaweyn ee Dunida ka dhaca.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay inay ugu horeeyntii ku guulaysteen xiligii siyaad barre Ka dib inay ugu horeeyn ku guulaysteen inay markii ugu horeeysey qabtaan koob ay ugu magacdareen KOOBKII RAJA SOO CELINTA,ka dibna sidaas ay ku saareen wixii la oranjiray qadka cagaarnaa.




Gudoomiyaha ayaa Wuxuuna ka dhawaajiyey in Soomaaliya ka qeyb gashay laga soo bilaabo 1996-dii Cayaarihii Olombikada ee lagu qabtay magaalada Atalanta, Giorgia (USA) ilaa iyo kuwii ka dhacay sannadkii hore magaalada Sidny Austaraalia,Greece ,Athena iyo Beijing ee dalka Shiinaha, sidoo kalena Soomaaliya waxay caadi ahaan uga qeyb qaadataa cayaaraha All African Games.

Guddoomiyaha ayaa markii uu warbixinta siiyey jaaliyaddihii isboortiga ka dib waxaa uu shirar gooni gooni ah lakala qaatay,ururaddii kasoo qayb galay shirkaas oo mid walba siiyey waqti ay ugu sharxaan waxqabadkooda iyo guud ahaan waxa ay mustaqbalka rabaan inay kawada shaqeeyaan iyaga iyo guddiga olympikada Soomaaliyeed.

Gudoomiye Wiish wuxuu ugu dambeyntii aad ugu nuuxnuuxsaday oo dadkii shirka joogayna kula dardaarmay in xil la iska saaro sidii loo hormarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed iyo weliba in jiilalka soo koraaya lagu abuuro muwaadannimo iyo qiimaha uu leeyahay calankeena buluuga ee xiddigta shan-geesoodka dhexda kaga taal.



Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Mudane Abdulahi Ahmed tarabi oo ah xoghayaha guddiga olombikada soomaaliyeed ayaa ka war bixiyey ujeedada iyo wax qabadka olombikada Soomaaliyeed. Mudane Tarabi waxa uu ka hadlay xiriirka olombikada la leeyahay ururada soomaaliyeed ee ka dhisan gudaha wadanka iyo dibeddiisaba, waxaana uu xoghayaha amaan usoo jeediyey dhamaan bahweynta isboortiga Finland sidii sharafta lahayd oo ay usoo dhaweeyeen.
waxaana ugu dambeyntii guddoomiyaha iyo xoghayahaba halkaas lagu weydiiyay su'aalo isagoo dhamaantoodba si saxaraxad leh uga jawaabay su'aalihii la weydiiyay.

 

GUDOOMIYAHA IYO WAFDIGIISA OO CASHO SHARAF HEER SARE AH U SAMEEYEEN URURKA SOCOS

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu habeenimaddii ka qaygalay xaflad casho sharaf ah oo ay soo diyaariyeen ururka dhaqanka iyo isboortiga Finland, cashadaas ayaa waxaan ku tilmaami karaa inay ahayd mid aad loosoo agaasimay, inta cashadda aysan bilaaban ayaan waxaan wax ka weydiiyey Gudoomiyaha Ururkaas Ahmed IMAD oo ii sheegay inay ugu talagaleen gudoomiyaha GOS inay kusoo dhaweeyaan wadanka finland,madaama uu yahay xubinta ugu sareeysa ee isboortiga Soomaaliya.

Xaflada cashadda ayaa ahayd mid aan qoraal looga sheekeynkarin,lakiin aan dhihi karo waxaa aya ahayd mid aad loo soo agaasimey, xafladaas ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Yasiin Abdi Raage oo ugu horeeyntii inta aan cashadda lagelin warbixin dheer oo kusaabsan heerkii uu soo maray ururkaas ka jeediyey,kadibna waxaa uu gudoomiyha iyo bahweyntii kasoo qayb gashayba ay halkaas ku cuneen cashadii loogu talagay.
Cashadii ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey, xoghayaha guud ee ururkaas Mudane Qooje oo isna ka waramay xaaladda ururka uu soo maray ka dibna waxaa halkaas oo warbixin yar ka bixiyey koox uu isaga ka dhisay gobolka Togdheer,qaas ahaan magaaladda Burco, qooje ayaa soo bandhigay sawiro uu ku tusayo kooxda oo tababaro qaadanaysa iyo ciyaartodii oo hadlayaba, waxaa intaas ka dib warkii lasiiyey Mudane Abdirisaq oo isna ku hadlay Magaca ururka daladda Somaaliyeed, waxaa ka dib isna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Kanava Abdulqaadir oo isna ka mahad celiyay cashadaan sharafta leh, waxaa inta aan loogudbin xubinihii martida ahaa isna halkaas waqti laga siiyey Cabdullahi Shukri,Abdullahi ayaa waxaa uu isna ku nuux nuuxsadey magaca ururka uu leeyahay sheegayna inuu yahay shaqsiga ay ka soo maaxatay, waxaa isgana halkaas ka hadlay xoghayihii ugu daґda yaraa xiligii siyaad barre waa xoghayihii hore ee xiriirka cayaaraha Fudud Mudane Cumar Dhagaweyne, waxaa ka dib hadalkii la siiyey Abdullahi Tarabi oo isna sidaas oo kale ka mahadceliyey cashadan quruxda badan ee loo sameeyey,waxaa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in ururadda isboorti ahaadaan kuwo ku mideysan isboortiga iskana ilaaliyaan waxyaabaha kala taga u keenaya. Waxaa gunaanadkii halkaas ka hadlay Guddoomiyaha waxaa uu ugu horeeyn halkaas mahdcelin balaaran oo ku aadan sida gudoomiyaha loogu soo dhaweeyey Finland iyo qaas ahaan cashadan sharafta leh uu u soo jeediyey labadii urur ee KAVA iyo SOCOS, gudoomiyaha ayaa sheegay inay mudan yihiin labadaan urur ku dayasho.



 Guddoomiyaha GOS Mudane Wiish ayaa jaaliyada isboortiga kaga warbixiyay taariikhdii uu soo maray guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxyaabihii uu soo qabtay iyo himilooyinka uu mustaqbalka hiigsanayo. Waxaa gabagabaddii halkaas ka hadlay Imad Iyo Aabaha isboortiga Soomaaliyeed Macalin Bashiir Abdi Daahir oo iyagana uga mahadceliyey sidii sharafta laheyd oo ay uga aqbaleen madaxda isboortiga somaaliya uga sreeysa inay kala soo qaygalaan xafladaan casho sharafta ah, gudoomiyaha ururka dhaqanka iyo isboortiga waxaa intaas ku daray inay la shaqeeyn doonaan GOS qaybna ay ka qaadan doonaan dhamaan waxyaabaha lagu hormarinayo isboortiga Soomaaliyeed.
Xubnaha kulankaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Shujaac oo ka mid ah dhalinyarada aadka ugu heelan horumarinta isboortiga dalka, guddoomiyaha Kanava Cabdulqaadir Hadaafow oo isna ah shaqsi isboorti jacaylku uu ku fogaaday wax badana soo qabtay, Aabaha Isboortiga Soomaaliyeed ee Finland Macalin bashiir Cabdi iyadoo kadibna guddoomiyaha GOS Wiish iyo Xoghayaha Guud Tarabi ay ku hadleen magaca GOS iyagoo u mahadceliyay ururada isboortiga Soomaaliyeed ee Finland.
Maxamuud Shujaac ayaa ku hadlay magaca guddiga soo dhaweynta wafdiga GOS, halka Guddoomiyaha Kanava iyo aabaha isboortiga Soomaaliyeed ee Finland ay iyaguna ku hadlayeen codka ururada isboortiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, waxaana aad la isugu afgartay dhamaan wax yaabihii kulankaa looga hadlay.
Gudoomiyaha ayaa si Kaftan ah waxaa uu yiri, waxaa na soo gaarta jaaliyadaha dibadda waa dagaalsan yihiin,hadda markii aan soo maray Switzerland, Talyaaniga,Denmark iyo hadda oo aan ka mid Sweden, waxaan la yaabay sida aad isugu duuban tihiin oo aad u ruabtaan horumarinta isboortiga,marka waxaan isweydiiyaa yay yihiin cidda is dagaashan?


GUDDOOMIYAHA GOS ADEN HAJI YABAROW(WIISH)OO LA KULMAY DHIGIISA FINLAND ROGER TALERMO


Guddoomiyaha ayaa waxaa uu intii uu joogay magaaladda Helsinki ee wadanka finland uu kulamo kala gedgedisan la yeeshay, bahweynta isboortiga Finland qaybaheeda kala duwan iyo haddii ay ahaan lahaayeenba hay’adaha ugu sareeya wadankaan.
Waxaa haddaba shir yeeshay labadda hayґadood ee ugu sareeysa waa Finland iyo Soomaliya ay kawada hadleen sidii ay u suubin lahaayeen xiriir wada shaqeeyneet ee labada hayґadood.
Waxaa haddaba halkaas warbxiin ku aadan heerkii uu soo maray guddiga Oymbikada Finland halkaas ka soo jeediyey JOUKO PURONTAKANEN.
oo ah xoghayaha guud ee olymbikadda Finland, waxaa uu xoghayaha warbixin dheer naga siiyey mudaddii ay dhisnaayeen iyo heerarkii ay soo mareen oo hadda laga joogo boqol sano.





Waxaa isna ka dib halkaas ka hadlay oo sidoo kale warbxin ku saabsan,heerkii uu isna soo maray olymbikada Soomaaliyaha Ka soo jeediyey Xoghayaha Guud ee Olymbikadda Somaaliyaha Mudane Abdullahi Tarabi, ka dibna waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha GOS Aden Haji Yabarow Wiish oo uga mahadceliyey sidii ay u soo dhaweeyeen ka dibna u sharaxay qaab noocee ah ayaan u wada shaqeeyn karnaa. Waxaa isna sidoo kale jawaab ka bixiyey Guddoomiyaha Olymbikadda Finland Roger Talermo waxaana uu soo dhaweeyey wada shaqeeyntaas, waxaana uu isla markiiba howshii ku wareejiyey xoghayaha sheegayna inuu soo diyaariyo wixii ay ka wada shaqeeyn lahaayeen labdda urur.
Waxaa xusid mudan sanadkii 2007 in ay SOMNOC iyo FINNOC ay wada kulmeen, haddana la sii xoojiyey sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen ama ay u sii hormarin lahaayeen wax qabadka labada urur.
waxaa Guddoomiyaha iyo Xoghayaha ku wehliyey Abdiaziz Godah,Abdulqadir Hadaafow,Maxamuud Sujaac iyo Maxamed Cabdow oo dhamaan ah xubno ka tirsan guddiga Olymbikadda Soomaaliyeed.








Comments
#1 | selba on 28/11/2009 21:58:58
Интересный блог или сайт! Буду следить за ним..
#2 | thoisil on 28/11/2009 23:23:50
не отображаются картинки почему-то( это только у меня так?
#3 | thoisil on 28/11/2009 23:26:18
Разместил это на своем блоге с ссылкой на ваш сайт. Надеюсь, Вам это какую-нибудь пользу принесет Smile
#4 | selba on 29/11/2009 00:33:36
Thanks, admin...
#5 | meroisha on 29/11/2009 00:38:21
Может быть кто-нить поделится ссылочкой на что-нибудь из этой же тематики? Уж очень заинтересовало
#6 | selba on 29/11/2009 02:06:12
Thanks, admin...
#7 | meroisha on 29/11/2009 05:41:30
Интересно! Все бы так писали Smile
#8 | gonus on 29/11/2009 07:18:52
Удивительная находка, мне понравилась! Спасибо автору!
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke Muuse
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.58 seconds 820,139 unique visits