December 11 2018 15:04:17
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
DR.CALI CUSMAAN: “CABDI BILE HALYEY UU QARANKA SOOMAALIYEED KU FAANO” + SAWIRRO

Halyey Cabdi Bile Cabdi waa shaqsi ummadda Soomaaliyeed martabad fiican ka joogo,waa calaamad xambaarsan sharafka iyo qiimaha shacabka Soomaaliyeed,waa Halyey caan ka ah addunka afartiisa dacal,waa kan ugu xurmad badan Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Isboortigeena,waa astaan iyo heybad dalka Soomaaliyeed ay leedahay,waa geesi u soo kifaaxay magaca Soomaaliyeed meel weynna gaarsiiyey, Waxaan kuu haynaa qadarin aan la koobi karin, waxaadna iga gudoontaa hambalyo anigoo ku hadlaayo maamulayaashi Isboortiga Soomaaliyeed,Halyeeyadii noocyadda Isboortiga ee kala duwan ee 60kii sano ee ugu dambeeyey inta nool iyo inta dhimatay,waxaana ku cadeynayaa in aan kuu hayno abaal aan weligii duugoobeynin kana ballan qaadeyno in aan halgankaada u gudbino jilalka soo koraayo annagoo la khaashaneyno Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxa Qaranka.

AFAR DHACDO OO AAN MARQAATIGA NOOL KA AHAY (Dr. Cali Cusmaan)

1) Horaantii sanadadii sedeetamaadkii waxaan ahaa Gudoomiyaha Isboortiga ee Gobolka Benaadir,waxaana Hoolka Shirarka ee Gobolka Benaadir ka dhacay shir illa hadda aan maskaxdeyda ka go’in,waxaana shirkaasi ka soo qeyb galay madaxda Isboortiga ee degmooyinka Gobolka Benaadir,waxa kaloo goob joog ka ahaa Gudoomiyihii Xiriirka Soomaaliyee ee Ciyaaraha Fudud Mudane Maxamed Saaalax CHARLEYS iyo Cumar Axmed Jaamac oo ka tirsanaa Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,waxa kaloo shirkaasi ka soo qeyb galay Ciyaaryaha Cabdi Bile Cabdi oo markaa u ordaayey Naadigii Wakaaladda ganacsiga Ummadda,waxaana shirkaasi dulucdiisu aheyd in aan kala hadlno Gudiyadda Isboortiga ee degmooyinka oo waqgtigaa isu diyaarinaayey Ciyaarihii Degmooyinka Benaadir muhimadda uu Isboortiga u leeyahay bulshada Gobolka Benaadir,waxaana halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Halyey Cabdi Bile Cabdi oo soo bandhigay ahmiyadda Isboortiga uu leeyahay isagoo sii raaciyey hadafka iyo barta uu tiigsanaayo,waxaana marka ka muuqday shucuur wadaninimo iyo Isboortinimo, oo ugu dambeyntii uu gaaray halkii uu tiigsanaayey.

2) Sanadku markuu ahaa 1985kii waxaan ahaa tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ee Gabdhaha,waxaana ka qeyb galnay Tartankii Carabta ee lagu qabtay Dalka Marooko,waxa kaloo ciyaarahahaasi ka qeyb galay Kooxda Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed,Kooxda ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya iyo kooxa kale oo matalaayey Qaranka Soomaaliyeed,waxaana tartanka 1500m ku tartamaayey Halyey Cabdi Bile Cabdi iyo Saciid Cuweta,waxaan maalintaasi aan fadhiyey garoonka lagu tartamaayey,waxa iga muuqday welwel badan,marba gees ayaan u dhaqaaqaa,waxaana ugu dambeyntii la soo gaaray waqtigii la tartamaayey,waxaana laga dhawaajiyey dhawaaqii tilmaamaayey in uu tartankii bilaaban karo,waana tartan aad loo wada sugaayey,waana lagu tartamaa sedex wareeg iyo 300m,waxana baratankii isugu soo haray Halyey Bile iyo Cuweta,waxaana Halyey Bile looga qaaday il-biriqsiyo,waxaana hal mar wada saadaaliyey qorayaashii ka faaloonaayey isboortiga iyagoo odorasay in mustaqbalka dhaw uu Halyey Cabdi Bile Cabdi noqon doono Horyaalka 1500mt,waxay ii aheyd dhacdo aan waligey xusuusan doono……Laakiin waxa ii cadeyd in Halyey Bile uu wadadii cadeyd uu cagta saaray..

3) Waxay aheyd maalin Axad ah taarikhdu waxay ku beegneyd September 6,1987,waxa dalka Talyaaniga ka socday tartankii addunka ee Ciyaaraha Fudud,waxaana nooga qeyb galaayey Halyey Cabdi Bile Cabdi,waxaana wafdiga Hogaaminaayey Xoghayihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaarha fudud Mudane Cumar Axmed Jaamac(Cumar Dhegeweyne),Waxaan dhex fadhinay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga,waxaan ka koobneyn shaqsiyaadka kala ah Maxamed Saalax Charleys,Aaaden Xaaji Yabarow AUN,Xaaji Colow,Dr. Cali Cusmaan,Garsoore Caalami Maxamed Mukhtar,Abukar Abanuur AUN,waxaana dhawreynay natiijadda,waxaana ciyaarahaasi kala soconay RAI_ITALIANO,iyo mar kastaba uu Cumara Dhegaweyne noo soo gudbinaayey jawiga iyo halka ay arrini mareyso,Tartankaas waxa uu ahaa mid aduunyada oo dhan ay dhawreysay natiijadda,waa Alle Mahadii waxa guushaas si xarago leh ku qaaday Halyey Cabdi Bile,oo rayadiisii rumowday,waxa laga damaashaaday Soomaali oo idil……waana taarikh qof kastoo oo samaali ah uu xusuusnaan doono(Halyey Bile tartankaas waxa uu dhigay Rikoor oo ahaa mid galay taarikhda ka dib markii uu ku orday 1;46 800 ee Finaalka.

4) Sanadku markuu 1996 waxaan ka mid ahaa Hogaamiyayaashii wafdigii Soomaaliyeed ee ka qeyb galaayey Tartankii Olimpigadda ee lagu qabtay Magaaladda Atlanta,Halyey Cabdi Bile waxa uu ka qeyb galaayey tartakii ciyaaraha fudud isagoo diyaar garow wanagsan uu ka muuqday,markii uu tartankii bilawday ayaa mid Habaar qabo Halyey Bile jalaafay,sidiina ayaa looga guuleystay,iyadoo Halyey Cabdi Bile uu maanta taarikhda ciyaaraha uu uga jiro baal dahab ah.

LA KULANKEYGII HALYEEYADDA OLIMPIGADDA IYO MAAMULAYAASHA ISBOORTIGA.

Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo Halyeeyo Isboorti oo addunka laga qadariyo,waxayna dhamaantood ka wada sinaayeen in uu Halyey Cabdi Bile ka mid yahay halyeeyadda aysan waligood iloobi doonin,xurmad iyo qadarinna u soo jiiday Ummadda Soomaaliyeed,marka erayadaasi ay dhegaheyga ku soo dhacaan waxa i gala qiiro aan la qiyaasi karin,waan jiriricyoodaa,waxaa i hor yimaada guulahii uu gaaray Halyey Bile,Waligeed Umadda Soomaaliyeed kuma iloobi doonto..

GURIGA WASIIR SACIID QORSHEEL IYO CASUUMAD HALYEY BILE

Wasiir Saciid Jaamac Cali(Saciid Qorsheel) waa Halyey Isboortiga Soomaaliyeed qiimo ku leh waxa uu ka mid ahaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed muddo aad u fog,isagoo waliba ahaa kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliyeed,waxaan ka wada tirsaneyn Xulka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,waxaana ka wada qeyb galnay illa 60 Ciyaaro oo caalami ah,waa shaqsi ay Soomaalinimadda ku dheertahay,waxaana anigoo ku hadlaayo wasiir Saciid Qosheel u jeedinayaa Mahadcelin aan la koobi karin sidii uu u maamuusay Halyey Cabdi Bile Cabi uuna dareensiiyey qadarinta ay Ummadda Soomaaliyeed u hayso.Mahadsanid Wasiir Saciid Qorsheel.

HALYEY CABDI BILE IYO SOO DHAWEYNTII DAWLADDA SOOMAALIYEED.

Madaxweyne Farmajo,Raisul wasaare Kheyre, Khadiijo Dirie Wasiirka Isboortiga iyo Injineer Yariisow Duqa Magaaladda waxaan idinka mahadcelineynaa sida xushmadda laheyd oo aad u soo dhaweyseen Halyey Cabdi Bile,soo dhaweyntiinii waxay dhiiri gelin u noqoneysaa dadkii isboortiga buddhigayaasha u ahaa,sidoo kale waxay astaan wanagsan oo dhiirigelin ah u tahay jiilalka soo koraayo.

anigoo ku hadlaayo dadkii Isboortiga ku soo dhex jiray 60-kii sano ee ugu dambeeyey idin soo gudbineynaa hambalyo annagoo weliba idin hayno abaal ma guuraan ah sida hawshii qiimaha laheyd oo aad ka qabateen Isboortiga Soomaaliyeed muddadii yareyd oo hogaan Qaranka Soomaaliyeed hayseen.


xigasho:www.Dhaliyaha.net

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.02 seconds 3,051,679 unique visits