October 21 2017 13:40:24
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
TABABARE GIFTIN ISBOORTIGA SOOMAALIYEED MARNA KU ILOOBI MAAYO

Waxaa dhawaan Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay xaflad heer sare loo soo agaasimey oo lagu sagootinaayey Tababare Maxamed Xaaji Giftin oo si rasmi ah uga fariistay Isboortiga gaar ahaan Kubadda Cagta oo uu ugu yaraan 60 sano ka soo shaqeynaayey isago soo layliyey dhalinyaro badan oo ugu dambeyntii ka mid  noqday kuwa lagu qadariyo kubadda cagta kana qeyb galay xulka Qaran Soomaaliyeed oo lagu daafacaayey calanka buluuga ah.

Tababare maxamed Xaaji Giftin waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu taarikhda dheer oo ay ummadda Soomaaliyeed ku faanto waxaana uu dhalinyaranimadiisa ka mid ahaa kooxaha Kubadda Cagta ee Masar laga qadariyo isagoo ka mid ahaa weraaryahanada Kooxda Kubadda Cagta ee AL-AHLI isagoo illa iyo haataan laga xushmeeyo Dalka Masar gaar ahaan Kubadda Cagta ee reer Masar, waxaana safari badan oo lagu kororsanaayey ku soo qaatay dalal badan oo isboortiga ku hormarsan isagoo soo qaatay shahaadooyin kala duwan oo loogu aqoonsanaayo xirfadiisa Tababarnino, waxaana uu Somalia dib ugu soo noqday dalka Somalia horaantii todobatameyadii isagoo halkaa ka bilaabay in uu xirfadaha kala duwan u kordhiyo dhalinta Soomaaliyeed.

Tababare Giftin waxa uu ugu horeyntii Tababare u noqday Kooxdii la oran jiray WAGAD(FIAT) isagoo ka dhisay dhanka Farsamadaha kala duwan siiba isu-dhiibka gaagaaban,aragtida Garoonka,Difaaca iyo is caawinaada marka kubadda si wadajir ah loo weeraraayo ama si wadajir ah loo daafacaayo, waxa uu kaloo Ciyaartoyda Naadiga ku abaabiyey Kontrolga Kubadda,iyo isu dhiibidda kubadda iyadoo la ordaayo,waxaana farsamadahaasi casriga ah uu ku helay qadarin ay u hayaan Dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga ee Kubadda Cagta oo u dhuun daloola Farsamooyinka casriga ah ee Kuubadda Cagta.

Maxamed Xaaji Giftin waxa sanado ka bacdi uu ku biiray Naadigii Kubadda Cagta ee Naadiga Madbacadda Qaranka halkaa uu mar kale ka bilaabay in uu soo saaro Ciyaartoy la mid ah kuwii uu hore magaca ugu yeelay,waxaana uu markaa gacanta ku dhigay Ciyaartoyd da'dooda ay aad u yareyd,waxaana muddo gaaban uu ka soo saaray Ciyaaryahano looga dambeyo Kubadda Cagta sida Nuur Amiin,Muridi oo nayneys looga dhigay Maradoonihii Soomalia,Eenow oo markuu qabsado Kubadda khal khal gelin jiray difaaca kooxda ka soo horjeeda,Goolwale Dhagey,Difaacii khatarta ahaa ee Argentiina,Ciyaaryahan Shiikha iyo kuwa la mid ah.

Tababare Maxamed Xaaji Giftin waxa kaloo lagu xusuustaa shaqooyinkii uu ka qabtay Goboaladda Soomaaliyeed qaarkood sida Gobolkii Baydhaba Janaay,Gobalada Sool iyo Sanaag oo uu dhamaan Goboladaasi gaarsiiyey horuma la taaban karo ee Kubadda Cagta,waxayna tartamadii Goboladda ka muujiyeen Ciyaar wanagaag iyo in ay u jajabanyihiin Ciyaarta Kubadda Cagta.

Xafladaasi waxa qabashadeyda suurta geliyey Urur Haweenka ee Atlanta oo ay Hogaaminayeen Marwo Saciido Cabdiraxmaan Nuur iyo Marwo Madiina Xuseen oo runtii muujiyey dadaal biyo kama dhibcaan ah qeyb weynna ka qaatay suurtagalnimadda xafladaasi,waxa sidoo kalo dadaal muujiyey Guddiga Isboortiag ee Atlanta ee Kala ah Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo),waxaan kaloo mahad aan la koobi Karin u jeedinaynaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomali-American Inj. Cumar Shiikhey oo ka geystay taakuleyn dhan kastaba leh oo horseeday taabagelinta Xafladaasi,sidoo kale waxaan halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Maxamed Shiikh oo ka mid Guddiga Hogaamiyaha Jaaliyadda isagoo xusay taarkhda uu leeyahay Tababare Giftin.

Waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Tababare Maxamed Xaaji Giftin waxaana uu khudbadiisa ku bilaabay isagoo ay ka muuqato khushuuc iyo dareen aad u sareeya waxaana uu yiri.....Waxaan ka marqaati kacayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacabka addunka ugu mudan in loo shaqeeyo,waxa xaflado tan la mid ah la iigu qabtay Dalal badan ee Yurub ah,waxay taa ku tuseysaa in shaqada aan soo qabtay mabsuud laga yahay,waxaana uu Tababare Giftin sheegin aan waligey iloobi doonin shaqadda isboortiga ee baxaadda weyneyd oo aan ka soo qabtay Magaaladda Atlanta,waxaan ku bilaabay Ilmo aad u yar yar illa ay isboortiga qaarkood ku heleen waxbarasho,anigoo manta halkaan uga mahad celinaayo waalidiintii gacanta nagu siiyey,waxaana aan rajeynayaa in halkaa laga sii wado ku barbaarinta Isboortiga Dhalaanka soo koraayo isagoo ka helaayo waxyaabo aad iyo aad u wanagsan.

Waxaana xafladaasi goob jog ka ahaa Saciido Cabdiraxman,Madiina Xusen Ganacsade Maxamed Suufi Abasheikh,Cabdi Isaaq,Mursal Macalin Maxamed,Maxamed Cali Kamoole,Maxamed Gabeyre,Inj. Axmadey,Aweys Cadde,Al-Xubeyshi,Yusuf Carii,Agaasimaha Sagal Raadiyo Mudane Xusen Xasan,waxaana daadihinta Barnaamijkaasi si hamsami ah u waday Wariye Sare Cabdulqaadir Sagaar iyo Oday Jaamac.


Ugu Dambeyntii waxa halkaa khudbad loo khushuucay ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Inj.Cumar Shiikhey iyo Saciido Cabdiraxman oo ka socotay Haweenka Atlanta,waxayna ku foogaadeeyn Taarikhda uu Tababare Giftin leeyahay iyo in uu manta ka galay taarkhda Isboortiga Soomaaliyeed baal dahab ah,mustaqbalka dhaw iyo kan fogba la xusuusan doono iyagoo sheegeen in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan abaal maguuraan ah oo aan waligii ka tirtirmi doonin jiilalka soo koraayo,waxayna ugu hambalyeeyeen shaqadii wacneyd oo uu u soo qabtay qaranka Soomaaliyeed uguna duceeyey Caafimaad iyo Cimri dheer,waxayna xafladii ku soo dhamaatay si farxad iyo reyn reyn ay ku dheehantahay,waxaana halakaa laga qaaday heestii caanka aheyd ee Soomaaliyey Toosa oo qaar badan ee ka soo qeyb galayaasha ahaa shucuurtooda iyo daamiirkooda Soomaalinimo kiciyey.


W/D: Abdixafid zaciimka

 

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.03 seconds 2,772,071 unique visits