December 18 2017 09:11:06
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Xaflad loo sameeyay Safiirka Soomaliya u jooga USA iyo madaxa hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha DFS

Bahda isboortiga ee gobolka Minnesota ayaa xaflad qado iyo soo dhaweyn isugu jirta u sameeysay wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay safiirka DFS u jooga dalka Maraykanka, Ambassador Ahmed Isse Awad,qunsulka  mudane Tabid Mohamed,La taliyaha safiirka mudane  Abdikariim, qareenka safaaradda Osob Mohamed Ali samatar iyo taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha DFS General Abdullahi Gaafoow.

Soo dhaweyn ka dib , waxaa halkaasi magaca jaaliyadda isboortiga ee gobolka Minnesota ku hadlay , guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Abdi Cali macallin oo isagu si aad ah uga warbixiyay hawlaha isboortiga ee ka socda gobolka Minnesota iyo qadarinta,soo dhaweynta iyo marxabaynta ay u hayaan furitaanka safaaradda Soomaaliyeed ee USA.

Halkan waxaa maanta fadhiya halyeeyadii isboortiga Soomaaliyeed noocyadoodii kala duwanaa, waxaana ay diyaar u yihiin inay idinla qaataan waqti, fikradahiinana ay idinka dhagaystaan, kuweenana aan idiin soo gudbino,waxaana aad ugu faraxsanahay 25 sanadood ka dib inaan maanta haysano cid aan kala hadalno waxa aynu doonayno jaaliyad ahaan, in badan oo naga mid ahna waad ku arki doontaan safaaradda haddii Alle yiraahdo.

Dabcan Isboortigu ma hadal badna , hawsheenuna waxaa ay u badan tahay inaan gacmaha iyo lugaha ka cayaarno iyo inaan aqoonteena u gudbino jiilalka soo koraya. Soo dhawaada mar labaad ayuu guddoomiyuha Isboortiga ee gobolka MN hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Maanta 10 sano oo kale ayaa iga go’day haddii aan la fadhiyo halyeeyadii isboortiga Soomaaliyeed, waxaana dareemayaa farxad aad u sarreyso oo 25kii sano ee la soo dhaafay aanan helin ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxa hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha DFS General Abdullahi  Gaafoow oo isagu ka mid ahaa dadka sida hoose ugu dhuunduleela isboortiga soomaaliyeed, si aad ahna ula socday dhaqdhaqaaqa isboortiga Soomaaliyeed ee barisamaadkii,Aad baan ugu faraxsanahay runtii inaan arko wajiyo waa hore iigu dambaysay, waana idiinkaga mahadcelinaynaa soo dhaweynta aad noo samayseen.

Generaal Gaafow , ayaa isagu ka sheekeeyay taariikho isboorti oo horay loo soo maray iyo guulihii kooxaha Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen barisamaadkii, iyo dadaalada faraha badan ee haatan ka socda dalka Soomaaliya ee lagu horumirinayo Isboortiga….Hawlo faro ayaa ka socda gudaha, dhallinyaro faro badanna waxaa ay ku mashquul san yihiin cayaaraha, waxaana ka maqan aqoontii, sidaasi darted , waxaan idinka codsanayaa inaad timaadaan dalka oo aqoontiina isboortiga aad u leedihiin aad u gudbisaan jiilka soo koraya.

Safiirka dawladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Maraykanka Ambassador Ahmed Isse Awad oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay bahda isboortiga ee gobolka Minnesota, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay furitaankii safaaradda iyo heerarkii laga soo maray iyo waxa la doonayo in la qabto.

Safaaraddu waxa ay u furan tahay oo ay wakiil ka tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, waxaanu diyaar u nahay inaan waxii karaankeena idinla qabano, idinka ayayna idiin furan tahay gacmo furan ayaana idiinku soo dhaweynaynaa.

Safiirka ayaa isagu dhanka  kale ka hadlay waayihii barisamaadka iyo naadiyadii waaweynaa ee soo maray dalka, haatanna loo baahan yahay in buruburkii ka dib in heerkaasi oo kale la gaarsiiyo, aad baana u adkaynayaa hadalka Gaafoow ee ah in aqoontiina looga baahan yahay gudaha dalka inaad gaarsiisaan oo halyeeyo idinka oo kale ah aad soo saartaan.

Ugu dambayntii Abdi Yuusuf oo isagu ka mid ah odayaasha isboortiga ee gobolka Minnesota, ahna wakiilka cayaaraha fudud u jooga Minnesota  ayaa halkaasi Shirib cajiib ah oo uu ku guubaabinayo, kuna ammaanayo safaaradda iyo shaqaalaheeda halkaasi ka soo jeediyay, taasoo ay aad ugu riyaaqeen dadkii madasha joogay.

Waxaa munaasabaddaasi goob joogayaal ka ahaa:mas’uuliyiin, macallimiin, ciyaartooydii hore, iyo marti sharaf kale oo halkaasi lagu casuumay sida: Ibraahim Sudani, Maxamed xasan Qolof, Cabdulqaadir Qariidi,Cabdi Yuusuf, Axmed Daahir, Abdirahman Aamaan,Abdi Cali, Abdiasiis Giftin, Axmed Cismaan Geedi, Abdullahi Warsame(Jeego), Axmed jaamac, Fartuun Nuur, Xaawo Hiiraan, Abdulkadir Shiikha, Abdulkadir Madaxey,Abdiqani Salad, Maxamud Yare,Dalab Caddaawe, Abdullahi Afrika,Faysal iyo xamsa Saciid Xamsa oo ah guddoomiyiha isboortiga ee Kentucky kana tirsanaan jiray cayaartooydii k/cagta barisamaadka ee naadigii Badda.

Xafladdaasi oo ahayd mid aad  loo soo agaasimay ayaa ku soo idlaatay jawi farxadeed oo qosol iyo maad intuba lahayd.


Diyaariye:Shiikha

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.03 seconds 2,847,190 unique visits