|
Sayec celebration and Recognition |
|
|
Washington DC Tournment 2012 |
|
|
Ohio Soccer Tournment 2012 |
|
|
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012 |
|
|
Dhallinta Cuslaatay ee UK |
|
|
Sweden Basketball Tournment 2010 |
|
|
|
Welcome to Somali Youth Development Organization
FARIIN CULUS-IMPORTANT MESSAGE
Fadlan, haddii aad hayso qoraalo wanaagsan oo lagu wacyi galinayo dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee Maraykanka ah, caawinayana dhisida jiil Somaaliyeed oo caafimaad qaba, noogu soo dira emilkaan Webmastarka shiikha50@hotmail.com
Cudur daar: Haddii uu qoraalkaagu uu wax u dhimayo si gaar ah shakhsi, beel, urur iwm yuusan waqti kaaga lumin, ma soo qori doono
Dear readers, if you have any constructive idea that will promote building a strong young Somali/American generation, please, send it to us at Webmastarka . shiikha50@hotmail.com
NB: Please, do not send any harmful or destructive article or idea, that will violate the rights of a certain person, group, or community. If you planning to send it don’t waste your time, we will not post it.
|
|
|
Garsoore Soomaaliyeed oo qabanaya cayaarta furitaanka CECAFA |
|
Garsoore Soomaaliyeed oo qabanaya cayaarta furitaanka CECAFA

Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish Xaaji yabarow ayaa daqiiqado ka hor loo magacaabay in uu dhex dhexaadiye ka noqdo cayaarta furitaanka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo barri ka furmaya gobalka South Gordofan ee dalka Sudan. Garsooraha iyo caawiyeyaashiisa ayaa galabta lagu magacaabay kulan ka dhacay magaalada Kadugli. |
|
|
Soomaaliya oo soo dhaweysay natiijada kulanka ANOC |
|
Soomaaliya oo soo dhaweysay natiijada kulanka ANOC

Ururka ay ku mideysan yihiin guddiyada Olombikada wadamada caalamka ee loo yaqaano ANOC ayaa goor dhow kulankiisii sanadlaha ahaa kusoo gabagabeeyay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland oo loo yaqaano magaalada Olombikada, waxaana guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu si weyn usoo dhaweeyay natiijada shirka kasoo baxday iyo qodobadii looga dooday shirka oo ay kasoo qeyb galeen 201 xubnood oo ka mida 204-ta dal ee xubnaha ka ah ururkan. |
|
|
CECAFA amends club cup fixtures |
|
CECAFA amends club cup fixtures

Office of the secretary General of the council of east and central Africa football associations (CECAFA) has revised the previously disclosed fixtures of its 2013 Kagame club cup which is due to kick off in the war-ravaged Sudanese regions of Darfur and south Gordofan on the 18thof May.The amendment of the fixtures comes only three days to go until the regional competition has commenced Tuesday next week. This is because after Zanzibar’s Falcons have dropped out of the competition as Chad’s electric Sport replaced instead. |
|
|
Hambalyo - Congratulations Farhia, Siham and Dipmala |
|
Hambalyo
Congratulations to Farhia, Siham and Dipmala

Ilaa 10.000 arday ayaa ka qalin jabisay jaamacadaha ku yaalla gobolka Minnesota, waxaana maalmahan soconayay damaashaadyo iyo fantasiyo ay samaynayeen waalidiinta Soomaaliyeed oo iyagu caruurtooda ay ka mid ahaayeen ardaydii ka najaxay jaamacadaha gobolkan sida Farhia Aweys Muuse Arbow oo uu dhalay cayaaryahankii hore ee naadigii K/cagta ee Horseed iyo xulka qaranka “Aweys Fuundi” iyo Siham Abdulkadir Xaaji Daahir oo uu dhalay cayaaryahankii hore ee Naadigii Badda iyo xulka qaranka kubadda koleyga” C/qaadir Shiikha”. |
|
|
Martisharaf Isboorti oo lagu soo dhaweeyay Minnesota |
|
Martisharaf Isboorti oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Marti sharaf qiimo badan ku leh isboortiga noocyadiisa kala duwan iyo jaaliyadda Soomaalida ee qurbaha ayaa lagu soo dhaweeyay gobolka Minnesota , kuwaasi oo siyaabo kala duwan u soo gaaray gobolka Minnesota ,waxaana halkaasi uu ku dhex maray kulamo looga hadlayay xaaladda isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo kan qurbajoogta Soomaaliyeed bahda isboortiga ee ku dhaqan gobolka Minnesota (USA). |
|
|
Dr. Cli Cusmaan. Aanu diiradda saarno sidii tartamada Olympikada Afrika loogu qaban lahaa |
|
Dr. Cli Cusmaan. Aanu diiradda saarno sidii tartamada Olympikada Afrika loogu qaban lahaa

Waxa dhawaan Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Georgia lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay ha'yada la yiraahdo AFRICA HERITAGE CENTERoo uu maamule ka yahay Safiirka lagu magacaabo Tunda Adetunji,waxaana shirkaasi looga hadlaayo qodobadda hoos ku qoran. |
|
Tacsi: Muumin Yare iyo GanacsadeAxmed Neero
Innaa Lillahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Bahda isboortiga ee gobolada Minnesota, Atlanta, aqoonyahanada isboortiga iyo warfidiyeenada ee ku kala nool dibadaha waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, Eheladii,caruurtiisa iyo bahdii Isboortiga oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Muumin Maye Xaaji Maxamed oo ku magac dheeraa (Muumin Yare) oo ka mid ahaan jiray barisamaadkii cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo naadigii Muqdisho.Sidoo kale Bahda isboortiga ee goboladaasi waxaa ay tacsi taasi la mid ah u dirayaan Daahir Neero iyo Bashiir Neero iyo reer Neero dhammaantoodaba ...Iyaga oo uga tacsiyadaynaya geeridiii naxdinta lahayd ee ku timid aabahooda Marxuum Ganacsade Axmed Neero oo ka mid ahaan jiray ganacsatadii Soomaaliyeed ee qaybta libaax ka qaadan jirtay horumarka sport gaar ahaan kubadda kolayga.
|
|
|
Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo London Qado Sharaf ugu sameeyay guddoomiyaha Jabuuti |
|
Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo London Qado Sharaf ugu sameeyay guddoomiyaha Jabuuti

Wakiilka xaga maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u fadhiya dalka Ingiriiska ahna guddoomiyaha ururka White Star Association Dr Cabdi Colaad Raage ayaa hogaamiyay munaasabad qado sharaf ah oo lagu sagootinayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti ahna xeer ilaaliye ka tirsan FIFA Mundane Suleymaan Xasan Waaberi oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada London halkaas oo uu ka mid ahaa madax ka socotay caalamka oo lagu casuumay daawashada cayaartii finalka ee tartanka UEFA champions league 2013. |
|
|
Gudoonka cusub ee XKKS afarta sano ee soo socota oo lagu doortey Muqdisho |
|
Gudoonka cusub ee XKKS afarta sano ee soo socota oo lagu doortey Muqdisho

Congresskii 6-aad ee xiriirka kubadda koleyga ayaa lagu qabtay Muqdisho,iyadoo halkaasina goob jog ka ahaayeen Madax katirsan Gudiga Olombikada, wasaaradda Houmarinta adeega bulshada qeybta sportiga iyo bahda warfaafinta. |
|
|
Bayern oo noqotay horyaalka Yurub (Sawiro) |
|
Bayern oo noqotay horyaalka Yurub (Sawiro)

Kooxda Bayern Munich ayaa ku guulaysatay horyaalka qaaradda yurub ee sanadka 2013 ka ka dib markii ay caawa 1-2 uga adkaatay kulankii kama dambaysta ahaa ee tartankan oo ay markii ugu horeysay taariikhda isugu soo haraan laba kooxood oo reer Jarmal ah. |
|
|
Roombe oo ka tagay shaqadii K/koleyga |
|
Roombe oo ka tagay shaqadii K/koleyga

Ibraahim Xuseen Roombe oo ahaa gudoomiyihii xiriirka kubadda koleyga ayaa iska casilay xilkaasi, isagoo sidaa ku shaaciyay shir jaraa’id oo uu maantay oo Arbaco ah qabtay, sababta ayaa lagu sheegay inuu cod ka waayay kooxaha u diiwaangashan xiriirka maadaama doorasho loo balansanyahay. |
|
|
Tartanka hordhaca Horyaalada Degmooyinka G/Banaadir oo Maanta si rasmi ah Muqdisho ugu furmay. |
|
Tartanka hordhaca Horyaalada Degmooyinka G/Banaadir oo Maanta si rasmi ah Muqdisho ugu furmay.

Tartan kubadda cagta oo loogu magacdaray hordhaca Horyaalada Degmooyinka Gobolka Banadir ayaa maanta oo taariikhda tahay 21-5-2013 si rasmi ah ugu furmay garoonka Akadeemiyadda Generaal Kaahiye oo horey loogu yaqiinay iskuulo Boliiisiyo ee degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
|
|
|
TC Oo u dabaaldagtay Guulahii ay ku tallaabsadeen |
|
TC Oo u dabaaldagtay Guulahii ay ku tallaabsadeen
Xaflad taariikhi ahayd oo lagu xusayay kooxdii kubadda cagta ee TC Stars ee guulaha isdabajoogga ah ka soo hoysay cayaaraha kubadda cagta ee lagu qabto North Amerika ayaa lagu qabtay Makhaayadda safari Restaurant ee gobolka Minnesota. Xafladdaasi iyada ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulayaasha kooxda si gaar ah guddoomiyaha Ururka dhallinyarada ee Minnesota macallin Cabdi shukri xuseen ..waxaana xafladdaas lagu casuumay Masuuliyiin ,macallimiin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo cayaartooydii K/koleyga dhallinta u 16 oo dhawaantan ku soo guulaysatay koobkii lagu qabtay Ohio. |
|
Tacsi
Innaa lillahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Dadkan ay magacyadoodu hoos ku xusan yihiin oo isugu jira dad mas’uuliyiin ka soo noqday dawladdii Somalia, qubaro Isboorti, Ganacsato , iyo shakhsiyaad qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed intaba, waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii uu ka tagay Allaha u naxariistee marxuum Xaaji Ciise Maxamed Fiqi Yuusuf oo ka mid ahaa taageerayaashii naadigii isboortiga ee Jeenyo oo ku geeriyooday dalka Sacuudiga.
|
|
|
Somali U-12 win children’s tourney in London |
|
Somali U-12 win children’s tourney in London

The Haringey-based Lordship Rec FC has shown a wonder at the London Children’s football tournament after its U-12 Somali children won the Enfield council-organised football competition which gathered nearly hundred children’s football teams from across London and surrounding areas, while Lordship Rec FC’s U-11 children were eliminated in the semi-final, although they were recognised as the best team in their event. |
|
|
Djibouti soccer referees attend FIFA training course |
|
Djibouti soccer referees attend FIFA training course

More than 25 elite football referees in Djibouti are participating at a high level training course organized by the Djibouti Football federation under the auspice of the International football Federation FIFA whose instructors are conducting the five-day course which is taking place at the National technical centre. |
|
Tahniyad

Bahda qurbajoogta isboortiga ee USA, waxaa ay tahniyad kal iyo lab ah u dirayaan walaalkooda Maxamed Sulub Saahid oo ku magac dheer “Eegga” iyo Anisa Maxamuud Saciid oo xafladdii meherkooda uu ka dhacay masaajidka Abuubakar siddiiq ee magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota. |
|
|
Anyelo & Baruko Cup Oo Guul Ku Dhamaaday |
|
Anyelo & Baruko Cup Oo Guul Ku Dhamaaday

Waxaa Magaalada Toronto lagu soo gabagabeeyay koob loogu magac daray Anyelo iyo Baruko Allaha u naxariistee.Koobkani ayaa waxaa si qurux badan usoo qaban qaabiyay ururka ILAMOS
|
|
|
Bashiir Geele iyo Caydiid Jeenyo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota |
|
Bashiir Geele iyo Caydiid Jeenyo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Ohio, ahna madaxa qabanqaabada ee tartanka Spring Break Mudane Bashiir Geele iyo xubin ka tirsan jaaliyadda isboortiga ee Atlanta, kana mid ahaa ciyaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo naadigii jeenyo mudane C/qaadir Faarax “Caydiid” ayaa si kalgacal leh loogu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, iyada oo soo dhaweyntooda ay ka soo qaybgaleen madaxda isboortiga ee gobolka MN, Macallimiin, siyaasiyiin. aqoonyahanno,iyo cayaartooydii hore ee barisamaadka oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
|
|
|
Successful end to professional sports medicine training in Somalia. |
|
Successful end to professional sports medicine training in Somalia.

There has been a colourful conclusion ceremony to the high level professional sports medicine workshop which has been under way at the Sahafi International Hotel in Mogadishu between 8-9 May 2013 with at least 45 medical volunteers including six women benefitting from the Somali Football Federation organized professional sports medicine workshop. |
|
|
Guddiga Jaaliyadda iyo Kan Isboortiga ee Atlanta oo Sheikh Shariif Casuumay |
|
Guddiga Jaaliyadda iyo Kan Isboortiga ee Atlanta oo Sheikh Shariif Casuumay

Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay diyaariyeen Guddiga Somali-Americal Community Center iyo Somali Isboorti and Culture of Atlanta ayaa dhawaan waxa lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka taa oo lagu casumay Madaxweynihii hore ee Soomalia Mudane Shekh Sharif Shekh Axmed,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay dhamaan Jaaliyadda reer Atlanta iyadoo aan loo kala harin si loo marxabeeyo Mudane Shekh Shariif oo ka mid ahaa Madaxweynayaashii dadaalka weyn muujiyey intii uu xilkaasi hayey. |
|
|
QURBA-JOOGTA SPORTS KA GOBOLKA JUBADDA HOOSE – KISMAYU OO DOORTAY GUDDOOMIYE iyo Hambalyo ay u dirayaan Bahda isboortiga ee Minnesota |
|
QURBA-JOOGTA SPORTS KA GOBOLKA JUBADDA HOOSE – KISMAYU OO DOORTAY GUDDOOMIYE iyo hambalyo ay u dirayaan Bahda Isboortiga ee Minnesota

Shir khadka telefoonka ah oo ay isugu yimaadeen ciyaartooydii hore ee Gobolka Jubadda Hoose ee ay magaalo madaxdiisu tahay Kismayu ayaa wuxuu dhacay taariikhdu markii ay ahayd April 20, 2013. Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyey noociisa oo ay bahdan yeelato ayaa ahaa mid aad u xiiso badnaa oo aad mararka qaar u malaynaysid in ciyaartooyda cuslaatay ay wali kuwada ciyaarayaan garoonkii Waamo ee magaaladda Kismayu. Waxaa ugu qosol badnayd markii uu Mahamaadi Bakari oo naadi Munishiibiyo u qaadan jiray lambarka 9aad uu Maxamed Muse Jabros kula kaftamay inuu lambar 5 kii uu caanka ku ahaa boorka ka soo jafjafto, odayaashu faan badanaa! |
|
|
Munaasabad lagu taageerayay guusha kooxda deg. C/Casiis oo Muqdisho ka dhacday. |
|
Munaasabad lagu taageerayay guusha kooxda deg. C/Casiis oo Muqdisho ka dhacday.

Munaasabad lagu taageerayay guushii Kooxda K/Koleyga Degmada C/Casiis ay ka soo hoysay tartankii kooxaha K/Koleyga Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay madax ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madax ka tirsan GOS, Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya, ciyaatooy, iyo marti sharaf kale. |
|
|
Alfannaan Cabdulqaadir Jubba oo lagu soo dhaweeyay Minnesota |
|
Alfannaan Cabdulqaadir Jubba oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Bahda isboortiga iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Minnesota ayaa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay gobolka Minnesota Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Al fannaan Cabdulqaadir Cumar Macallin Jubba oo isagu toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Minnesota , waxaana uu si gaar ah kulan ballaaran ula qaatay bahda isboortiga ee gobolka Minnesota. |
|
|
Degmada C/Casiis oo Hanatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir‏ |
|
Degmada C/Casiis oo Hanatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir

MUQDISHO - Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho waxaa ciyaartii kama dambeysta ee Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir isaga horyimid Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis. Iyadoo guusha ay 70-68 ku raacday Degmada Cabdicasiis. |
|
|
Xilli cayaareedka 2013 ee Soomaaliya oo bilowday |
|
Xilli cayaareedka 2013 ee Soomaaliya oo bilowday

Xilli cayaareedka 2013 ee horyaalka kubada Cagta dalka Soomaaliya ayaa qeyb ahaan bilowday iyadoo cayaartii furitaanka horyaalka heerka labaad ay dhacday maanta oo, halka horyaalka heerka koobaadna uu sugayo oo keliya marka ay FIFA soo dhamsytirto wajiga labaad ee dhismaha garoonka Stadium Banaadir, halkaas oo la qorsheynayo in horyaalka heerka 1-aad uu ka dhici doono sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay |
|
|
Kooxaha Ohio,Washington Stars,Sydom iyo Afro canadian oo ku guulaystay koobabkii Ohio |
|
|
Kooxaha Ohio,Washington Stars,Sydom iyo Afro canadian oo ku guulaystay koobabkii Ohio

Waxaa magaalada Columbus ee gobalka Ohio lagu soo gabagabeeyay tartankii sannadlaha ahaa ee kubadda cagta, kaasi oo ahaa sannadkiisii 13aad ee halkaasi lagu qabto, iyada oo sannadkani tartanka lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda koleyga iyo koob loo dhigay ciyaartooyada da'da yar ee kubadda cagta.Tartankaasi isaga ah ayaa waxaa qabanqaabadiisa si hufan uga soo shaqeeyay guddiga isboortiga Ohio oo uu horkacayay guddoomiyahooda Mudane Bashiir Geele.
|
|
|
Guddoomiye Cabdi Cali iyo Halyeey Omar El Ringo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota |
|
|
Guddoomiye Cabdi Cali iyo Halyeey Omar El Ringo oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota mudane Cabdi Cali Macallin iyo ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo naadigii Muqdisho Mudane Cumar Cismaan Waasuge "Omar Ringo" ayaa dib ugu soo laabtay gobolka Minnesota, iyaga oo safar dheer oo muddo qaatay ugu maqnaa dalka soomaaliya.
|
|
|
Atlanta oo si buuxda uga qaybgashay tartankii Ohio |
|
Atlanta oo si buuxda uga qaybgashay tartankii Ohio Atlanta
 Sanad kastaba waxa Tartamo Ciyaareed lagu qabtaa Gobolka OHIO magaaladda Madaxdiisa ee Columbus, waxaana ka soo qeyb gala Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed magac iyo Maamus ku leh oo ka kala yimaado Gobolado ay ka koobantahay Dalka Mareykanka. Waxaa magaaladda Atlanta ka safray wafdi aad u balaaran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshadda,waxaana ka mid ahaa |
|
Tacsi
Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Bahweynta isboortiga ee gobolada Minnesota,Atlanta,Seattle Wa,Portland, macallimiintii iyo Cayaartooydii hore ee K/cagta,Koleyga gabdho iyo wiilal,orodada Dabaasha, iyo kubadda miiska ee naadigii Badda , waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii.eheladii, asxaabtii iyo caruurtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee naadiyadii isboortiga Horseed iyo Badda Marxuum Ibraahim Cilmi Bullaale “Ibraahim Xisbiyo” oo habeenimadii ay taariikhdu ku beegnayd 03/31/2013 ku geeriyooday magaalada Stockholm ee wadanka Sweden. |
|
|
Milan oo xajisan waysay hogaankeedii dibaddana laga dhigay horyaalka Yurub(Sawiro). |
|
Milan oo xajisan waysay hogaankeedii dibaddana laga dhigay horyaalka Yurub(Sawiro).

Kooxda Milan ayaa ku guuldaraysatay in ay daafacato guushii 2-0 ahayd oo ay lugtii hore ee kulanka 16 ka kooxood ee ugu dambeeya tartankan uga soo adkaatay kooxda Barcelona ka dib markii caawa 4-0 looga adkaaday garoonka Nou Camp ee magaalada Barcelona. |
|
|
Anyeelo iyo Buruko Cup oo ka furmay Toronto |
|
Anyeelo iyo Buruko Cup oo ka furmay Toronto

Toronto: Waxaa magaalada Toronto si rasmi ah uga furmay koob loogu magac daray Allaha u naxaristee Cumar Anyelo iyo Ibrahim Baruko. Tartankan kubadda kolleyga ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ilamos oo ay horkacayaan Macallim Bruno, Axmadey B, Farax Oday iyo Abdifatah Marayare. |
|
|
Dr;Ali Osman: bahda Isboortiga abaalkiina ma illoowi doonto |
|
Dr;Ali Osman: bahda Isboortiga abaalkiina ma illoowi doonto

Bisha Feberaayo waxa dalka Mareykanka oo idil looga dabaaldegaa halgankii ay soo galeen Qowmiyadda Madaw oo ay kaga dhiidhinayeen cadaaladaradda lagu hayey(BLACK HISTORY MONTH),taa oo ay u geeriyoodeen Halyeeyo fara badan oo uu ugu horeeyo Dr. Martin Luther King . Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta ayaa sanadkaan waxa uu abaabulay xaflado looga qeyb galayo maalintaas qiimaha leh,waxaana lagu casumay qaar ka mid ah Macaalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha Magaaladda Atlanta,Xubno hore uga tirsanaa Guddiga Olimpikadda Mareykanka,qaar ka mid ahaa tababarayaasha wax ka soo leyliya Tartamadda Olimpigadda,gabdho ka socda dalka Kenya iyo marti sharaf badan oo ka kala socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta degan. |
|
|
Xulka K/Koleyga Degmada C/Casiis oo Legaday Boondheere (Sawiro). |
|
Xulka K/Koleyga Degmada C/Casiis oo Legaday Boondheere (Sawiro).

MUQDISHO - Garoonka Kubadda Koleyga Degmada C/Casiis ayaa waxaa Ciyaar ka tirsan Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir galabta isaga horyimid Degmooyinka C/Casiis iyo Boomdheere. Iyadoo guusha ay dhinaca Degmada C/Casiis ay ku martay 32-49. |
|
|
Tartamo Isboorti oo Atlanta ka furmay |
|
|
Tartamo Isboorti oo Atlanta ka furmay

Atlanta:Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Magaaladda Atlanta isagoo fulinaayo qodobadda Dastuurkiisa ayuu waxaa uu ku dhaqaaqay talaabo ku dayasho mudan ka dib markii uu soo abaabulay tartamo Kubadda Cagta ah oo ay ka qeyb galayaan dhalaan da'doodu u dhaxeyso 9sano-12sano,kuwa oo farsamo ahaan marka loo fiiriyo ah Ciyaaryahano u jajaban xirfadda Kubadda Cagta,waxaana Kooxahaasi gacanta ku hayey Halyey Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo)oo ka mid ah aasaasayaashi Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka isla markaana ah Tababare haysta Shahaado Kubadda Cagta oo ay bixiyeen ha'yado ka dhisan Magaaladda Atlanta ee looga dambeeyo soo saarida Tababarayaal aqoon durugsan leh. |
|
|
Xiriirka K/ Cagta oo ka hadlay tababar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliya |
|
|
Xiriirka K/ Cagta oo ka hadlay tababar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliya
Iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso tababarka sanadlaha ah ee (FIFA MA course) laguna wado in uu horaanta bisha soo socota ka furmo dalka Jabuuti ayaa madaxa xafiiska wax barashada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed oo xarunta SFF maanta war saxaafadeed kasoo saaray waxaa uu sharaxaaad ka bixiyay jadwalka tababarka
|
|
|
Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadinaya cayaar caalami ah. |
|
|
Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadinaya cayaar caalami ah.

Garsoore Xasan Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) iyo kalkaaliyaal ka socda dalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Brundi halkaasoo ay ku dhexdhexaadin doonaan cayaar ka tirsan tartanka isreereebka koobka Confederations Cup ee qaaradda Afrika oo berrito ku dhexmari doonta kooxaha Lydia LB Academic (Brundi) iyo kooxda Police ee dalka Rwanda.
|
|
|
Tacsi: Innaa Lillahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun |
|
|
Tacsi:
Innaa Lillahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Bahda Isboortiga ee gobolka Minnesota iyo jaaliyadda reer Kaambo ee ku kala nool daafaha dunida waxaa ay si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan ciyaaryahankii kubadda koleyga ee naadigii Waxool Axmed Xaashi Faarax oo ku magac dheeraa "Asad" oo walaalkiisa Marxuum Tanade Xaashi Faarax uu Dhawaantan ku geeriyooday dalkaasi India.. Sidoo kale waxaa tacsidaasi loo dirayaa dhammanba eheladii Marxuumka, si gaar ah Hooyo Xaawo Cali Dhabane, Hooyo Saciido Cabdi Wardheere ,walaalihiisa Cabdiwahaab Xaashi, Cabdinaasir Xaashi, Asad Xaashi,Kiin Xaashi, Maxamuud Xaashi iyo Muxibo Xaashi.
|
|
|
Agaasimaha Taleefishin-ka Somsat ee Qaaradda Europe ,ahna Mas'uul ka tirsan Jaaliyadda Sports-ka Manchester City oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacayo |
|
Agaasimaha TV Somsat ee qaaradda Europe, ahna Mas'uul Jaaliyadda sports Manchester city oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacayo.

Agaasimaha Taleefishin-ka Somsat ee Qaaradda Europe ,ahna Mas'uul ka tirsan Jaaliyadda Sports-ka Manchester City ahna aasaasihii koxda walaalaha horumarinta isboortiska UK ee WPSC Fu'aad Cusmaan ayaa soo gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. |
|
|
Xulka Nigeria oo markii saddexaad hantiyey koobka qaaradda Afrika. |
|
|
Xulka Nigeria oo markii saddexaad hantiyey koobka qaaradda Afrika.

Xulka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa caawa cayaartii kama dambaysta ahayd ee tartanka koobka Afrika 1-0 uga adkaaday xulka dalka Burkina Faso sidaasina markii saddexaad ku hantay koobka qaaradda. |
|
|
Somali soccer referees prepare for FIFA course |
|
|
Somali soccer referees prepare for FIFA course
Somali Football referees are under huge preparations for a FIFA level refereeing course for the country’s elite referees. The course is slated in the neighbouring Djibouti next month according to a press statement by SFF secretary General Abdi Qani Said Arab on Sunday evening.
|
|
|
Somali women enjoy handball tournament |
|
|
Somali women enjoy handball tournament
It was an era of a great pleasure and the return of freedom of women’s sport for the Somali women who have enjoyed a month-long handball tournament in the capital Mogadishu. The Somali women were previously denied access to sport in public for several years by the Al-Qaeda-linked Al-shabab terrorists in Somalia.
|
|
|
Peace run raises hopes in Somali capital |
|
|
Peace run raises hopes in Somali capital
Hopes of peace are arising in Somali capital Mogadishu which witnessed the first ever peace run in more than two decades. The peace run which was mainly intended to encourage calmness in the war-torn city was co-organised by the National Olympic committee of Somalia and the mayor of the capital Mahmoud Ahmed Nur, himself a former basketball player.
|
|
|
Somali govt pledges ‘end to AU troop presence’ at soccer facility |
|
|
Somali govt pledges ‘end to AU troop presence’ at soccer facility

With the Somali Football federation still struggling to get the country’s national facility ‘Stadium Mogadishu’ back into its hands from the AU military occupation, the country’s federal government pledged to end the AU troop presence at stadium Mogadishu. Deputy Minister for sport Bashir Mohamed Jama announced the pledge during a joint visit by the ministry and SFF officials to the site on Monday.
|
|
|
Tacsi
Innaa Lillahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Dhamaanba Aqoonyahanadaan Isboorti ee magacyadoodu ay hoos ku xusan yihiin waxaa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Atlanta Mudane Inj. Cumar A. Shekey oo walalkiisaAllaha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir A. Shekey uu ku geeriyooday Magaaladda Mombasa ee Dalka Kenya....waxaana aan Eebe uga baryeynaa in uu Marxuumkaas janadiisii fardawsa aheyd ka waraabiyo,eheladii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo (Aamiin).
|
|
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
Run To Unite(Minnesota 2012 |
|
|
Seuki Soccer Tournment 2012 |
|
|
Sydom Basketball Tournment 2012 |
|
|
London Futsal Tournment U16 |
|
|
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden- |
|
|
Kulankii Isboortiga Utange |
|
|
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio |
|
|
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota |
|
|
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota |
|
|
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009 |
|
|
Minnesota Basketball Team |
|
|